Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Lucknow Central: bandhiga Farhan waa mid heer sare ah balse sheekada ayaa kala dhiman

Sheekada filimka Lucknow Central: bandhiga Farhan waa mid heer sare ah balse sheekada ayaa kala dhiman

Hordhac: 

Sedex todobaad ka hor waxaa tiyaatarada la saaray filimka Qaidi Band kaasi oo looga hadlaayay nolosha koox maxaabiis ah oo sameenayaan koox muusig garaacdo si qorshe ahaan xabsiga kaga baxaan.

Si la yaab leh maanta waxaa tiyaatarada la saaray filimka Lucknow Central oo isla fariin sidaas oo kale ah xambaarsan waxaana lala yaabi doonaa sida daawadayaasha ugu ceshan karaan fariin ay sedex todobaad ka hor ay lacagtooda ka baqiileen badankooda!

Jilaayaasha filimka Lucknow Central: Farhan Akhtar, Diana Penty, Gippy Grewal, Deepak Dobriyal, Ronit Roy, Inaamulhaq

Director: Ranjit Tiwari

Muxuu ku wanaagsan yahay: Inaba caadi ma ahan Farhan Akhtar iyo kooxdiisa bandhiga wacan oo ay sameeyeen iyo halka saac oo hore oo si heer sare ah sheekada loo agaasimay.

Muxuu ku liitaa filimkaan: inta badan sheekadiisa qaabka loo qoray waa mid aan caqli gal ahayn sidoo kalena qaybaha dambe aad ayuu u liitaa isku xir ahaan.

Daawo ama Ha Daawanin: kaliya halka saac oo hore daawo hadii aad firaaqo heysid!

Fariinka filimka Lucknow Central oo kooban: Kishan Mohan Girhotra (Farhan Akhtar) waa wiil dhalinyar sidoo kalena heesaa iyo muusigiste isku ah wuxuuna ku riyoodaa inuu sameesto koox muusigiistayaal ah.

Kishan (Farhan Akhtar) riyadiisa waxay bur bureysaa markii xabsiga Lucknow Central Jail la dhigo asigoo lagu eedeynayo inuu dilay sarkaal ciidamada booliska ka tirsan.

Kishan asigoo murugeesan oo xabsiga ku jiro wuxuu sameenaa koox muusigiistayaal ah si riyadooda ugu yaraan aysan u bur burin oo ay qalbiga ugu heestaan.

Marka lasoo gaaro munaasabada maalinta xurnimada Hindiya Wasiir Pawan Singh Chaturvedi (Ravi Kishan) go’aan ku gaaray in maxaabiista xabsiga ku jiraan loo qabto tartan faneed muusigada iyo heesaha u badan.

Kishan iyo kooxdiisa inay fursadaan ka qayb qaataan waxaa u diidayo askariyaga mayalka adag Raja Shrivastava (Ronit Roy) laakiin gabadha bulshada rayid-ka ka tirsan ee maxaabiista xuquuqdo u doodo Gayatri Kashyap (Diana Penty) ayaa u dadaaleyso Kishan iyo kooxdiisa inay tartanka fanka xabsiga ka qayb qaataan.

A scene from Lucknow Central

Kishan kooxdiisa waxay ka kooban yihiin Parminder Gill (Gippy Grewal), Victor Chattopadhyay (Deepak Dobriyal), Purushottam Madan Pandit (Rajesh Sharma) iyo Dikkat Ansari (Inaamulhaq).

Inta lagu guda jiro isku diyaarinta tartanka maxaabiista loo dhigaayo ayuu Kishan la imaanaa qorshe ah inay fursadaan ka dhigtaan midii ay xabsiga kaga baxsan lahaayeen.

Laakiin markii la gaaro maalinta ugu dambeyso tartanka sidoo kalena ay Kishan iyo kooxdiisa heestaan fursadii ay ku baxsan lahaayeen Kishan qorshaha kooxdiisa wey kaga baxayaan!

Hadaba maxaa sababay Kishan kooxdiisa inay xuriyada ay heli lahaayeen iska diidaan?

Ma waxay ka cabsanayaan askariga aan nixin Raja Shrivastava (Ronit Roy) inuu ciqaabo?

Ama qalbigooda ayaa isbadalay oo waxay go’aansadeen inay waqtigooda xabsiga iska dhameestaan?

Maxaa Laga Yiri Isku Xirka Fariinka Filimkaan: Director Ranjit Tiwari si sahlan ayuu filimka Lucknow Central u sameeyay wuxuuna doortay fariin sahlan laakiin nolosha filimkaan isaga ayaa ka dhigay mid dayacan gaar ahaan qaybaha dambe.

Lucknow Central waa isku day wanaagsan balse u baahnaa si wacan sheekadiisa loo agaasimo sidaa darteed bandhiga jilaayaasha waxaa meel cidlo ah kasoo qaaday sheekada filimkaan oo laheyn nuxur muuqdo.

Bandhiga Jilaayaasha: Farhan Akhtar markale wuxuu muujiyay inuu yahay jilaa door walbo sameyn karo waana shaqsiga inta badan filimkaan loo daawan doono bandhiga cajiibka ah ee uu sameeyay.

Diana Penty markaan wey ku niyad jebineysaa madaama doorkeeda yar yahay sidoo kalena uusan saameyn u laheyn sida doorarkii ay ku yeelatay filimada Cocktail iyo Happy Bhag Jayegi.

Lucknow Central Movie Review

Dhamaan jilaayaasha kale ee filimkaan dadaal wacan ayay sameeyeen balse qof walbo bandhigiisa waxaa ragaadiyay qaabka liidato ee loo qoray sheekada filimka Lucknow Central.

Gunanaad: Lucknow Central waa filim aad u liito sheeko ahaa, sidoo kale aan laheyn mada daalo, waqti ahaana aad u dheer, arimaha oo is kaashaday awgeed waxay sababi doonaa inuu Boxoffice-ka aad ugu liit fagta hore iyo maal maha xigaba!

Kooxda filimada falanqeeyaan cel celis ahaan filimka Lucknow Central waxay siiyeen 2/5 taasi oo ka dhigan in sheekadiisa aad u liidato marba hadii labo xidig la siiay 5-ta xidig ee sheekooyinka filimada lagu qiimeeyo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Lucknow Central:

2 Responses to Sheekada filimka Lucknow Central: bandhiga Farhan waa mid heer sare ah balse sheekada ayaa kala dhiman

  1. abdi kaafi

    September 15, 2017 at 11:20 am

    guul wcn fahran akhter & filimks Lucknow central

  2. Qalbi holcay Qalbi holcay

    September 15, 2017 at 5:16 pm

    thanks film.side