Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Oxygen: Gopichand bandhig wacan ayuu la yimid laakiin sheeko kuma dhicin

Sheekada filimka Oxygen: Gopichand bandhig wacan ayuu la yimid laakiin sheeko kuma dhicin

Gopichand wuu soo laabtay waxaana tiyaatarada loo saaray filimka Oxygen oo ah filim Telugu ah kaasi oo Action iyo fariinta arimaha qoyska ka hadlaayo.

Director: Jyothi Krishna

Jilaayaasha filimkaan: Gopichand, Raashi Khanna, Anu Emmanuel, Jagapati Babu, Sayaji Shinde, Shaam, Chandra Mohan, Sithara, Abhimanyu Singh, Ashish Vidyarthi, Brahmaji, Vennela Kishore, Thagubothu Ramesh

Waqtiga uu soconaayo: 2-sac iyo 36-daqiiqo

Fariinta Filimka Oxygen: Krishna Prasad/Sanjeev (Gopichand) waa wiil mudo dheer qurbaha ku maqnaa wuxuuna gudaha Hindiya ugu soo laabanaa si uu u guursado Sruthi (Raashi Khanna).

Laakiin Raghupathi (Jagapathi Babu) oo ah aabaha dhalay Sruthi (Raashi Khanna). nafsadiisa halis ayay ku jirta marwalbana waxaa weerar kusoo qaadaan koox aan la aqoonin oo halisteeda leh.

Sidaa darteed Krishna Prasad/Sanjeev (Gopichand) wuxuu ku qasbanaanaa inuu difaaco reerka uu gabadha ka rabo asigoo aan wax badan ka aqoon halista taalo deegaanka uu martida ku yahay.

Hadaba qaybaha dambe Oxygen waxaa loo daawan doonaa sababta qoyskaan bartilmaameed looga dhigaanayo iyo sida uu Krishna Prasad/Sanjeev (Gopichand) u difaaci karo sodagiisa Raghupathi (Jagapathi Babu).

Muxuu Ku Liitaa Filimka Oxygen:

Sheekadiisa oo aad u liidato.

Habka fariinta loo dhigay nidaamyadii 90-maadkii oo laga soo gudbay.

Shactiro iyo mada daalo fiican malahan

Qaybta hore ama halka saac hore oo dayacaad badan ka muuqato fariinta filimkaan

Muxuu Ku Wanaagsan Filimka Oxygen:

Qaybta labaad ama marka kala bar la gaaro ayuu filimka xiiso leeyahay daawasho ahaan

Bandhiga jilaayaasha filimkaan oo aad u wacan

Action-kiisa oo iska fiican qaabka loo sameeyay

Gunaanad: Gopichand bandhig wacan ayuu la yimid gaar ahaan Action-ka uu sameenayo balse culees xoogan ayaa xidigaan saaran madaama labadiisa filim ee ugu dambeeyeen Soukhyam iyo Gautham Nanda Boxoffice-ka ku fashilmeen haatana Oxygen rajo badan lagama qabo.

Jagapathi Babu oo door caawiye ah ku matalaayo isaga ayaaba la siiyay doorka ugu wacan filimka Oxygen waana ruug cadaa marwalbo filimada dhadhan gaar ah u yeelo.

Dadka filimada ka faaloodaan waxay siiyeen labo xidig (2/5) taasi oo ka dhigan Oxygen inuu sheeko ahan aad u liito sidoo kalena dadka xalay iyo maanta subaxdii hore Oxygen daawadeen fariintiisa wey iska diideen midaas oo sababi karto Gopichand mashruuciisa guul dareesto!