Director Mohit Suri waa mid Bollywood-ka siweyn kaga dambeeyaan balse lama buun buuniyo madaama uu inta badan sameeyo aflaan fariin ahaan saameyn xoogan abuuraan mana lagu gaaro Muusig, dareen qiiro badan iyo jaceyl xamaasad badan mararka qaarna qayaano kama marno filmadiisa wuxuuna ku caan baxay Murder 2, Aashique 2, Ek Villain, Hamari Adhuri Kahani iyo aflaan kale. Markaana wuxuu la yimid filimka Malang oo saameyntiisa wato.

Jilaayaasha filimkan: Aditya Roy Kapur, Disha Patani, Anil Kapoor, Kunal Kemmu, Elli Avrram

Director: Mohit Suri

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 14-daqiiqo

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Malang wuxuu ku saabsan yahay nolosha afar qof oo mid walbo ujeedkiisa la fami karin laakiin hal arin isku keeneyso iyo sida ay iskula xariiraan. Sidoo kalena filimkan labo marxalad ayuu ka kooban yahay waji farxad iyo waji murugo oo aar gudasho la socoto.

Advait (Aditya Roy Kapur) waa wiil qalbi wanaagsan sidoo kalena dagan wuxuu safar u ku tagaa magaalada loo dalxiis tago Goa (Goobaay) halkaasna waxay isku baranayaan gabadha London ka timid ee aadka u fur furan Sara (Disha Patani), marar kala duwan marka ay kulmaan ugu dambeyntii wey is fahmayaan waxayna bilaabayaan waqti badan inay isla qaataan jaceylna wadaagaan jawi dagana galaan.

Laakiin labadii farxada ku noolaayeen dhibaato aysan xamali karin ayaa qabsaneyso noloshooda wey bur buree dib dambena iskuma arkayaan!

5-sano kadib Advait (Aditya Roy Kapur) wuxuu sameenaa habeenka feestada ciida masiixiga loo dabaal dagayo ayuu dil geesanaa weliba qof walbo uu arko ayuu habeenkaas dilaa asigoo aargudasho u socdo. Haddaba waxaa dhaceyso labada askari ee aan naxariista laheyn Anjaney Agashe (Anil Kapoor) iyo Michael Rodrigues (Kunal Kemmu) loo xil saarayo inay Adviat (Aditya Roy Kapur) gacanta kusoo dhigaan haddii uu isi soo dhiibi waayana ay toogtaan!

Anjaney Agashe (Anil Kapoor) waa taliye kaftan badan, xarakadiisa u dheer tahay laakiin wadada sharciga ma qaado, waa macquul inuu laaluush qaato sidoo kalena waa macquul inta uu xabsiga dadka geynin inuu wadada ku dilo!

Michael Rodrigues (Kunal Kemmu) isagana waa taliye mayal adag oo wax walbo sharciga kala weyn yihiin wadada saxda ahna inuu qaado u taagan mana cafiyo qofkii u dambi ku helo.

Sidaa darteed labadan askari waxay dabagal iyo baaritaan ku sameenayaan nolosha Adviat sababta uu dilkan waalida ah u geestay, waxaana qaybaha dambe filimkan loo daawan doonaa arimahan xiisaha badan iyo kuwo badan oo naga qarsoon.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Malang:

Director Mohit Suri wuu soo rogaal celiyay mana lagu gaaro aflaanta fariimahan oo kale oo xambaarsan qaabka uu sheekada labo marxalad uga dhigay ayaa heer sare ah sidoo kalena fariintiisa wuxuu kaga hadlay dhibaatada daroogada leedahay iyo sharciga qaladaadka uu galo marka baarista dambiyada waa weyn askarta ku guda jiraan.

Bandhiga Jilaayaasha:

Inaba caadi ma ahan Aditya Roy Kapur labada waji uu filimkan ku matalay mar uu yahay wiil iska maskiin ah iyo marka uu jirkiisa dhisan yahay awood balaaran leeyahay iskuna badalaayo qamarji aan nixin hubanti ahaan Malang waa filim kale oo uu wiilkan ku muujiyay xirfadiisa inay la jaan qaadi karto door walbo oo loo dhiibto.

Disha Patani kaalin heer sare ah ayay filimkan ka qaadatay waxaana la dhihi karaa waa filimkeedii ugu horeeyay si madax banaan awood dhameestiran ku leedahay kuna soo bandhigtay qaab jiliin heer sare ah.

Ruug cadaa Anil Kapoor marnaba Bollywood-ka kama maarmaan waayo filimka Malang isaga ayaa nuxur u yeelay marka uu shaashada soo galo wuxuuna qaatay door adag oo saameyntiisa wato xitaa hogaamiyaha filimka kama liito!

Kunal Khemu mudnaan gaar ah ayuu leeyahay inkastoo filimkan jilaayaasha ku badan yihiin haddana kaalintiisa si wacan ayuu u qaatay waxaana la dhihi karaa Malang inuu kasoo muuqdo micno weyn ayay leedahay hubanti ahaan wiilkan door walbo oo loo dhiibo ha weynaado ama ha yaraado wuu ka baxsadaa.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Malang:

Qaabka sheekadiisa loo dhigay oo heer sare ah.

Bandhiga afarta jilaa filimkan oo saameyn leh si gaar ah is fahanka Aditya & Disha.

Heesaha iyo muusigadan filimkan oo wacan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Malang:

Fariintiisa qayaanada oo mugdi ku badan.

Ma lahan mada daalo dabacsan waayo fariintiisa waa mid arimaha daroogada iyo dambiyada ka hadleyso marka qof walbo ma daawan karo.

Qiimeynta Sheekada Malang: 3.5/5 (Sedex xidig)

Gunaanad: Malang waa filim si wacan fariintiisa u agaasimay Director Mohit Suri sidoo kalena hogaamiyaasha mashruucan kaalintooda qaateen waxaa lagu kalsoon yahay in dhalinta soo dhaweyn doonaan marka tiyaatarka la saaro balse hadal heyn xoogan ma xambaarsano taasi oo caqabad ku noqon karto fagta hore inay dad badan tiyaatarka ka daawadaan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Malang oo maalinta berito ah tiyaatarada gudaha Hindiya laga daawan doono balse qaar ka mid ah daafaha caalamka maanta laga daawanayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here