Waxaa si rasmi ah tiyaatarada loo saaray filimka weyn Pailwaan ee reer Kannada iska leeyihiin shirkadooda lagu magacaabo Sandalwood waxaana xarun u ah magaalada Banglore waana filimka ugu horeeyay ee Kannada ah halyee Suniel Shetty kasoo muuqanayo asigoo deegaan kasoo jeedo haddana Bollywood-ka ayuu waqtigiisa ugu badan ku qaatay.

Jilaayaasha filimka Pailwaan: Kiccha Sudeep, Suniel Shetty, Aakanksha Singh, Kabir Duhan Singh, Sushanth Singh

Director : S Krishna

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 46-daqiiqo.

Fariinta Pailwaan Oo Kooban: Krishna(Sudeep) waa wiil agoon ah waxaana soo koriyay macalinka lagdanka looga haray Sarkar (Suniel Shetty) wuxuuna baraa inuu noqdo lagdamaaga deegaankooda ugu sareeyo kadibna wuxuu la rabaa Krishna (Sudeep) inuu koobka lagdanka Hindiya oo idil ku guuleesto waxaana ka dhaxeeyo wiil iyo aabihiis xiriir adag oo qiiro badan.

Laakiin Krishna (Sudeep) wuxuu qalbiga ka jebinaa aabihiis soo bar baariyay Sarkar (Suniel Shetty) kadib marka uu ka leexdo wadadii lagu balamay iyo hamigii ay lahaayeen wuxuuna Krishna jeclaanaa Akanksha Singh asigoo diidayo inuu lagdanka sii wato.

Sidaa darteed Sarkar (Suniel Shetty) wuxuu go’aan ku gaaraa noloshiisa inuu ka saaro Krishna oo isagana waddo u gaar ah qaadayo si uu reer u yeesho lagdanka iyo wixii la mid ahna wuu iska hilmaamaa.

Laakin Krishna (Sudeep) markii dambe wuxuu garwaaqsanaa in noloshiisa gaarka ah iyo riyada aabihiis inuu isku wadan karay waxaana filimkan loo daawan doonaa qaybaha dambe dib u midooba Sarkar iyo Krishna, sida Sarkar markale Krishna u diyaarin doono ayadoo markaan Krishna uu rabo ninka ugu awooda badan dhanka feerka Hindiya ugu sareeyo Kabir Duhan Singh kaga guuleesan lahaa balse dhibaato badan ayuu maraa guushan qaaliga ah.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Pailwaan:

Director Krishna amaan balaaran ayuu mudan yahay sheeko sahlan ayuu la imaaday inkastoo halka saac hore filimkan yahay mid habacsan laakiin halka saac dambe si adag ayaa fariintiisa loo dhigay waa hubaal qof walbo oo Pailwaan daawado inuu qiiran doono.

Bandhiga Jilaayaasha: Inaba caadi ma ahan Kichcha Sudeep 100% ayuu u cadaalad falay doorka dhibka badan uu doortay ee ah lagdamaa iyo feeryahan waxaa intaas u dheer xarakaadka dhanka Actionka iyo shactirada uu sameenayo kama marno jaceylka iyo Dance laakiin qof walbo Sudeep wuxuu qalbiga kaga xaday dareenka qiirada badan uu shaashada kusoo bandhigaayo iyo sida uu dhib walbo ugu adkeesanyo waxaa la dhihi karaa Pailwaan waa mid ka mid ah doorarkiisa ugu wanaagsan.

Halyee Suniel Shetty wuu soo laabtay weliba si adag ayuu usoo laabtay madaama uu laf dhabar u yahay fariinta filimka Pehlwaan doorkiisa masuuliyada ka muuqato waxaa intaas dheer marka uu Suniel shaashada soo galo in saameyntiisa qof walbo dareemayo waxaana si gaar ah daawadayaasha usoo jiidan doono is fahanka isaga iyo Sudeep iska dhaxeeyo dhan walbo.

Atirishada Akanksha Singh doorkeeda waa mid wacan kana baxsatay kaalinteeda waxaa sidoo kale mashruucan saameyn ku leh Kabir Duhan Singh oo ah laadarka mashruucan iyo Sushanth Singh doorkiisa boqorka maseerka badan isagana waa heer sare.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Pailwaan:

Fariintiisa qiirada badan, Action-ka lagdanka/feerka iyo mada daalada dhameestiran.

Bandhiga Sudeep iyo Suniel Shetty shaashada ka muujiyeen.

Director Krishna oo si heer sare ah u agaasimay mashruucan kala barka wixii ka dambeeyo.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Pailwaan:

Waqtiga u soconaayo oo aad u dheer 2-saac & 46-daqiiqo waa waqti dheer waxaa wacneyd 2-saac & bar in laga dhigo.

Halka saac hore ma ahan mid xamaasad badan laakiin waa la daawan karaa.

Fariinta jaceylka filimkan waa mid ku dheeri ah waxaa fiicneyd in qaybta jaceylka la yareeyo.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3.5/5 (Sedex xidig & bar)

Gunaanad: Pailwaan waa filim weyn oo reer Kannada la imaadeen kaasi oo 5-luqadood lagu daawanayo maanta Koonfur Hindiya ayaa laga daawanayaa halka Jimcada la daawan doono qaybtiisa Af Hindiga waa hubaal in daawadayaasha ka heli doonaan filimkan dhan walbo ka dheeli tiran si gaar ah fariintiisa qiirada badan, Action-ka iyo lagdanka ayuu daawadayaasha kusoo jiidan doonaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Pailwan ee Kichcha Sudeep iyo Suniel Shetty sida weyn loogu amaanay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here