Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Krishnarjuna Yuddham: waa filim mada daalo oo fariin dhex dhexaad xambaarsan balse Nani ku xarakeeyay

Sheekada filimka Krishnarjuna Yuddham: waa filim mada daalo oo fariin dhex dhexaad xambaarsan balse Nani ku xarakeeyay

Natural Nani filimkiisa Krishnarjuna Yuddham ayaan tiyaatarada saaran waxaana idiin heynaa fariinta filimkan, waxa laga dhahay bandhiga iyo jilaayaasha iyo macluumaad kale oo dheeri ah.

Jilaayaasha filimkaan: Nani, Anupama Parameswaran, Rukshar Dhillon iyo kuwo kale

Director: Merlapaka Gandhi

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 38-daqiiqo

Qiimeynta fariinta filimkaan: 2.5/5 (Labo xidig iyo bar)

Fariinta Filimka Krishnarjuna Yuddham Oo Kooban: Krishna (Nani) oo ka yimid tuulada Chittoor wuxuu jeclaanaa Riya (Ruksar) oo ka timid magaalada Prague ee dalka Czech.

Dhinaca kalena wiil kale oo Krishna u eg laguna magacaabo Riya (Ruksar) wuxuu jecel yahay oo uu doonayaa inuu qalbiga ka dago gabbar la dhaho Subba Lakshmi (Anupama).

Riya (Ruksar) marka ay aqbasho jaceylka Karan ayaaba gabadhaan magaalada Hyderabad lagu dhex weynayaa halka ay jaan iyo cirib dhigtay.

Si la mid ah Subba Lakshmi (Anupama) oo dooneyso inay Hindiya isaga tagto si ay kaga fogaato Arjun ayaa la weynayaa iyadana cidda ka xeesatay ama heesato lama yaqaan.

Sidaa darteed filimkaan qaybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa Karan iyo Arjun oo isku imaanayaan sidoo kalena baadi goob u galayaan gabdhaha ka maqan ayagoo dhibaato badan ka mari doonaan helistooda.

Bandhiga Jilaayaasha: Inaba caadi ma ahan Nani iyo labadiisa door wuxuuna ka mid yahay jilaayaasha Telugu ee door walbo sameyn karaan, sidoo kalena labada atirisho Ruksar iyo Anupama iyagana bandhigooda wuu wacan yahay balse saameyntooda halka saac ee hore ayay ku egtahay.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimkan: Bandhigay jilaayaasha, goobaha soo jiidashada leh ee lagu duubay iyo halka saac oo hore oo fariin ahaan adag kuna soo jiidaneyso.

Muxuu Ku Liitaa Filimkaan: Muusigadiisa oo liidato, halka saac oo dambe filimkaan isku xirkiisa ma adko sidoo kalena isku daba ridka filimka gaabis weyn ayaa ka muuqdo.

Gunaanad: Krishnarjuna Yuddham waa filim kale oo shactiro, jaceyl iyo Action isku jiro oo uu Nani la imaado kadib guulihii filimadiisa Nenu Local iyo MCA, balse markaan fariinta filimkan uma adko kuwii hore waana fariin iska dhex dhexaad ah.

Director Merlapaka Gandhi dadaal wacan ayuu sameeyay laakiin halka saac hore kaliya ayuu diirada saaray oo mada daalo dhameestiran leh, laakiin halka saac dambe waa md fariintiisa dabacsan tahay sidoo kalena aan xiiso weyn laheyn.

Balse bandhiga Nani ayaa sababi karo inuu mashruucan noqdo mid bad baado madaama uu taageerayaal badan leeyahay sidoo kalena filimkaan sheeko ahaan iska dhex dhexaad ah labadiisa door loo daawan doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimkan Nani ku xarakeeyay:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *