Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Hello Guru Prema Kosame: Ram Pothineni sheeko jaceyl oo la daawan karo ayuu la yimid

Sheekada filimka Hello Guru Prema Kosame: Ram Pothineni sheeko jaceyl oo la daawan karo ayuu la yimid

Hello Guru Prema Kosame waa filim jaceyl iyo shactiro isku jiro ah waxaana hogaamiye ka ah jilaaga soo caan baxay Ram Pothineni halka ay atirisho kowaad ka tahay Anupama sidoo kalena Trinadha Rao Nakkina.

Fariinta Filimka Hello Guru Prema Kosame: Sanju (Ram) wuxuu tagaa magaalada Hyderabad kadib markii uu halkaas ka helo shaqo Software Engineer ah waana wiil nolol farxad leh heesto.

Sanju (Ram) waxaa Hyderabad kusoo dhaweenayo Vishwanath (Prakash Raj) wuxuuna aabo u yahay gabbar lagu magacaab Anu (Anupama) oo ay Sanju (Ram) is fahmayaan dhan walbo.

Balse Sanju (Ram) marka hore waxaa soo jiidaneyso gabbar ay goobta shaqada isla joogaan laguna magacaabo Pranita waana arin ay ku og tahay gabadha ay Sanju hal aqal iskula nool yihiin Anu.

Ugu dambeyntii Sanju (Ram) wuxuu gar waaqsanaa in jaceylkiiisa dhabta ah Anu tahay laakiin waxaa ku adkaaneyso sidii uu u hana lahaa ayadoo reerkeeda ku ogaayeen gabbar ay isku shaqo yihiin inuu hasaawe la waday.

Bandhiga Jilaayaasha: Ram Pothineni doorkiisa si wacan ayuu kaga soo baxay wuxuuna daawadayaasha ku qasbaa inaysan mashruucaan ka xiiso dhigin qaabka uu u shactireenayo iyo muruqada uu mararka qaar matalaayo.

Ruug cadaa Prakash Raj lama sheegin asigoo shaashada kasoo muuqday oo ku niyad jebinaayo wuxuuna filimkan ku leeyahay door adag oo saameyn ayaan Ram kusoo xigo.

Atirishada kowaad Anupama doorkeeda waa mid wanaagsan sidoo kalena Pranita oo atirisho labaad ka ah mashruucan iyadana doorkeeda waa mid dhex dhexaad ah.

Qaybaha Uu Ku Wanaagsan Yahay Filimkan:

Muusigadiisa waa mid dhex dhexaad ah halka muusigada gadaal ka yeereyso (Background Score) uu yahay mid heer sare ah.

Qaabka lo faaf reebay waa mid wanaagsan sidoo kalena muuqaal ahaan waa mid si wacan loo duubay goobo kusoo jiidanayana lagu duubay.

Director Trinadha Rao Nakkina sheekadiisa jaceyl iyo shactiro isku jirto waa mid si wacan la isugu daba rido oo aan laga xiiso dhigeyn.

Bandhiga jilaayaasha waa kaalin kale oo ka dhigeyso filimkan inaan laga xiiso dhigin dhan walbo.

Muxuu Ku Liitaa Filimkan:

Sheekadiisa oo ah mid la fahmi karo marar badana horey loo sameeyay wax cusub ma xambaarsano.

Action heer sare ah malahan sidoo kalena hadalo la is kululeesanaayo kuma badno.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Waqtiga Uu Soconaayo: 2-saac iyo 25-daqiqo.

Gunaanad: Hello Guru Prema Kosame waa filim jaceyl iyo shactiro oo si qurux badan hogaamiyaashiisa u sameeyeen waxaa intaas u dheer in sheekadiisa sahlan lana fahmi karo jiho ahaan halka uu u socdo waana qasab in qoysaska mashruucaan ka heli doonaan kana caawin doonto lacagaha 24 Crore kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen inuu dib usoo celiyo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Hello Guru Prema Kosame ee Ram si wacan u jilay dhan walbo: