Sheekada filimka Rangasthalam: Ram Charan filimkaan wuu ku fara yareestay sheekadiisana waa heer sare

Mega Power Star Ram Charan filimkiisa Rangasthalam sheekadiisa ayaa noqotay mid caalami ah waxaana mashruucaan lagu tilmaamay bandhig ahaan midkii ugu wanaagsanaa ee mudo dheer Ram la imaado.

Jilaayaasha filimkaan: Ram Charan, Samantha Akkineni, Aadhi Pinisetty, Jagapathi Babu, Prakash Raj

Director: Sukumar

Qiimeynta sheekada filimkaan: 4/5 (Afar xidig ayaa la siiyay)

Waqtiga uu soconaayo: 3-saac

Fariinta filimka Rangasthalam Oo Kooban: Filimkaan sheekadiisa waxay ku saabsan tahay dhibaatadii bilawgii 80-maadkii ka jirtay Koonfur Hindiya si gaar ah gobolka Telugu.

Tuulada Godvari ee ka tirsan gobolka Rangasthalam waxaa iska maamusho awoodna ku heesto madaxweyne (Jagapathi Babu).

Madaxweyne (Jagapathi Babu) wuxuu ka faa’iideesanayaan sida dadkiisa jahliga u heesto oo ah kuwo aan waligood wax baranin sidoo kalena dulsaar aysan xamali karin ayuu ka qaadaa.

Chitti Babu (Ram Charan) iyo walaalkiisa Kumar Babu (Aadhi) waxay qaati ka taagan yihiin madaxweynahooda dadka sida uu u dhiigto.

Waxayna labada walaalo go’aan ku gaarayaan inay la dagaalamaan madaxweynaha musuq maasuqa wado dadkana hormarka u diidan.

Labada walaalaha waxay dadaal u galayaan dadka inay wax soo saarka baraan sidoo kalena tusaan in madaxweynahooda dhibaato aan la xamili karin ku haayo.

Haddaba labada walaalaha ah sida ay dadkooda dhibka kaga qaadi karaan iyo halista siyaasiyiinta awooda badan kaga imaaneyso sidee kaga bad baadi doonaan?

Bandhiga Jilaayaasha: Kani waa filimkii Ram Charan uu shacbiyadiisa kusoo ceshan lahaa qaab jiliin ahaan iyo sidoo kale ku xarakeynta dhan walbo, run ahaantii doorkiisa Chiti ma jirto qof kaga wanaagsanaan lahaa waana hubaal in Ram filimkaan abaal marino badan ku qaadan doono.

Aadhi oo Ram Charan walaalkiis filimkan ku jilaayo door awood badan ayuu leeyahay sidoo kalena amaan wacan ayuu mudan yahay.

Sidoo kale Samantha iyadana doorkeeda Ram Charan jaceylkiisa ma xumo weyna ka baxsatay bandhig ahaan halka Jagapathi Babu doorkiisa laadarnimo uu xiiso gaar ah leeyahay siweyna daawadayaasha usoo jiidan doono.

Sidoo kale Prakash Raj iyo dhamaan jilaayaasha kale ee caawiyaha ka ah filimkaan si qurux badan ayay doorarkooda u qaateen.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Rangasthalam:

Action-kiisa oo heer sare ah

Muusigadiisa waa mid wacan

Fariintiisa isku xir ahaan aad ayay u sareysaa

Bandhiga jilaayaasha oo heer sare ah kuna xiiso galin doonaan

Muxuu Ku Liitaa Filimkaan:

Dhaliisha ugu weyn waxay tahay filimkaan inuu aad u dheer yahay waqti ahaan 3-saac soconaayo waxaa wanaagsaneyd in ugu badnaan 2:30 uu socdo.

Gunaanad:

Rangasthalam waa mid ka mid ah aflaanta ugu tayada wanaagsan sheeko ahaan iyo dhan walbo ee Ram Charan sameeyo sidaa darteed waana hubaal in mashruucaan guuleesan doono.

Balse guushiisa waxay ku xirnaan doontaa sida uu usoo celiyo lacagaha 80 Crore ee lagu iibsaday balse Ram Charan filim uu kusoo laabtay ayuu helay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Rangasthalam:

3 Comments

  1. zakaiye abdi : sxb ram charan filimka Rangasthalam siduu ku furmay iyo waxa laga filan maro maalinta kowaad noo soo gudbiya sxb

Comments are closed.