Director Imtiaz Ali wuxuu caan ku yahay sameynta aflaanta jaceylka reer magaalka loogu tala galay sidoo kalena inta badan fariimahooda ay adagtahay dadka caadiga ah fahmaan aflaanta uu ku caan baxay Director-kaan waxaa ka mid ah Socha Natha, Jab We Met, Love Aaj Kal, Rockstar, Tamasha, Jab Harry Met Sejal iyo kuwo kale.

Markaana wuxuu la yimid filimkiisa cusub Love Aaj Kal oo ku magac ah isla filimkiisii uu sameeyay sanadii 2009 ee ahaa Love Aaj Kal sidoo kalena hogaamiyaal ka ahaayeen Saif Ali Khan iyo Deepika Padukone balse labadan filim isku sheeko ma ahan inkastoo fariin ahaan iska ag dhow yihiin qaabka isku daba ridka loo dhigay.

Jilaayaasha filimkan: Kartik Aaryan, Sara Ali Khan, Randeep Hooda, Arushi Sharma

Director: Imtiaz Ali

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 22-daqiiqo

Fariinta filimkan oo kooban: Veer (Kartik Aaryan) iyo Zoe (Sara Ali Khan) labaduba Delhi ayay degan yihiin hal habeen ayay meel lagu caweeyo ku kulmayaan kadib wey iskoo dhawaanayaan isla habeenkaas balse markii ay gogol dhaaf sameyn rabaan waxaa qaadacayo Veer (Kartik Aaryan). Laakiin Veer wuxuu ogaanaa Zoe inay tahay gabbar fiican oo isaga u qaas ah wuxuuna ogaanaa inay hal meel ka wada shaqeeyaan.

Zoe marka hore kama heleyso daganaanta iyo maskiininimada Veer ka muuqato laakiin wey xiiseeysaa madaama uu yahay wiil daacad ah. Dhinaca kale Raj (Randeep Hooda) waa milkiilaha iska leh shirkada ay ka shaqeeyaan Veer iyo Zoe wuxuuna arkaa jaceylka ka dhaxeeyo iyo sida ay lamaanahan marba marba ka dambeyso isku fahmayaan.

Zoe waxay aad ugu kalsoon tahay maamulaheeda Raj (Randeep) waxayna u sheegee in Veer yahay wiil fiican laakiin ku adag tahay xiriir adag inay la sameyso ama guur la wadaagto oo ay kaliya dooneyso waqtiga inay la qaadato masuuliyad baddana xiriirkan iska saarin. Sidaa darteed milkiile Raj wuxuu Zoe uga sheekeynaa noloshiisii hore iyo jaceylkii soo maray.

Mudane Raj (Randeep) 30-sano ka hor wuxuu ahaa wiil yar doorkaasna isla Kartik Aaryan ayaa matalaayo oo wato magaca Raghu (Kartik Aaryan) wuxuuna ku noolaa deegaanka Udaipur asigoo iskuul dhigan jiray wuxuuna aad u jeclaa gabadha lagu magacaabo Leena (Arushi Sharma) iyadana siweyn ayay u jecleed. Laakiin qoyska gabadha ayaa labadan kala geenayaan waxaana loo diraa Delhi. Balse Raghu oo aad u jecel Delhi ayuu kasoo daba aadaa wuxuuna halkaas ka bilaabaa shaqo ah inuu kabalyeeri noqdo.

Zoe (Sara Ali Khan) waxay ka heleysaa sheekada uu maamulaheeda Raj la wadaagay kadibna waxay usoo jeesanee xiriirka Veer (Kartik Aaryan ) kala dhaxeeyo waxayna iska tir tiree fursad shaqo oo ay Dubai haga hawl laheyd si jaceylkeeda uga fogaanin.

Balse Zoe waxaa sheekada usii wadaayo maamulaheeda oo u sheegayo markii uu dhalin yaraa sidoo kalena ahaa Raghu (Kartik Aaryan) inuu jaceylkiisii Leena meel cidlo ah kaga tagay kadibna uu noqday wiil masuuliyad aan isi saarin kaasi oo lacagtiisa ku raaxeesto dumar kala duwana la haasaawo jaceylkiisiina meel cidlo ah kaga tagay!

Sidaa darteed Zoe (Sara Ali Khan) waxay ka shaleynee fursadii shaqo Dubai oo ay iska dayacday ayadoo galeyso cabsi ku aadan mustaqbalkeedii shaqo qofka ay u bur burisay Veer (Kartik Aaryan) inuu meel cidlo ah kaga tago! Haddaba filimkan qeybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa Zoe iyo Veer caddii ay is calfan doonaan iyo caqabadaha noloshooda soo wajahaayo.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Love Aaj Kal:

Director Imtiaz Ali wuu soo laabtay sheeko heer sare ah lana fahmi karo ayuu markaan la yimid labo xili kala duwana ka hadleyso wuxuu kaloo kusoo bandhigay jiilkii hore iyo jiilka maanta farqiga u dhaxeeyo marka ay noqoto ka miro dhalinta xiriirka jaceylka iyo hormarka nololeed sida haatan jiilka maanta ugu wareersan yihiin labadaas xal inay u helaan madaama noloshii shaqo laga hormariyay noloshii aas aaska ahayd.

Balse filimkan sheeko ahaan iyo isku xir ahaan waxaa in badan wanaagsan qaybta noloshii 90-maadkii looga sheekanayo ayuu si heer sare ah Director Imtiaz u dhigay sidoo kalena filimkan si adag kuma dhamaanayo dhamaadkiisa waa mid iska dhex dhexaad ah.

Bandhiga Jilaayaasha: Kartik Aaryan doorkiisa ugu masuulsan filimkan ayuu kusoo bandhigay jaceylka, dareenka qiirada badan iyo fahanka nolosha uu ka heesto waxa la dhihi karaa Love Aaj Kal waa doorkiisa ugu wanaagsan dhan walbo. Sara Ali Khan kaalin adag ayay mashruucan ka qaadatay inkastoo xoogaa matalka dareenka qiirada badan ku fiicneyn gabadha weli waaya araga noqonin. Randeep Hooda doorkiisa waa mid wacan sidoo kale gabadha fanka ku cusub Arushi Sharma iyadana kaalinteeda waa heer sare.

Muxuu Ku wanaagsan Yahay Filimkan:

Bandhiga Kartik iyo Sara Ali Khan

Qaabka fariinta loo dhigay labada waqti oo kala duwan oo wacan

Heesaha filimkan oo heer sare ah iyo goobaha lagu duubay oo kusoo jiidanayaan.

Muxuu Ku Liitaa Filimkan:

Qaabka uu ku dhamaanayo oo heer sare ahayn

Waa fariin reer magaalka kaliya loogu tala galay oo kaliya.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3.5/5 (Sedex xidig & bar)

Gunaanad: Love Aaj Kal waa filim jaceyl qiiro badan sidoo kalena bandhig heer sare ah ka muujiyeen Kartik & Sara looguna tala galay dhalinta waa hubaal sedexda maalmood ugu horeyso in magaalooyinka ugu waa weyn Hindiya ganacsi heer sare ah ka sameyn doono kadib filimkan guushiisa waxay kusii xirnaan doontaa sida ay reer magaalka u garab istaagaan maal maha shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here