Sheekada filimka Race 3: Action, xarakaad iyo goobo qurux badan ugu imaaw balse sheeko adag malahan!

Mega Star Salman Khan wuu soo laabtay wuxuuna la yimid filimka weyn Race 3 waxaana caado u ah in Ciidul Fitri walbo filim weyn inuu la imaado.

Salman Khan markaan Race 3 jilaayaal badan ayaa ku wehliyaan waana filim mada daalo dhameestiran leh sidoo kalena qayaano iyo Action heer sare ah lagu soo bandhigi doono.

Director: Remo D’Souza

Jilaayaasha: Anil Kapoor, Salman Khan, Jacqueline Fernandez, Bobby Deol, Daisy Shah, Saqib Saleem, Freddy Daruwala

Waqtiga Uu Soconaayo: 2-saac iyo 39-daqiiqo

Rating: 2/5 (Labo Xidig)

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Race 3: Action heer sare ah, xarakaad dhameestiran iyo goobo qurux badan oo filimkan lagu duubay iyo bandhiga Salman Khan.

Muxuu Ku Liitaa Race 3: Sheekadiisa oo isku dhex yaacsan, qayaanadii aad ka fileesay oo aan gaarsiisneyn heerkeedii, heeso aan loo baahneyn, waxaaba qalad ahayd in Race 3 loo bixiyo madaama uu siweyn kaga weecday xeerkii taxanaha Race lagu yaqiinay!

Fariinta Filimka Race 3 Oo Kooban: Shamsher Singh (Anil Kapoor) iyo caruurtiisa qoys ahaan isma aaminsano waxaana dhex taalo cadaawad muuqato iyo mid qarsoon.

Shamsher Singh (Anil Kapoor) wuxuu aad u aaminsan yahay wiilka uu walaalkiis dhalay ee uu soo korsaday Sikandar (Salman Khan) wuxuuna weydiisanaa inuu masuuliyada qaato hawl gal lagu soo dhacaayo cajal xog badan ka buuxaan kaasi oo xuduuda banaankeeda lagu heesto iyo mashaariic kale oo malaayiin lacago ah lagu helaayo.

Sikandar (Salman Khan) waxaa hawl galkan kala qayb galayaan qoyskiisa labada walaalaha la ah ee uu Shamsher Singh (Anil Kapoor) aabo u yahay Sanjana (Daisy Shah) & Suraj (Saqib Saleem) laakiin waa labo caddow ku ah Sikander (Salman Khan) kana maseersan wiil uusan aabahooda dhalin sida maamulka qoyska loogu aaminay.

Yash (Bobby Deol) isagana qoyskan ayuu ka mid yahay waana midka uu sida weyn ugu kalsoon yahay Sikander (Salman Khan) una dirsado inuu u fuliyo hawlaha halista ah.

Qoyskan aan is aaminsaneyn sidoo kalena caddow isku ah waxaa nolashooda kusoo biireyso Jessica (Jacqueline Fernandez) oo iyadana ah askari dharcad ah dan gaar ah ayay leedahay waxayna jaceyl aan la ogeyn ujeedkiisa la wadaageysaa Sikander (Salman Khan).

Sikander iyo qoyskiisa waxay rabaan hawl galkan halista badan inay ku guuleestan kana taqalusaan tuuga caalamiga ah Rana (Freddy Daruwala) balse qoyskaan iyaga ayaaba wax walbo isku diidan sideena hadafkooda ku gaari karaan.

Fariinta Filimka Race 3 Maxaa Laga Yiri: Director Remo D’Souza wuxuu diirada saaray Action, xarakaad iyo muhiimada qoyska leeyihiin, balse wuxuu hilmaamay filimka Race taxane ahaan inuu u cadaalad falo oo ah qayaanadii heerka sare ahayd iyo fariinta adag.

Race 3 waxaa ka muuqato habacsanaan xoogan halka saac ee hore balse hala saac dambe ayuu xiiso gaar ah leeyahay balse culeeska wuxuu ku jiraa qaabka qoraalka sheekada loo sameeyay oo aan ahayn mid adag.

Remo D’Souza waxaa fiicneyd halkii uu ku mashquuli lahaa tayeynta muuqaalada Race 3 inuu tayeeyo sheekada filimkan kana dhigo mid adag.

Bandhiga Jilaayaasha: Mega Star Salman Khan doorkiisa si aan caadi ahayn ayuu kaga baxsaday Action-ka, xarakaadka iyo sida uu qoyskiisa u jecel yahay ayaa ah waxa ugu weyn ee kugu qabsaayo inaan daawatid Race 3 oo meelaha qaar habacsanaan xoogan ka muuqato.

Bobby Deol soo laabasho wacan ayuu sameeyay doorkiisana waa mid heer sare ah sidoo kalena Salman shaashad k filan Bobby wuu siiyay laakiin filim aan sheeko dhameestiran laheyn cidna laguma eedi karo.

Ruug cadaa Anil Kapoor waa isku xiraha Race 3 sidoo kalena door masuuliyad ka muuqato ayaa la siiyay mana ku niyad jibinaayo muuqaaladiisa.

Jacqueline Fernandez doorkeeda waa mid wacan gaar ahaan Action-mada ay sameeneyso sidoo kalena Daisy Shah iyadana muuqaal ku filan waa la siiyay balse Saqib Saleem doorkiisa wuxuu u muuqdaa mid dheeri ku ah filimka oo lagu qasbay balse wuu dadaalay.

Gunaanad: Race 3 waa mashruuc si qurux badan loo duubay, Action, baabuur iyo xarakaad lagu soo bandhigay sidoo kalena Salman taageerayaashiisa ka heli doonaan laakiin xaqiiqo ahaan filimkan waa mid niyad jab laga qaaday fariintiisa oo la filaayay inay mid adag noqoto laakiin isku dhex yaacsan tahay.

Race 3 afarta maalmood ee ugu horeyso si adag ayuu u gadmi doonaa balse maal maha fasaxa ciida marka uu soo idlaado wuxuu halis ugu jiraa inuu hoos u dhac weyn sameeyo madaama sheekadiisa aad u liidato.

Balse waa macquul in taageerayaasha Salman Khan iyo kuwa Action-ka iyo xarakaadka jecel inay filimkan horey u riixaan inkastoo dadka dhex dhexaadka ah ee filimada tayada wanaagsan xiiseeyo Race 3 ka heli doonin.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Race 3:

5 Comments

  1. Anigu waxaan umahad celinaya tafaftireheena qaaliga ee top ka ah ee siduuwax uqoro aan cidi udhawaan karin qof kale maaha qofkaas waa Zakarie Abdi thanks wll iyo waliba Eid mubaarik Race 3 india oo dhan way dhaliilen

  2. sxb zakiye srk khan sanadahan dambe isago sheko ficn la iman hadana malin aan feesto ahayn saarta oo flimo kaficn lasaarto ayad kudhalilaysen inu hos u dhacay salmon khna lava labadi ciidul fitri ee u dambaysay isago kaligis ciid sartay marki ad aragtay inay kudaadatay qiil ayad u radisa marad tirahdo uma qalmin & marad tirahdo filim shekadisa lidato cidna laguma dhalili karo sxb waxad iska dhigta dhaxdhaxad lkn uma dhawid sidad salmn u xayaysisidna waligay ma arag wabset sidas actor u tagera una xayaysisa maclumadkisa un baad radisa

    • Walaalken Anas mida kowaad Tubelight sheekadisa ayaa xumed waxaana lagu dhaliilay Salman maadama uu kaligiis kujiray atoore caan ahna uusan la wadin dooqxumo ayaa ku dhacday balse Race 3 kaligiis ma wado koox dhan ayaa la wado eeda kaligiis malahan karo qof gaar ahna lama eedi karo hadalka sidaa aya loola jeda mida kale SRK iyo Salman isku awood ma ahan 2010 ila hada Salman ayaa awood badan qof sheeko fiican u baahan waa SRK ee ma ahan Salman tusaale ahaan Tubeligh sheekadiisa waa la dhaliilay hadana 100 Crore ka badan ayuu keenay…

  3. wabkan ila 2015 marki lafuray ayan aqrisanayay ila markas week walbo sanadka kamida waxad so qortan ring Pawer actor waxana tirahdan salman khan loma dhawan karo waad no shekten hadana weekga dambe wad so qoraysan maba ogid inad no so qortay sxb wabka kadhig mid caalami ah meel hal nin lagu xayaysiyo aysan noqon hadi kale wa lagu caajisaya filim u salman khan wado hadi hindiya dhan laga diido idinka xaginu aaman kahela filim sheeko ficn malin feesto kaligis lasaray actor wayn wado inu guulaysanayo cidkasta og lkn salman khan kaligis gooni kuma ahan marka xoga waxad jcshihin nagadaaya siiba zakariye sxb dhibna ha i arkin fakarkaygan kadhibtay wabka wax kabadal

    • Saxiibken Salman Khan Web-kan malahan qof taagero u ahna Filimside kama howl galo marka xaqiiqada ayaan soo qornaa waad na dhaliili kartaa balse xaqiiqada waxba kama bedeli karno atoore walba mudnaanta uu leeyahay iyo maqaaamkisa si cadaalad ah ayaan oga hadalnaa waad mahadsantahay…

Comments are closed.