Xidiga caanka ah ee Hollywood-ka ka dhex muuqdo Robert Downey Jr waxaa usoo baxay filimka fariinta socdaalka keenta iyo Action-ka xambaarsan laguna magacaabo Dolittle waxaana si rasmi ah tiyaatarada gudaha Mareekanka looga daawan doonaa iyo daafaha caalamka maalinta berito oo Jimco ah 17 Janaayo 2020.

Jilaayaasha filimkan: Robert Downey Jr., Michael Sheen iyo Antonio Banderas sidoo kalena filimkan jilaayaal caan ah ayaa u codeenayaan xeywaanaadka ku jiraan waxaana ka mid ah Harry Collett, Jessie Buckley, Emma Thompson, Rami Malek, John Cena, Kumail Nanjiani, Octavia Spencer, Tom Holland, Craig Robinson, Selena Gomez.

Director: Stephen Gaghan

Waqtiga uu soconaayo: 102 daqiiqo ama 1-saac & 42-daqiiqo.

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Dr. John Dolittle (Robert Downey Jr.) 7-sano ayaa kasoo wareegatay geeridii xaaskiisa wuu iska niyad jabay wuxuuna ku nool yahay dhul buuro keyn u badan oo aysan dadka soo gaari karin wuxuuna saaxiibo ka dhigtay xeywaanaadka duurka joogaan dadkana wuu ka fogaaday waxaana dhulkan hadda ka hor hadiyad ahaan u siisay boqorada Ingiriiska maamusho.

Laakiin Dr. John Dolittle (Robert Downey Jr.) waxaa si qasab ku dheehan looga soo wadaa duurka ama keynta si uu u dabiibo boqorada Ingiriiska oo xanuunsan waxaana doorkan mataleyso Jessie Buckley madaama abaal horey loogu galay wuxuu ku qasbanaanaa inuu boqorada daaweeyo.

Balse Dr. John Dolittle (Robert Downey Jr.) wuxuu boqortooyada u sheegaa in boqorada lagu daaweyn karo geed daawo dhireed ah oo meel fog ku yaalo dhul jasiirad ah in la keeno waxaana la dhahaa adiga kaliya ayaa hawshaas qaban kartid wuxuuna bilaabaa socdaal uu ku baadi goobayo geedka boqorada lagu daaweenayo waxaana garab siinayaan dhamaan xeywaanaadka saaxiibka isaga leh.

Laakiin waxaa jidka u galaayo oo caqabad ku noqonaayo Dr. Blair (Michael Sheen) oo isagana rabo in boqorada uu dilo lana daaweynin sidaa darteed Dr. John Dolittle (Robert Downey Jr.) si uu boqorada Ingiriiska u bad baadiyo waa inuu halis walbo uu jidka kula kulmaayo ka bad baado kadibna soo laabto asigoo wado geedka boqorada lagu daaweenayo caleentiisa.

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha: Robert Downey Jr si heer sare ah ayuu doorkan u matalay waadna iska hilmaameysaa inuu yahay Iron Man-kii awooda badnaa weliba waxaa kusoo jiidanayo habka uu u shactireenayo iyo qaabka u xeywaanaadka ula fal galaayo. Dhamaal jilaayaasha kale ee muuqaal ahaan ama cod ahaan kaga soo muuqdeen iyagana doorarkooda waa mid wanaagsan.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimkan: Director Stephen Gaghan fariin sahlan ayuu doortay si sahlana wuu u agaasimay madaama mashruucan uu yahay mid qoysaska iyo caruurta loogu tala galauy habka loo dhigay hubanti ahaan wey ka heli doonaan.

Muxuu Ku Wanaagsan Filimka Dolittle:

Bandhiga heerka sare ah ee Robert Donwney Jr la yimid.

Fariinta shactirada badan iyo socdaalka keenta oo kusoo jiidanayo.

Muxuu Ku Liitaa Filimkan:

Ma ahan flim fariin waaqici ah xambaarsan sidaa darteed waa mashruuc caruurta iyo qoysaska daawan doonaan.

Sidoo kale qaabka sheekada loo dhigay oo la fahmi karo marwalbo waxa xiga ee dhici karo.

Qiimeyna Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Gunaanad: Dolittle waa filim mada daalo dhameestiran leh oo Robert Donwey Jr kusoo bandhigay door aan looga baranin hubanti ahaana qoysaska iyo caruurta daawan doonaan balse ganacsigiisa ma noqon doono mid iskooro lixaad leh dhigo ee wuxuu noqon doonaa mashruuc ganacsi dagan sameeyo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filima Dolittle Robert Donwey Jr hogaamiye ka yahay ee caruurta siweyn u mada daalin doono iyo qoysaska:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here