Kooxda filimka Indoo Ki Jawaani iska leh amaan gaar ah ayay mudan yihiin madaama weli daruufo kala duwan ayadoo gudaha Hindiya ka jiraan ku dhiiradeen filimkooda tiyaatarada saaraan si qolyaha tiyaatarada iska leh iyo kuwa cajaladaha qeybiyaan u garab istaagaan madaama 8-bilood ugu dambeesay tiyaatarada xirnaayeen.

Jilaayaasha filimkan: Kiara Advani, Aditya Seal, Mallika Dua iyo kuwo kale

Director: Abir Sengupta

Waqtiga u soconaayo: 1-saac & 58-daqiiqo

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Indira Gupta (Kirara Advani) waxaa qalbiga ka jebinaayo saaxiibkeed kadibna waxay go’aan ku gaaree inay ku biirto nolosha shukaansiga Online-ka ah ee Internet-ka la iskala socdo waxaana garab siineyso saaxiibteed Sonal (Mallika Dua).

Balse maalin maal maha ka mid ah Indira Gupta (Kirara Advani) waxay guriga ku balaminee wiil ay qadka ama Internet-ka iska barteen balse si lama filaan ah qalad weyn ayaa dhacayo madaama gurigeeda uu imaanayo wiil qurux badan oo lagu magacaabo Samar (Aditya Seal) waxayna u qaadanee inuu yahay ninka ay Online ahaan u shukaansatay balse waxay ogaanee inuu yahay nin reer Pakistan ah oo la baadi goobayo!

Sidaa darteed filimkan waxaa loo daawan doonaa qeybihiisa dambe Indira Gupta (Kirara Advani) cabsida iyo jah wareerka ay dhexda ka galeyso madaama nin Pakistani ah oo la baadi goobayo gurigeeda soo galay xili ay u heesatay wiilkii ay Online ahaan u shukaansatay. Sidoo kalena Samar (Aditya Seal) isagana wuxuu rabaa inuu Indira Gupta (Kirara Advani) noloshiisa kusoo biirto una sheego inuusan dambiile ahayn.

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha: Quruxda Kiara waa mid muuqato sidoo kalena wey dadaashay balse xidigtan dhanka shactiro sameynta kuma wanaagsano, laakiin sida guud qaabka ay hogaanka filimka ugu heyso waa mid laga wada heli karo. Dhinaca kale Aditya Seal isagana doorkiisa waa iska dhex dhexaad laakiin mid saameyn badan ma ahan halka Mallika Dua doorkeeda isagana uusan ahayn la wada xasuusan doonin madaama qaabka heer sare ah loo dhigin.

Maxaa laga yiri fariinta filimkan: Indoo Ki Jawaani waa filim isku xirkiisa dhex dhexaad yahay balse sheekadiisa liidato kaliya 20-ka daqiiqo hore ayuu soo jiidasho leeyahay kadibna mashrucan wax walbo ee xiga ee dhacayo waa la sadaalin karaa mana ahan filim qof walbo soo jiidan karo sheeko ahaan.

Qiimeynta sheekada filimkan: 2/5 (Labo xidig)

Gunaanad: Indo Ki Jawaani waa filim iska dhex dhexaad ah sheeko ahaan, bandhiga jilaayaasha mid adag ma ahan kaliya heesihiisa ayaa wacan iyo quruxda Kiara Advani filimkan u daawo. Fadlan hoos ka daawo markale goos gooska filimkan reer magaalka loogu tala galay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here