Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Inttelligent: Sai Dharam Tej caqliga daawadayaasha ayuu ku cayaaray!

Sheekada filimka Inttelligent: Sai Dharam Tej caqliga daawadayaasha ayuu ku cayaaray!

Atooraha dhalinta yar ee shacbiyada dhul weynaha Telugu ku leh Sai Dharam Tej waxaa Jimcadii tiyaatarada loo saaray filimka Action-ka ah Inttelligent.

Jilaayaasha filimkaan: Sai Dharam Tej, Lavanya Tripathi

Director: VV Vinayak

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 10-daqiiqo

Qiimeynta fariinta filimkaan: 2/5 (labo xidig)

Fariintiisa: Action iyo jaceyl

Fariinta filimka Inttelligent oo kooban: Teja (Sai Dharam Tej) waa wiil wanaagsan oo dadka caawiyo xirfadiisana tahay Software Ingineer ama ingineer dhanka borograamyada kumbuyuutarka sameeyo wuxuuna la shaqeeyaa Nanda Kishore (Nasser) oo ah macalinkiisa uu nolosha wax badan ka bartay.

Teja (Sai Dharam Tej) iyo milkiile Nanda Kishore (Nasser) warshadooda wey hormarinayaan waxayna caawiyaan dadka faqiirka ah ee aan waxba heesanin iyo kuwa garabka u baahan.

Laakiin labadii wanaaga ka shaqeenayeen shirkadooda waxaa halis ku noqonaayo maafiyaha weyn ee laga cabsado Vicky Bhai (Rahul Dev) iyo kooxdiisa kuwaas oo dhulal badan masaakiinta ka xoogeen haatana rabaan warshada weyn inay gacanta ku dhigaan.

Nanda Kishore (Nasser) marka uu maafiyada ka diido inuu warshadiisa kusoo wareejiyo dhibaato weyn ayuu dhexda ka galaa waana la dilaa.

Taasi oo ku qasbeyso Teja (Sai Dharam Tej) maskiinka ahaa inuu isku badalo Dharma Bhai wuxuuna dagaa qorsho kasto oo uu kaga taqalusaayo Vicky Bhai (Rahul Dev) iyo kooxdiisa.

Fariinta Filimka Inttelligent maxaa laga yiri: Director VV Vinayak oo ahaa ruug cadaa Telugu laga dambeeyo markaan wuxuu la yimid fariintiisa ugu liidatay sheeko ahaan iyo isku xir ahaan waayo dhacdooyin horey kun jeer ka badan loo daawaday ayuu dib usoo celiyay!

Bandhiga Jilaayaasha: Sai Dharam Tej doorkiisa filimkaan ma xumo Action-ka uu sameenayo iyo xarakaadkiisa dheeraadka ah balse wuxuu la yimid fariin caqliga daawadayaasha ku cayaartay madaama soo jireen u ahayd reer Telugu inay fariimahan oo kale kusoo cel celiyaan.

Gunaanad: Sai Dharam Tej culeeska saaran isagaba dajin karo Inttelligent oo hubanti noqon doono mashruuc kale oo ka bur buray taasi oo ka dhigan wiilkaan dadaalkiisa inuu meel cidlo ah ku baxaayo madaama horey sedex filim xariir ah Disaster kaga noqdeen!

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Inttelligent ee Sai Dharam Tej hogaamiyaha ka yahay: