Shirkada adeega aflaanta mada daalada laga helo si Online ah u bixiso Netflix waxay hawada ama Internet-ka kusoo fasaxday daawashada filimka cabsida, qayaanada iyo aargudashada isku jiro ee lagu magacaabo Mrs Serial Killer.

Jilaayaasha filimkan: Jacqueline Fernandez, Manoj Bajpayee, Mohit Raina

Director: Shirish Kunder

Waqtiga uu soconaayo: 1-saac & 46-daqiiqo

Fariinta Filimka Mrs Serial Killer Oo Kooban: Sona Mukherjee (Jacqueline Fernandez) ayaa seygeeda Dr Mrityunjoy Mukherjee aka Joy (Manoj Bajpayee) Video Call ka waceyso waxayna u sheegeysaa inay uur u leedahay. Dr, Joy oo ah dhaqtar cudurada haweenka qaabilsan aad ayuu ugu farxaa aqbaartan wuxuuna ka maqan yahay gurigiisa iyo magaalada xaaskiisa ku nooshahay mana sugi karo inuu guriga kusoo laabto si uu farxada xaaskiisa ula qeebsado.

Isla habeenkaas waxaa dhacaayo Sona saaxiibkeedii hore Imran Shahid (Mohit Raina) oo askari ciidan ah ayaa guriga Joy xoog kusoo galaayo kadibna cadeymo guriga ka yaalo ayuu ka qaadanaa. Taliye Imraan Shahid wuxuu aaminsan yahay in Joy dilaa uu yahay kana dambeeyay dilka haweeneey badan oo aan la guursanin balse uur qaadeen oo isaga u imaadeen.

Maalinta xigta , booliska waxay helayaan gabdho la dilay sidoo kalena dhalaankooda galaas lagu riday oo iyagana la dilay, sidaa darteed marka uu Joy soo laabto booliska wey xirayaan waxaana lagu soo oogaa dambi uusan ka baxsan karin. Sidaa darteed Sona waxay go’aan ku gaareysaa inay seygeeda bad baadiso sidoo kalena ay caddeyso in dilaaga weli banaanka uu joogo. Haddaba ma ku guuleesan doontaa howl galkan? Waa kuma dilaaga qarsoon?

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha Filimkan: Manoj Bajpayee doorkiisa waa heer sare sidoo kalena saameyntiisa qaybaha dambe filimkan ayay xiiso badan tahay. Jacqueline Fernandez doorkeeda Sona waa furaha sheekada filimkan weyna ka baxsatay kaalinteeda weliba door dhib badan ayay qaadatay. Balse filimkan doorka ugu saameynta badan waxaa qaatay Mohit Raina oo cusbo gaar ah filimkan u yeelayo marka uu shaashada soo galo doorkiisa booliska xumaanta iyo wanaaga isku jiro ah.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 2.5/5 (Labo xidig iyo bar waa sheeko iska dhex dhexaad ah)

Gunaanad: Filimka Mrs Serial Killer waa fariin la daawan karo oo wacan inkastoo fiicnaan laheyd waqtigiisa 1-saac ama 1-saac iyo & 20-daqiiqo laga dhigo uga badnaan sidoo kalena filimkan qayaanooyinkiisa ma ahan kuwo kaa yaabsanayo inkastoo xiiso badan yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Mrs Seriel Killer oo dhawaan barta Netflix toos loogu soo fasaxay oo looga daawanayo asigoo dhameestiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here