Waxaa maanta si rasmi ah tiyaatarada loo saaray Filimka Marjaavan ee ay wada jilayaan Sidharth Malhotra, Tara Sutaria, Rakul Preet Singh, Riteish Deshmukh iyo kuwa kale oo badan waxaana director ka ah Milap Milan Zaferi. Hadaba sheekada Filimkaan oo yara liidata hoos kaga bogo:

Waa fariin ka hadleysa lamaane is jecel misane caqabad kala kulmayaan maafiyada Mumbai oo jaceylkooda ka hor imaanayaan filimka waxuu ka bilaawana Narayan Anna (Nassar) oo ciidankiisa u qaabilsan toogashada dadka u wacaayo waxaanna ciidankaas kudhec jiro ninka kartida badan ee ee Anna sida weyn ugu kalsoonyahay Raghu (Sidharth Malhotra).

Waa wiil uu soo korsaday ninkaan Gangster-ka ah isago yar ayuuna wadada dhinaceeda kasoo wadana waxuuna ka dhigana sida wiilkiisa oo kale iyo midka uu ugu kalsoonida badan yahay ciidankiisa dhamaan midaas waxay ka xanaajine oo ka masareeyo Anna wiilka uu dhalay Vishnu (Riteish Deshmukh) waxuuna u qaada naceeb badan wiilka aabihiis soo korsaday ee Raghu (Sidharth Malhotra).

Waxa kaloo jirto gabar lagu magacaabo Arzoo (Rakul Preet Singh) taaso jecel Raghu ( Sidharth) balse isaga ma jecla waxaase isaga qalbigiisa xadeyso gabadha aan hadli karin ee reer Kashmir ah Zoya ( Tara Sutaria) taaaso Raghu (Sidharth) bareysa nolosha macaanteda iyo jaceylka waxu yahay Music-yaqaan wey tahay isagoo noloshan farxada leh isaga jira maalin maalmaha kamid ah Zoya (Tara) waxay arkee Vishnu ( Riteish) oo qof dilaayo.

Kadib Vishnu si deg deg ah ayuu aabihiis Anna arinkaas ugu sheegaa waxaana dhaceyso in Anna (Nassar) uu u yeerayo Raghu (Sidharth) si uu uso dilo Zoya (Tara Sutaria) maadama ay aragtay Vishnu (Riteish Deshmukh) oo qof dilaayo Raghu (Sidharth) waxuu go’aan ku gaara inuu Zoya (Tara) la baxsado oo isaga dhex baxo noloshan maafiyada ah.

Laakiin waxaa goobta Bus-ka laga raaco ku helayaan ciidanka Vishnu waxay kaloo af duubanayaan labo caruura oo Zoya Dance-ga bari jirtay.

Anna labo mid ayuu kala dooransiinaa Raghu mida kowaad inuu dilo Zoya si uu caruurta u bad baadiyo hadii kale dhamaantooda inee wada dhiman doonaan ayuu usheega xili Zoya ay saaxiibked u tilmaameyso inuu dilo intii caruurtaa la dili lahaa waliba iyada darteed.

Raghu ( Sidharth) oo jahawareersan meeshuu ku dhaqaaqi lahaana garan la’ waxaa qabanaao oo xirayaan Police-ka waxa xiga waa sababta Filimka loo daawan doono Sidharth maka guuleysan doonaa maafiyadan uu dhexda kaga jiray mise isaga iyo saaxiibtiis waa la dili doonaa.

Maxuu ku wanaagsan yahay Filimka:

Qeybta hore ayaa wanaagsan mashruucan, muuqaalka Riteish Deshmukh kusoo galaayo iyo jaceylka Sidharth iyo Tara shaashada kusoo bandhigayaan.

Maxuu ku liitaa Filimka:

Movie Review: Marjaavaan

Iskuxirka sheekada oo habac sanaan ka muuqata Ma ahan sheeko cusub waa sheeko soo noq noqota.

Goobaha lagu duubau soo jiidasho maleh, Music-da waa iska dhex dhexaad.

Director Milap Zaferi maba loo maleeyo inuu yahay kii sameeyay Satyameva Jayate oo sanadkii hore guul taariikhi ah gaarau markaan fariin habacsanaan ka muuqato ayuu sameeyay.

Mashruucan qeybta hore isku xirka oo wanaagsan iyo muuqaalada qaar oo tayesan aawged kooxda Filimada ka faaloodaan waxay siiyeen 3.5 /5 ( 3 xiddig iyo bar ayuu ka helay 5-ta xidig Filimada lagu qiimeeyo) waa hubaal inuu Single Screens-ka ka gadmi doono maadama dadka dabaqada dhexe iyo hoose loogu talo galay.

Balse Multiplexes-ka wuu ku liidan doonaa oo reer magaalka iyo magaalooyinka waaweyna mashruucan masoo dhowey doonaan waxaase macquul ah in sida H4 oo kale daawadayassha tiyaatarada laga celin waayo ileen iyaga kaliya xukmin karaan guusha Filimka.

Bandhiga Jilayaasha: Sidharth Malhotra waxba ma uusan reeban laakiin sida guud bandhigiisa Filimka waa mid liito oo aan sidii laga rabay eheen.

Riteish doorkiisa waa heer sare laakiin waxaa fiicneed in lasii adkeeyo si dhadhan xiiso leh u yeeshto doorkiisa xumaanta ah.

Rakul Preet Singh muuqaal marti ah ayee ku leedahay Filimka laakin mid la fidiyay ah waana muuqaal caawin dhalaalkeeda ayeena daawadayaasha kusoo jiidan doontaa.

Tara Sutaria doorkeeda waa weyn yahay laakiin waa mid daciif ah maadama hal erey xitaa ku hadli doonin oo gabar aan hadli karin ayee shaashada kujilee.

Gunaanud: Marjaavan waa Filim jaceyl iyo dagaal isku dhex jira ah laakiin fariintiisa liidato nasiib wacan kooxda Marjaavan.

Hoos ka daawo goos gooska Marjaavan hadii aadan horey u daawanin..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here