Saif Ali Khan wuu soo laabtay waxaana tiyaatarada u saaran filimka fariinta aargoosiga xambaarsan Laal Kaptaan waana mashruuc mararka kala duwan baaqday sidoo kalena aan hadal heyn xoogan xambaarsaneyn.

Jilaayaasha filimkan: Saif Ali Khan, Zoya Hussain, Manav Vij, Deepak Dobriyal, Simone Singh, Sonakshi Sinha

Director: Navdeep Singh

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 35-daqiiqo.

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Filimkan wuxuu ku saabsan yahay sheeko ahaan qarnigii 18-aad markii gumeysiga Ingiriiska Hindiya awooda ku heesteen iyo ugaarsadaha weyn Naga sadhu (Saif Ali Khan) oo u socdo aargoosi madaama horey qoyskiisa cadaalad u waayeen wuxuuna rabaa inuu ka aar guto ninka awooda badan ee ciidanka aan loo dhawaan karin heesto Rehmat Khan (Manav Vij) kana taliyo qalcad aan la gali karin.

Haddaba Laal Kaptaan waxaa loo daawan doonaa aargoosiga Saif u socdo iyo sida dadka deegaanka mudo dheer kadib garab ugu siinayaan inuu la dagaalamo gumeysiga Ingiriiska iyo Hindidi daba dhilifka u ah ama u shaqeeyaan.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimkan: Director Navdeep Singh oo horey u sameeyay filimada fariintooda la amaanay ‘Manorama Six Feet Under’ iyo ‘NH10’ markaan wuxuu doortay fariin siweyn u qaab daran sababtoo ah Laal Kaptaan waa filim mugdi ah qaabka loo dhigay isku daba ridkiisa aan marnaba lagu qanceyn waxaa la dhihi karaa waa filim la iska sameeyay oo aan wax nuxur ah laheyn marka laga reebo bandhiga Saif iyo wajiga qamarjiga ah uu shaashada ku matalaayo.

Bandhiga Jilaayaasha: Saif Ali Khan inuu ka mid yahay atoorayaasha ugu xirfada wanaagsan Bollywood-ka shaki kuma jiro marka aad filimkan sii daawatid ayaad u qireysaa qaabka uu muuqaalkiisa, hab dhaqankiisa iyo ficiladiisa u badalay laakiin nasiib daro dadaalkiisa meel cidlo ah ayuu ku baxay madaama fariin liidato hogaamiye looga dhigay.

Deepak Dobriyal doorkiisa caawiyaha ah waa mid wanaagsan halka Manav Vij doorkiisa xumaanta ah isagana saameyn badan laheyn sidoo kalena Sonakshi Sinha ayaa muuqaal kooban ku leh mashruucan oo marti ah laakiin wax hadal heyn ah kama tagin.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Laal Kapttan:

Bandhiga Saif Ali Khan oo heer sare ah

Goobaha lagu duubay iyo qaabka waaqiciga ah ee ficilada loo sameeyay waa mid wacan.

Action-ka filimkan isagana kuwo qaarkood ayaa wanaagsan.

Muxuu Ku Liitaa Filimkan:

Sheekadiisa qaabka loo dhigay oo aad u liidato.

Muqaalada mugidga ah oo ku badan

Waqtiga uu soconaayo oo aad u dheer waxaa fiicneyd in 30-daqiiqo ugu yaraan laga jaro.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 2/5 (Labo Xidig)

Gunaanad: Laal Kapttaan waa filim soo daahay sidoo kalena hadal heyn xambaarsaneyn una dheer tahay fariintiisa oo aad u liidato sidaa darteed Saif Ali Khan mashruucan daadka qaadi doono waxba kama qaban karo oo culeeska ayuu kusii badin doonaa madaama dhawaanahan aflaanta uu kaligiis sameenayay ganacsi ahaan fashilmayeen:

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Laal Kapttaan ee Saif Ali Khan hogaamiyaha ka yahay tiyaataradana la saaray Jimcadii 18 October 2019:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here