Sheekooyinka qaar Bollywood-ka sameeyaan waxay noqdeen kuwo hirgalaan oo ay adag tahay in dib loo sameeyo sidaa darteed filimka Dream Girl waa fursad dahabi ah oo Bollywood-ka soo martay waxaana gacanta ku dhigay xidiga wax walbo oo uu taabto dahab ka dhigaayo qof kale ma ahan waa Ayushmann Khurrana!

Jilaayaasha filimka Dream Girl: Ayushmann Khurrana, Annu Kapoor, Vijay Raaz, Manjot Singh, Nushrat Bharucha, Abhishek Banerjee, Nidhi Bisht, Rajesh Sharma

Director: Raaj Shaandilyaa

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 12-daqiiqo

Fariinta Filimka Dream Girl Oo Kooban: Waa fariin ka hadleyso nin iska dhigaayo naag raggana qaldaayo si uu nolol maal meedkiisa u dhacsado. Karamvir aka Karm (Ayushmann Khurrana) waa wiil shaqo la’aan ah kuna nool deegaanka Mathura wuxuuna baadi goob ugu jiraa marwalbo sidii uu shaqo ku heli lahaa. Karamvir aka Karm (Ayushmann Khurrana) aabihiis Jagjeet (Annu Kapoor) wuxuu iska leeyahay dukaan lagu iibiyo agabyada kala duwan ee duugta iyo tacsida loo adeegsado waxaana lagu leeyahay deen badan waxaana marwalbo dhibaato ku hayaan shirkadaha uu deenta kasoo qaata.

Karm (Ayushmann Khurrana) deegaankiisa waxaa looga yaqaan inuu ruwaayadaha door haween ah ku matalo mana jeclo aabihiis sida uu dumar isaga dhig dhigo wiilkan. Maalin maal maha ka mid ah Karm oo gurigiisa kusoo laabanayo kana niyad jabsan shaqo wareysi looga soo qaaday laakiin wax jawaab ah uusan ka helin wuxuu la kulmaa meel lagu xayeysiisanayo shaqqo dhanka taleefoon wacista iyo ka jawaabista ah. Karm marka uu goobta tako wuxuu ogaanaa in shaqada tahay bar taleefoon oo hablaha taleefoon ka wacaan ragga sidoo kalena shukaansadaan.

Haddaba milkiilaha meesha iska leh W Ji (Rajesh Sharma) wuxuu shaqo siinaa Karm marka uu ogaado cod macaan oo dumar ah inuu matali karo ama leeyahay. Sidaa darteed Karm oo shaqo la’aan iyo shiid isugu darsameen shaqadii ayuu aqbalaa waxaana dhaceyso wiilkii ahaa Karm inuu isku badalo Pooja. Karm shaqadii si wacan ayuu kaga soo baxaa wuxuuna ku xeel dheer yahay sida ragga loo shukaansado asigoo maamulihiisa soo jiidanayo waxaana la siinaa lacag uusan waligiis ku shaqeynin ama arkin xitaa gaari ayaa la siinaa.

Dhinaca kale Karm wuxuu jeclaanaa Mahi (Nushrat Bharucha) kadibna lamaanahan faraanti ayay isku galinayaan. Sidoo kale Karm marka uu bixiyo dhamaan deymaha lagu aabihiis sidoo kalena uu nolol xasiloon galo wuxuu go’aan ku gaaraa inuusan Pooja sii ahaanin iskana dhaafo ragga uu beenta u sheegayo.

Laakiin mudanihii uu la shaqeenayay W Ji (Rajesh Sharma) ayaa Karm ugu hanajabaayo inuu aabihiis u sheegi doono Pooja inuu isaga yahay, xitaa jaceylkiisa Mahi iyo dhamaan dariskiisa oo qof walbo yaqaano la gaarsiino doono Pooja inuu Karm yahay. Sidaa darteed Karm wuxuu ku qasbanaanaa inuu shaqada sii wato raggana ku shukaansado magaca Pooja.

Laakiin Karm xaalada wey kusii xumaanee wuxuuna dhexda ka galaa dhibaato uusan xalin karin waayo waxaa jaceyl xad dhaa u qaadayaan afar nin oo kala ah midka kowaad Mahendar (Abhishek Banerjee) oo seedigiis noqon rabo, Toto (Raj Bhansali) oo ah wiil dhalinyaro ah oo shidan da’da 20-aad-na aan gaarin, Rajpal (Vijay Raaz) oo askari ah iyo Roma (Nidhi Bisht) oo ah nin joornilistayaasha aad u neceb.

Karm asigoo afartaan nin isaga ku waalan maaro u weesan waxay sheekada kusii xumaanee markii aabihiis Jagjeer (Annu Kapoor) isagana lambarka Pooja soo helo kadibna uu usoo shukaansi doonto ileen duqa maba ogo inuu wiilkiisa Karm jeclaaday weliba wuxuu rabaa inuu guursado!

Haddaba filimka Dream Girl waxaa loo daawan doonaa qaybaha xiga Karm oo Pooja ah sidee ayuu maaro ugu heli karaa noloshiisa ku hareesan ragg badan oo aad u jecel, goormee ayuu fashilmi doonaa, sidoo kalena haddii la ogaado Pooja inaysan jirin oo Karm yahay qofka dadka waalay aabihiis iyo jaceylkiisa maka tagi doonaan?

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Dream Girl: Fariin walbo waxay u baahan tahay hab qoraaleed sahli karo in sheekada loo dhigo sidaa darteed waxaa amaan lixaad leh mudan Nirmaan D Singh iyo Raaj Shaandilyaa qaabka sahlan oo ay sheekada filimkan u qoreen hadda hanaan mada daalo iyo dareen qiiro badan leh ayay u dhigeen waana sababta keeneyso in Dream Girl daawashadiisa reer magaalka iyo reer miyiga labaduba ku raaxeesan doonaan.

Macquul ma ahan in Director Raaj Shaandilyaa uu yahay filimkiisa kowaad uu agaasimo mana u eko shaqo shaqadan ku cusub si masuuliyad iyo fahan qoto dheer leh ayuu sheekadan u agaasimay waa hubaal inuu noqon doono filim sameeye Bollywood-ka anfaco marba haddii fariintiisa kowaad sidaan heerka sare ah u agaasimay dhan walbo laakiin halmid ayuu kaa shanayay inuu horey usoo agaasimay Show-ga shactirada badan Kapil Sharma Show marka waxaa la dhihi karaa waa halka uu kasoo bartay shactirada xad dhaafka ah sida loo agaasimo.

Bandhiga Jilaayaasha: Ayushmann Khurrana door walbo inuu kasoo bixi karo cidd shaki galin karto malahan laakiin waa markii ugu horeesay inuu matalo door daawadayaasha oo dhan ka dhaxeeyo micnaha awal wuxuu sameyn jiray fariimo reer magaalka loogu tala galay laakiin markaan Dream Girl wuxuu ku muujiyay inuu noqon karo xidig bulsho weynta Hindiya oo dhan mada daalin karo waa hubaal fanka Hindiya xidigan inuu udub dhexaad u noqon doono mustaqbalka dhow madaama uu door walbo iyo filim walbo kasoo dhalaalayo.

Nushrat Bharucha waqti badan kuma lahan filimkan laakiin doorkeeda waa mid aad u wanaagsan marwalbo oo ay shaashada kasoo muuqato. Balse Annu Kapoor ayaa shactirada ugu badan qaatay marka laga hadlaayo ragga loolanka Pooja helisteeda waana halyee doorkiisa si wacan kaga baxsaday. Sidoo kale Vijay Raaz, Rajesh Sharma iyo dhamaan jilaayaasha kale iyagana kaalintooda ayay qaateen dhanka shactirada iyo jah wareerka.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Dream Girl:

Qaabka sheekada loo agaasimay oo heer sare ah dhan walbo shactiro, dareen qiiro badan iyo fariin waaqici ah oo la fahmi karo.

Bandhiga Ayushmann Khurrana gaar ahaan doorkiisa Pooja oo noqon doono mid Classic ah oo in mudo ah Hindiya iyo daafaha caalamka laga hadal heyn doono.

Muusigada, faaf reebida, goobaha lagu duubay iyo waqtiga uu soconaayo oo si wacan loo xadidan dhamaan waxay ka dhigayaan filimkan inuu dhamaanayo adigoo u baahan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Dream Girl:

Jaceylka Ayush iyo Nushrat ma ahan mid saameyn badan waa halka meel filimkan ku liito.

Sidoo kalena marka kala bar la gaaro filimkan xoogaa ayuu caajis noqonaa madaama waxyar dayacaad ka muuqato meelaha qaar balse ma badno.

Qiimeynta Sheekada Filimka Dream Girl: 4/5 (Afar xidig)

Gunaanad: Dream Girl waa filim dhan walbo ka dheeli tiran hubaal ahaana Ayushmann Khurrana taageerayaal fara badan ku kasban doono kanni waa filim hirgalay oo ganacsi lixaad leh sameyn doono sidoo kalena fariintiisa bulsho weynta Hindiya qeybaheeda kala duwan soo dhaweyn doonaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka hirgalay Dream Girl sheekadiisa oo filim falanqeeye kasto afar xidig siinayo:

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here