Inta badan shirkada Koonfur Hindiya ka jiraan fariimaha ama aflaanta wey kala qaateen markii ay ganacsi wanaagsan sameyaan aadna daawadayaasha kaga helaan sidaa darteed filimka Tamil-ka ah 96 ee sanadii 2018 wada sameeyeen Vijay Sethupati iyo Trisha sidoo kalena Blockbuster-ka weyn noqday haatan waxaa la sameeyay asigoo Telugu ah oo lagu magacaabo Jaanu waxaana hogaamiyaal ka ah Sharwantha iyo Samantha.

Director: C. Prem Kumar

Waqtiga uu soconaayo: 151-daqiiqo.

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Ram (Sharwanda) iyo Jaanu (Samantha) waxay jaceyl isku qaadayaan marka ay da’dooda ka hooeyso 20-sano, laakiin nasiib daro jaceylkooda wuu bur buraa arimo la xariiro biseel la’aantooda ama u dhabar adeegida xiriirkooda madaama weli ay dhalinyaro yihiin.

15-sano kadib waxay dib ugu midoobayaan iskuulkii ay wax ku barteen halkaas ayay waqti ku wada qaadanayaan waxayna ka fikirayaan sidii ay dib usoo celin lahaayeen xiriirkoodii mudo dheer ka hor sabab la’aan iska bur buray ama duugmay.

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha: Sharwanand markaan wuxuu qaatay door masuuliyad ku dheehan tahay iyo saameyn gaar ah leh wuuna kasoo baxay kaalintiisa. Sidoo kale Samantha si heer sare ah ayay doorkeeda kaga baxsaday weyna u cadaalad fashay. Sidoo kale lamaanahan shaashada wacdaraha ay ka dhigeen ayaa filimkan loo daawan doonaa.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Jaanu:

Bandhiga jilaayaasha oo heer sare ah.

Fariintiisa jaceylka qiirada badan oo si wacan loo dhigay.

Muusiga ama heesaha filimkan oo heer sare ah iyo qaabka loo faaf reebay oo wacan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Jaanu:

Meelaha qaar caajis ayaa ku jiro madaama madaalada ku yar tahay.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Gunaanad: Jaanu waa filim jaceyl oo qiiro badan sidoo kalena muusig heer sare ah una dheer tahay kaalinta ay qaateen hogaamiyaasha filimkan waxaana sii kabi doonto miiisaaniyada lagu iibsaday oo xadidan arimahaas oo is kaashadan awgeed waxay u badan tahay mashruucan inuu guuleesan doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Jaanu ee Sharwananda iyo Samantha hogaamiyaal ka yihiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here