Sheekada filimka Padmaavat: waa filim u qalmo hadal heynta uu xambaarsan yahay lama kala yareesto bandhig ahaan

Kooxda filimada ka faaloodaan ayaa lagu casuumay daawashada filimka weyn Padmaavat waxaana la bilaabay soo bandhiga sheekada filimkan oo la isku raacay fariintiisa inay tahay mid heer sare ah.

Filim falan qeeyaha caanka ah Taran Adarsh ayaa qalinka u qaatay taxliilinta sheekada filimka Padmaavat wuxuuna siiyay afar xidig iyo bar 4.5/5 kaligiisna ma ahan inta badan shabakadaha aflaanta ka faaloodaan ayaa qiimeyntaan heerka sare ah mashruucaan siiyeen.

Director: Sanjay Leela Bhansali

Jilaayaasha: Deepika Padukone, Shahid Kapoor, Ranveer Singh, Aditi Rao Hydari, Jim Sarbh, Raza Murad, iyo Anupriya Goenka.

Hordhaca qoraalka Padmaavat: filimkaan wuxuu noqday dood qaran sidoo kalena wargesyada, TV-yada iyo saxaafada qaybaheeda kala duwan ayaa filimkaan muranka dhexda ka galay in mudo ah soo hadal haayeen.

Sidaa darteed qof walbo wuxuu doonayaa Padmaavat inuu daawado qiimeyna ku sameeyo filimkaan hadal heyntiisa cirka mareyso hadii uu iin leeyahay ama yahay mashruuc waaya aragnimo dheeraad ah laga kororsan doono.

Sidoo kale culeeska wuxuu ka jiraa in aflaan taariikhi ah horey Hindiya u sameeyeen kuwaas oo Classic ah sida Jodha Akbar iyo Baahubali labadiisa qeybood.

Director Sanjay Leela Bhansali waa filim sameeye qabiir ah in ka badana 20-sano fanka Hindiya kusoo dhex jiray wuxuuna doortay fariin qof walbo xiiso ku heyso sidoo kalena tayadiisa kalsoonida lagu qabo awgeed cidna ma niyad jebinin.

Fariinta Filimka Padmaavat Oo Kooban: Amiir Maharawal Ratan Singh (Shahid Kapoor) wuxuu u safraa magaalada Singhal asigoo ay la socoto xaaskiisa kowaad Nagmati (Anupriya Goenka).

Amiirka awooda badan sidoo kalena marwalbo xasiloon indhahana ka hadlo wuxuu magaladaas kula kulmaa boqorada Padmavati (Deepika Padukone)  si dhaqsi ah ayuu u jeclaanaa quruxda ay leedahay awgeed.

Kadib waxaa u suura galeyso Amiirka inuu guursado boqorada marka uu qalbigeeda kasbado waxayna isku darsanayaan awooda labada boqortooyo ay ka taliyaan.

Raghav Chetan oo amiir Maharawal Ratan Singh dagaalka iyo geesinimada baray ayaa isku dayaayo inuu talaabo qaldan qaado boqortooyadana la wareego balse isaga ayaaba boqortooyada laga racadeenayaa.

Ninkii laga racadeeyay boqortooyada wuxuu garab weydiisanaa si dhagar ku dheehan suldaanka dagaalka yahanka awooda badan ee ka taliyo laga soo bilaabo Afghanistan ilaa Waqooyiga Hindiya waligiisna aan dagaal looga guuleesanin Khilji (Ranveer Singh).

Suldaan Khilji (Ranveer Singh) wuxuu qalbiga jaceyl waali ah kaga qaadayaa boqorada Padmavati (Deepika Padukone) marka looga sheekeeyo kartida ay leedahay iyo quruxda ay dadka ku indha sar caadiso.

Sidaa darteed Suldaan Khilji (Ranveer Singh) wuxuu ku dhawaaqaa duulaan iyo dagaalkii ugu weynaa ee uu ku doonayo inuu kusoo qabsado boqorada Padmavati (Deepika) iyo dhulka ay maamusho ee gobolka Rajput ka tirsan.

Hadaba Padmavati (Deepika) iyo seygeeda amiir Maharawal Ratan Singh (Shahid Kapoor) sidee isaga difaaci doonaan duulaanka uu kusoo yahay suldaanka aan nixin ee aan waligiis dagaal looga guuleesanin?

Maxaa Laga Yiri Sheekada iyo isku xirka filimka Padmaavat: Inaba caadi ma ahan qaabka fariinta Padmaavat filim sameeye Bhansali ugu hagar baxay waxaa kaloo qurux badan muuqaalka tayo ahaan uu filimkan leeyahay iyo xiliga taariikhiga ah qaabka looga run sheegay waxaa ka muuqato qarashka la galiyay in si wacan filimkaan loogu tayeeyay.

Waxaa cajiib ah jaceylka, xukuumada boqortooyada, aar gudashada iyo taariikhda sida uu Director Bhansali isugu daba riday mana lahan meel uu filimkan weyn ka qaldan yahay, hadii aad daawatid jaceyl ayaad u qaadi doontaa aflaanta fariimaha boqortooyada xambaarsan.

Director Bhansali oo horey u sameyay aflaan hirgaleen oo fariin ahaana aad u tayo wanaagsan sida HUM DIL DE CHUKE SANAM, DEVDAS, GOLIYON KI RAASLEELA RAM-LEELA iyo BAJIRAO MASTANI hadana Padmaavat ayaa hada si rasmi ah u noqday midkiisa ugu sheekada wanaagsan uguna saameynta badan!

Waxaan indhaha laga qaadi karin dhamaadka filimkaan sida loo diyaariyay dagaalka iyo qiirada goobta ka dhaceyso, si gaabana waxaa loo dhihi karaa ku dhawaad sedexda saac uu filimkaan soconaayo waa mid lagu raaxeesan karo.

Bandhiga Jilaayaasha: Filim walbo oo sheekadiisa heer sare tahay waxaa sare usii qaadi karaan hadal heynta mashruca marka uu bandhiga jilaayaasha aad u sareeyo.

Quruxda iyo kartida Deepika

Xaasidnimada iyo awooda Ranveer

Daganaanta iyo sharaf u dagaalanka Shahid

Deepika Padukone dood kama taagno in abaal marin walbo iyada aruursan doonto iska hilmaan 10-ka sano ka badan fanka ku jirto bandhigyadii ay sameesay hadii aad daawatid Padmaavat adigoon taageero u ahayn xitaa waad taageeri doontaa!

Isku xirka nuxurka Padmaavat min bilaaw ilaa dhamaad waa Deepika Padukone waxaa la dhihi karaa kartida ragga kaliya u gaar ah ma ahan dumarka jilaayaashana Deepika ayaa ugu karti badan!

Ranveer Singh hada kadib Suldaan Khilji ayaa loogu yeeri doonaa wuxuu la yimid door caan ah oo mudo dheer Bollywood-ka laga hadal heyn doono.

Director Bhansali wuxuu ku xeel dheer yahay sida Ranveer kartidiisa banaanka loo soo dhigo hadii u Ram Leela iyo Bajirao Mastani xirfada ku duugan Ranveer banaanka kusoo dhigay markaana awood aan horey atoore filim loogu siinin ayuu Padmaavat ku siiyay.

Doorkiisa xumaanta ayay 100% hadal heyn doonaan marka ay dadka u daawasho tagaan filimka Padmaavat run ahaantii door taariikhi ah ayuu Ranveer xili hore asigoo fanka ku jiray hantiyay!!

Shahid Kapoor door awood badan oo aan ka liidan midka Deepika iyo Ranveer ayaa la siiyay waa bini aadanka dhabta ah ee Padmaavat ku jiro hadii bahalka dhabta ah ee Padmaavat kujiro Ranveer yahay.

Shahid waa dagaal yahan dhimashada aan ka cabsanin laakiin dadka waxay aad uga heli doonaan isaga iyo Deepika is fahanka iyo qaab jiliinka wacan oo ay wada qeebsadeen filimkaan sida inay yihiin lamaanayaal mudo isla soo shaqeenayeen oo kale.

Marka aad Padmaavat daawatid si gaar ah muuqaalada qiirada badan ayaad Shahid kuso xasuusan doontaa ileen waa bini aadan bahal rabo inuu boqortooyadiisa iyo xaaskiisa ka dhacsado!!

Gunaanad: Padmaavat waa filim waaya aragnimo dheeraad ah laga heli doono bandhiga sedexda hogaamiye filimkaan, qaabka sheekada Bhansali isugu daba riday ayaa ah waxa kugu qasbi doono inaadan mashrucaan ka caajisin.

Dhanka Boxoffice-ka muran walbo iyo rabshad walbo oo lagala hortago Padmaavat ma celin doonaan waayo waa fariin 100% dheeli tiran dadka ku qasbi doonto in tiyaatarada lasoo aado, xili hore ayay Bollywood-ka heleen filim heer sare ah oo tiyaatarada wacdaro taariikhi ah ka dhigi doono…

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Padmaavat:

3 Comments

  1. Waaaw caadi ma ahn zaka sxb mahadsanid aqbaarta filimkaan nøø soo badi waan kaaa sugeynaa
    The queen of Bollywood is back and shasha kapoor all time blockbuster ayaa soo socdo

  2. Sxb anigu marka aan sheekada filimkan akhriyay isla markiiba waxa igu soo dhacay filimkii troya ee brad Pitt atooraha ka ahaa booskiisana waxa ku jira ranveer Singh

  3. Shahid kapoor ayaa ku dhex ceeboobi doono filimkan waayo wuxuu dhex galay naag iyo ninkey jecleyd iyo daractorkoodii soo caanbixiyay ee filimkasto wanaqsan u dhiibi jiray kolay wa hubaal shahid kapoor boqorada iyadoo uu qabo ayay ka jeclaanaysa ranveer

Comments are closed.