Sheekada filimka Paltan: Dagaal xiiso leh balse halmar ka badan aan la daawan karin

Ruug cadaa filim sameeye J P Dutta waa shaqsi caan ku ah sameynta filimada dagaalka ah waxaana marwalbo lagu xasuustaa qaabkii uu fariinta filimadiisii BORDER [1997] iyo LOC: KARGIL [2003] dadka usoo dhaweeyeen haatana wuxuu la yimid filim kale oo dagaal ah kaasi oo lagu magacaabo Paltan.

JP Dutta 12-sano kadib ayuu filim sameynta kusoo laabtay waxaana ugu dambeesay mashruuc uu Director ka noqdo Umro Jaan oo sanadii 2006 la daawaday waxaana hogaamiye ka ahayd Aishwarya Rai halka Abhishek Bachchan iyo Suniel Shetty doorar muhiim ah ku lahaayeen.

Haddaba JP Dutta markan wuxuu doortay filimkan Paltan oo fariin ahaan ka hadlaayo labadii dagaal Hindiya iyo China dhex maray 60-maadkii oo labada dal mid walbo mar guusha dagaalka ku qaatay.

Jilaayaasha filimkan: Arjun Rampal, Sonu Sood, Harshvardhan Rane, Gurmeet Choudhary, Luv Sinha, Siddhanth Kapoor, Jackie Shroff

Director: JP Dutta

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 34-daqiiqo

Qiimeyna sheekada filimkan: 2/5 (Labo xidig)

Muxuu ku wanaagsan filimkan Paltan: Sida geesinimada ku dheehan ee Director JP Dutta ku doortay banaan soo dhigiga dadaaladii Hindiya iyo China dhex maray oo aan in badan laga hadlin iyo dagaalka filimkan mararka qaar qiirada uu leeyahay.

Muxuu ku liitaa filimka Paltan: Waan ka xunahay hab xamaasad iyo soo jiidasho leh filimkan dagaalka ah looma sameynin sida Documentary ama sheeko caadi ah camal ayaa loo sameeyay waxaana ka maqan nuxurka filimada dagaalka ah qaabka loo sameeyo sidoo kalena fariintiisa jaceylka iyo lagu dhex lifaaqay looma baahneyn.

Fariinta Filimkan Paltan Oo Kooban: Filimkan inta badan wuxuu ka hadlaa dagaalkii Hindiya ay China ka guuleesteen sanadii 1967 waxaana China saarnaa cadaadis beesha caalamka ah madaama ay sanadii 1963 Hindiya kusoo duuleen oo ay dhul xuduuda ku yaalo ka qabsadeen sidaa darteed dagaalki 1967 si qarsoodi ah ayuu intiisa badan ku dhacay.

Maj. Gen. Sagat Singh (Jackie Shroff) wuxuu krorneel Rai Singh Yadav (Arjun Rampal) u xil saaraa inu ilaaliyo dhulka Nathu Lu oo xuduuda China iyo Hindiya ku yaalo si caddowga uusan qarsoodi halkaas ugu qabsanin dunida oo aan la soconin.

Korneel Rai Singh Yadav (Arjun Rampal) waa mid tababar kusoo qaatay London sidoo kalena xeeladaha dagaalka iyo tagtikada ay shiineeska adeegsadaan si wacan ayuu u yaqaan.

Rai Singh Yadav (Arjun Rampal) waa abaan duuliyaha ciidanka Hindiya ee loo xil saaray difaacida dhulka Nathu Lu isagana waxaa amaarkiisa ku shaqeenayaan saraakiisha qadiyad ahaan ka go’antahay inay dalkooda difaacaan Major Bishen Singh (Sonu Sood), Captain Prithvi Singh Dagar (Gurmeet Choudhary), Major Harbhajan Singh (Harshvardhan Rane), 2 Lt. Attar Singh (Luv Sinha), Hawaldar Lakshmi Chand (Abhilash Chaudhary iyo kuwo kale.

Korneel Rai Singh Yadav (Arjun Rampal) iyo ciidankiisa waxay u dul qaadan weynayaan dhibataada iyo gardarada ay ciidama shiinaha ku wadaan wuxuuna amar ku bixinayaa in gidaar silig adag laga dhiso xuduuda shiinaha iyo Hindiya u dhaxeyso taasi oo soo idleyn karto dagaalka gaadmada ah ee shiinaha damacsan yihiin.

Sidaa darteed ciidamada shiineeska dagaal toos ah ayay kuwa Hindiya kusoo qaadayaan taasi oo sababeyso labada dal inay markale fool ka fool hubka culus isugu adeegsadaan waxba isku reebain waana waxa loo daawan doono qaybaha dambe ee filimkan.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Paltan: Director JP Dutta qiso dhacday ayuu shaashada horkeenay waxayna leedahay xiiso gaar ah meelaha qaar balse falalka soo laab laabanayo oo isku eg ayaa xiisaha filimkan ka qaadayaan.

Paltan dagaalkiisa si wacan ayaa loo sameeyay balse qaabka fariinta loo dhigay mid ganacsi uma eko ee waxay u egtahay Documentary sheeko si iska caadi ah loo sameeyay oo dayacaad badan ka muuqato sidoo kalena filimkan 2-saac iyo bar ka badan soconaayo waxaa ku caajis galinaayo in dagaalka fool ka foolka ah bilaabanayo qaybta labaad marka la guda galo waana arin aan fiicneyn.

Bandhiga Jilaayaasha Filimkan: Ruug cadaa Jackie Shroff doorkiisa caawiyaha ah waa mid wanaagsan sidoo kalena murugada iyo fal celintiisa kusoo jiidaneyso qaabka uu u sameeyay. Arjun Rampal hogaamiyaha ciidamada filimkan waa mid kaalintiisa qaatay kuna soo baxay abaan duuliye shaashada kugu soo jiidan karo inkastoo doorkan ku fiicnaan lahaa atoore waaya arag ah inuu sameeyo.

Sonu Sood isagana wuxuu ka mid yahay hogaamiyaasha filimkan doorkan laga siiyay laakiin Gurmeet Choudhary  ayaa qaatay doorka kaa yaabinayo kartida uu leeyahay sida uu u dagaalamayo iyo jaceylkiisa xasuus ahaan loga sheekanayo.

Harshvardhan Rane wajigan askariga Punjab-ka ah sidoo kalena xanaaqa badan siweyn ayuu kaga baxsaday waxaana muuqato wiilkan inuu Bollywood-ka mustaqbal ku leeyahay haddii la garab qaabto madaama jiliinkiisa wanaagsan yahay.

Siddhanth Kapoor wiilka uu Shakti Kapoor dhalay doorkiisa wuu xadidan yahay laakiin saameyn muuqato ayuu la yimid si la mid ah Luv Sinha wiilka la dhashay Sonaksi Sinha isagana wuu dadaalay weliba qaybaha dambe filimkan goobta dagaalka wuu ka baxsaday.

Gunaanad: Paltan waa filim dagaal oo aan siweyn kuu soo jiidaneyn balse halmar la daawan karo sidoo kalena bandhiga jilaayaasha filimkan aad u wacan gaar ahaan Gurmeet Choudhary iyo Harshavardhan Rane kusoo jiidan doonaan filimkan oo aan hadal heyn xoogan xambaarsaneyn fagta hore daawadayaasha masoo jiidan karo weyna ku adkaan doontaa inuu ganacsi weyn sameeyo dhanka Boxoffice-ka.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Paltan oo ah filim dagaal:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*