Taxanaha weyn Housefull 4 ayaa tiyaatarada saaran waana filim sedexdiisa qeybood hore guulo waa weyn gaareen markaana daawashada H4 waxaa lagu soo beegay xiliga fasaxa feestada Diwali 2019 ayadoo lagu kalsoon yahay mashruucan inuu daawadayaasha mada daalin doono ganacsi weyna sameyn doono balse wax walbo waxay ku xiran tahay qaabka fariinta filimka loo dhigo.

Jilaayaasha: Riteish Deshmukh, Bobby Deol, Kriti Sanon, Kriti Kharbabanda, Pooja Hegde, Chunky Panday, Johnny Lever, Ranjeet, Jamie Lever iyo Rana Dagubatti.

Director: Farhad Samji

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 26-daqiiqo

Fariinta Housefull 4 oo kooban: Waa sheeko ka hadleyso lamaanayaal 600-sano ka hor jireen kadibna xiligaan casriga ah dib loo arkay. Sanadkan 2019 waxaa jiraan sedex wiil oo saaxiibo ah labo ka mid ahna walaalo yihiin waa Harry (Akshay Kumar) oo timo jare ah ama baal biyeeri ku yaalo London iska leh waxaana caawiyaan walaalkiis Max (Bobby Deol) iyo saaxiibkiis Roy (Riteish Deshmukh).

Harry (Akshay Kumar) dhibaatada heesato waxay tahay xasuus hore in marwalbo kusoo dhaceyso kadibna xaalad hilmaan iyo mid uu wax bur burinaayo galaayo sidaa darteed lacag uu u dhiibtay Michael (Sharad Kelkar) si uu u ilaaliyo ayuu bur burinaa markii xasuus hore uu galo balse lacagtaas waxaa iska leh tuuga weyn ee laga cabsado Big Bhai.

Harry, Max iyo Roy waxay weydiisanayaan Michael (Sharad Kelkar) inuu waqti yar siiyo lacagtiisana usoo celinayaan madaama ay guursan rabaan sedexda gabdhood Pooja (Pooja Hegde), Kriti (Kriti Sanon) iyo Neha (Kriti Kharbanda) ee uu dhalay ninka taajirka ah Papa Ranjeet (Ranjeet).

Papa Ranjeet wuxuu aqbalaa Harry, Max iyo Roy inay guursadaan sedexdiisa gabdhood waxaana lagu balamaa in arooska ka dhaco gudaha Hindiya gaar ahaan qasrigii Sitamgarth oo haatan laga dhigay Hotel weyn oo dalxiisayaasha imaadaan xafladahana lagu dhigto.

Kooxdan meesha marka ay tagaan waxaa soo dhaweenayo Aakhri Pasta (Chunky Panday) laakiin tashuush ayuu dadka galinaa marka uu sheego in Harry, Max iyo Roy boqortooyo hore ka tirsanaan jireen 600-sano noolaayeen sidoo kalena sedexda gabdhood ay guursan rabaan iyagana xiligaas noolaayeen oo hadda sida la isugu dari rabo si iska duwan isku qabeen micnaha in Harry, Max iyo Roy mid walbo dumaashadiisa guursan rabo halka 600-sano ka hor si is dhaaf ah sedexda gabdhood walaalaha ah u qabeen!

Aakhri Pasta (Chunky Panday) marka uu wax isku qaso dadka dhanna waalo waxaa ku xanaaqayo Winston Churchgate (Johny Lever) oo Hotel-ka maamulo kadibna shaqada ayaa laga raceenaa laakiin Harry (Akshay Kumar) oo horey xauus uusan garaneyn u wareerisay ayaa hadalka Aakhri Pasta (Chunky Panday) wax uga baxayaan wuxuuna uga daba tagaa tuulada uu aaday si uu wax badan usoo ogaado.

Aakhri Pasta wuxuu Harry u sheegaa in 600-sano ka hor uu noolaan jiray lana dhihi jiray Bala (Akshay Kumar) oo ahaa suldaan awood badan sidoo kalena uu jiray dagaal yahan lagu magacaabo Dharamputra (Bobby Deol) iyo mid boqortooyada mada daaliyo Bangdu Maharaj (Riteish Deshmukh) sidoo kalena sedexdooda ay jeclaanayaan boqorkii maamuli jiray boqortooyada Sitamgarth waa Ranjeet sedexdiisa gabdhood Madhu (Kriti Sanon), Meena (Kriti Kharbanda) iyo Mala (Pooja Hegde) loona ogolaanayo inay guursadaan balse boqortooyada waxaa kusoo duulayo laadarka awooda badan Gama (Rana Daggubati) oo aargudasho u socdo dagaal xoogan ayaa meesha ka dhacaayo kadibna dhamaan dadkii boqortooyada ku noolaayeen waa la wada dilaa ama wey dhimanayaan!

Sidaa darteed Aakhri Pasta xogtii uu kasoo helay asigoo wato ayuu Harry (Akshay Kumar) soo laabanaa kadibna waxaa bilaabanayo jah wareer iyo shactiro badan oo qeybaha xiga filimkan loo daawan doono madaama noloshii 600 sano ka hor ahayd weli ka harsan sedexda wiil rabaan lacag darteed inay u guursadaan sedexda gabdhood taajirka ah balse mid walbo dumaashidiisa ayuu guursan rabaa marka dib loogu laabto noloshii 600-sano ka hor ahayd!

Maxaa Laga Yiri Fariinta Housefull 4: Sara Bodinar iyo Sajid Nadiadwala sheekada ay qoreen waa mid qayaali ah oo ruux iyo dhadhan laheyn. Sidoo kalena Sajid Khan filimkan 70% isagaa sameeyay kadib markii dacwad xad gudub ka dhan dumarka ku kacay waxaa lagu badalay Farhad Samji oo iyagana 30% agaasimeen filimkan mudnaantana la siiyay laakiin wax laga agaasimo meesha ma yaalo madaama fariintan tahay mid aan jiho laheyn sidoo kalena la iska sameeyay fariin ahaana waa mid aad u liidato sida la isku raacay!

Bandhiga Jilaayaasha: Aksahy Kumar dadaal walbo u sameeyay kuguma qasbi karo filim aan nuxur laheyn inuu kugu qasbo daawashadiisa inkastoo doorkiisa Harry iyo Bala heer sare yihiin. Riteish Deshmukh ayaa bandhig ahaan Kumar kusoo xigo isagana shactiradiisa waa mid saameyn leh sidoo kale Rana Daggubati  doorkiisa awooda badan waa mid heer sare ah. Balse Bobby Deol shactirada waxba lagama siinin sidaa darteed saameyn adag kuma lahayn filimkan.

Dhinaca gabdhaha Kriti Sanon ayaa ugu door adag sidoo kalena Kriti Kharbanda saameynteeda waa mid muuqato halka Pooja Hedge doorkeeda iska dhex dhexaad yahay. Chunky Panday iyo Johnny Lever shactiradooda waa heer sare laakiin sida qaybihii hore oo kale waqti badan lama siinin.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Housefull 4:

Halka saac hore oo shactiradiisa wacan.

Action-ka oo si heer sare ah loo sameeyay iyo goobo qurux badan oo lagu duubay

Muxuu ku liitaa Housefull 4:

Fariintiisa waa mid aan nuxur laheyn sidoo kalena qaab wacan loo dhigin.

Shactiradii taxanahan looga bartay ee heerka sare ahayd kama muuqato meesha.

Qiimeynta Sheekada filimkan: 2/5 (Labo xidig).

Gunaanad: Housefull 4 niyad jab xoogan ayaa lagala kulmay qaabka fariintiisa loo dhigay waxaana lagu tilmaamay qaybta ugy liidato taxanahan sidaa darteed maal maha hore wuu gadmi doonaa madaama xili fasaxa Diwali lagu jiro balse kadib wey ku adkaan doontaa mashruucan miisaaniyada xoogan xambaarsan inuu sii socdo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Housefull 4 ee shactirada badan balse dhaliil xoogan loo jeediyay qaabka fariintiisa loo dhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here