Hordhac:

Adeegsiga ereyga “Sperm” oo micno ahaan ah shahwo ama mino Filimada Bollywoodka laguma adeegsan jirin ilaa laga soo gaaray 2012 sababto ah waa laga xishoon jiray waxaana la adeegsan jiray bedelkiisa ereyga “Taboo” balse xeerkaas waxaa jabiyay mashruuca Vicky Donor.

Filimkaan ayaa ugu horeeyay wax si toos u adeegsada ereyga Sperm kadib caado ayee noqotay iyo wax iska caadi ah oo aan laga xishoon aflaam badana lagu adeegsada sababta filimkaas u adeesadayna waxay ahed in mowduuc ahan uu sifiican ula falgalaayey.

Hadaba Good Newws ayaa 7 sano kadib sifiican ula falgalaayo mowduuc ahaan ereyga Sperm oo mashruucan oodhan ereygaas ayuu ku xeen daaban yahay suaasha se waxay tahay guul weyn ma gaari doonaa maadama hab caqliyesan loo sameeyay.

Good Newws majirto meel laga dhaliilo waa filim dhameestiran oo daawashadiisa aad ku raaxeysan doonto sheekada filimkana waxay ku bilaawane sida tan:

Varun Batra (Akshay Kumar) nin nolol dabaqade dhexe ku nool waxuuna ka shaqeyaa shirkada Mobile-da oo uu jago fiican ka hayaa ee Mumbai ku taalo waxuuna guursaday gabadha lagu magacaabo Deept Aka Deepu (Kareena Kapoor Khan).

Deepti 7 sano ayee joornaaliste ahed waxayna iyada iyo seygeeda go’aansanayaan inee qoyskooda usoo jeestaan caruurna dhalaan balse wey ku guuldareesanayaan sikaste isugu dayaan inee waalid noqdan kadib Varun walaashisa (Anjana Sukhani) ayaa ku dhiiro galineysa inee xarun caafimaad booqdaan labadoodaba.

Kadib waxay tagayaan xarunta caafimaad ee lagu bacramiyo Sperm-da ee uu maamule ka yahay Dhaqtar Joshi (Adil Hussein) waxuuna dhaqtarka usheega in labadooda Sperm-da laga bacramin doono sidaasna si fudud waalid ku noqon doonaan.

Dhanka kale Honey Batra (Diljit Dosanjh) iyo xaaskiisa Monica (Kiara Advani) waa lamaane Punjab kasoo jeedaan oo dhibkaas oo kale heysto waxayna u imaanayaan Dhaqtar Joshi oo isla taladii siinayaa iyagana sidii ayeena sameynayaan.

Halmar ayaa dhib dhacaayo kadib markii shaqaalaha isbitaalka iyo dhaqaatiirtaba isku qasaan Sperm-da labada dhinac waxaana u saba ah labada nin in magacyadooda dambe isku eg yihiin oo Varun Badra (Akshay Kumar) iyo Honey Badra (Diljit Dosanjh) shahwadooda ama Sperm-dooda ayaa isdhaafeyso ama isku qasmeyso.

Sababtana waa in magacyadooda isku egyihiin jahawareer iyo is qabqabsi ayaa ka dhacaayo qeybaha dambe filimka waana halka daawadayaasha qosol aawgii ay la ilmeyn doonaan sida wax isugu qasmaan markee arkaan.

Maxaa laga yiri fariinta filimkaan:

Qof walba oo Good Newws daawaday waxuu sii qorsheysanaaya inuu markale daawado waa filim inaba aan caadi aheyn sida loo amaanay iyo habka shactirada leh ee fariintan xasaasiga leh loo dhigay hubaal ahaana waa macquul in Good Newws Blockbuster deg deg noqdo isagoo ka faaideysan doono fasaxa sanadka cusub.

Bandhiga jilayaasha: Akshay Kumar iyo Kareena Kapoor waa la xaqiray hadii abaal marin lagu siin waayo bandhigooda mashruucan waa muraayada ugu weyn ee Good Newws aad u daawan doonto wax walbo ayee sameyeen marna wey kaa oohin doonaan marna wey kaa qoslin doonaan sidaa aawged dood inee ka dhalato ayaa loo badinaa hadii abaa marinada 2020 waxba ku lahaan waayaan labadan xidig.

Waxay ku dhiiradeen inee sameyaan fariin in badan laga xishoodo weyna u cadaalad faleen inaba caadi ma aha bandhiga Akki iyo sida uu qiirada u jilay marna kaaga shactireynaayo waa wax aan indhaha laga daboolan karin Bebo qeybta dambe sida ay daawadayaasha kaga yaabsatay iyo muuqaalka marke dhaleyso ammaan waa ka dhantahay xidigtan geesinimada ay muujisay oo atiriisho walbo ku dhiiran karin.

Inkastoo Diljit Dosanjh gadaal kasoo galaayo filimka hadana bandhigiisa waa cajiib iyo sida uu doorkiisa kaga soo baxay, dhanka kale Kiara Advani qeybta hore saameeyn maleh balse qeybta dambe saameeyn weyn ayee la imaane iyo marka is qab qabsiga jiro.

Sida guud bandhiga jilayaasha oodhan waa lawada ammaanay waana isku dheeli tiran yahay mashruucan balse Akki iyo Bebo ayaa ugu sareyaan bandhig ahaan quruxda Bebo ay lasoo baxday Filimkaan in badan waa la wad wadi doonaa hadal heynteeda.

Waxaa si gaar ah u ammaanan Director-ka filimkaan Raj Mehta oo fanka kucusub waxaana cajiib ah in filimkiisa kowaad uu ku bilawday fariin xasaasi ah oo lagu dhiiran karin hadana sida uu isugu duba riday waa cajiib waxaad moodaa inuu sanado badan fanka kujiray.

Gunaanud: Good Newws xidigaha la siiyay waa 4/5 (Afar xidig ayaa laga siiyay 5 xidig ee filimka sheekadiisa lagu qiimeyo) taasi oo ka dhigan inuu yahay filim sheekadiisa heer sare ah oo aan cilad laheyn waxuuna u muuqdaa cimri ahaantiisa 150 Crore inuu ka talaabsan doono xitaa waa macquul 200 Crore inuu gaaro wax walbo ka filo mashruuca oo isku dheeli tiran iyo fasaxa sanadka cusub oo isku beegmeen halka Dabangg 3 oo laga cabsi qabayna uu fashil kudhacay.

Hoos ka daawo markale mashruucan goos gooskiisa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here