Home » Sanju » Sheekada filimka Sanju: Ranbir bilad walbo isaga iska leh sanadkan iyo fariin Sanjay lagu weyneeyay

Sheekada filimka Sanju: Ranbir bilad walbo isaga iska leh sanadkan iyo fariin Sanjay lagu weyneeyay

Ugu dambeyntii waxaa tiyaatarada la saaray filimka Sanju ee uu mudo labo sano ah Ranbir Kapoor ku hawl lanaa sidoo kalena Director Rajkumar Hirani afar sano uu mashruucaan ku mashquulsanaa.

Filimka Sanju waxaa looga hadlaa nolosha Superstar Sanjay Dutt waana filim hadal heyntiisa cirka mareyso waxaana isla ogaan doonaa fariintiisa inay tahay mid wacan ama mid niyad jab laga qaadayo.

Jilaayaasha filimkan: Ranbir Kapoor, Sonam Kapoor, Vicky Kaushal, Paresh Rawal, Manisha Koirala, Anushka Sharma

Director: Rajkumar Hirani

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 4/5 (Afar Xidig)

Waqtiga Uu Soconaayo: 2-saac iyo 35-daqiiqo

Muxuu Ku Wanaagsan Filimka Sanju: Inaba caadi ma ahan sheekada qaabka uu Director Hirani isugu daba riday, bandhiga Ranbir oo Classic ah waligiisna lagu xasuusan doono iyo dhamaan caawiyaasha filimkan oo door adag la siiyay.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Sanju: Waa filim dhameestiran kaliya waxaa ka maqan nolosha Sanjay oo meelaha qaar laga tagay sida sababta uu xaaskiisa hadda Manyata u guursaday, noloshiisii dambiyada uu galay oo aan si qoto dheer looga hadlin, loolankii atoorayaasha kala dhaxeyn jiray iyo atirishoyinki uu jaceylka lasoo wadaagay.

Fariinta Filimka Sanju Oo Kooban: Filimkan wuxuu ku bilaabaa nolosha hadda Sanjay Dutt ku sugan yahay oo ah Sanju (Ranbir Kapoor) marka uu xabsiga kasoo baxo, xaaskiisa Maanayata Dutt (Dia Mirza) ayaa u waceyso Winnie (Anushka Sharma) waa gabbar qorto nolosha dadka caanka ah.

Qoyska Dutt waxay rabaan in noloshiisa fariin laga diyaariyo si aduunka u ogaadaan in Dutt nadiif yahay sidoo kalena qalbi wanaagsan yahay waana sababta ugu weyn noloshiisa wax looga qoraayo.

Kadib Sanju (Ranbir Kapoor) wuxuu bilaabaa ka sheekeynta bilawgii noloshiisa ayadoo dib xasuus ahaan loogu laabanayo 80-maadkii xiligii filimkiisii kowaad Rocky soo baxay, markii uu daroogada saaxiib la noqday iyo markii Mareekanka loo waday si loo soo daaweeyo oo uu aabihiis ku dadaalay.

Xiliga Sanju (Ranbir Kapoor) dhalinyarada yahay waxaa garab wanaagsan siinayo Vicky Kaushal (Kamli) halka Jim Sarbh uu ku jilaayo midka daroogada Dutt siinayo oo noloshiisa ku cayaaray.

Qaybta labaad filimkan waxaa sheeko ahaan diirada lagu saarayaa xiriirkii Sanju iyo aabihiis ka dhaxeeyay, markii uu xabsiga galay lagu helay inuu hub sharci daro ah guriga ku heestay iyo dhibaatooyinkii uu la kulmay shaqo ahaan iyo nolol ahaan.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Sanju: Director Rajkumar Hirani wuxuu sameeyay filimka ugu wanaagsan Bollywood-ka la imaadaan ee shaqsi noloshiisa looga hadlaayo madaama 100% fariintiisa dheeli tirin tahay mada daalo ahaan iyo dareen ahaan.

Hirani wuu caqli badan yahay fariintiisa hab filim oo lagu raaxeesan karo ayuu ka dhigay wuxuu ka leexday nolosha Dutt meelaha xanafta badan sidoo kalena wuxuu ka dhigay fariintiisa mid Sanjay Dutt lagu weyneenayo dhinac walbo si taageerayaashiisa aysan u niyaj jabin.

Waa hubaal in Hirani aad jeclaan doonto fariintiisan cusub waayo filim sameeyahan looma dhawaan karo waa ninkii sameeyay filimada Classic ah taxanaha Munnai Bhai, 3 Idiots iyo PK haatana Sanju ayuu sumcadiisa filimada tayada wanaagsan lagu yaqaano kusii adkeestay.

Bandhiga Jilaayaasha Filimkan: Ka hor inta aadan daawanin filimka Sanju fadlan aan u sacaba tuno Ranbir Kapoor waayo hubaal inaad 100% la dhici doontid qaab jilinkiisa.

Bahda Filimside ahaan anaga gacan ayaan u taagnay weliba 100% isaga ayaa iska leh atooraha ugu wanaagsan ee sanadkaan shirkad walbo bixin doonto sababto ah juhdiga uu Sanju galiyay waa qasab inu mirahiisa gurto!

Ranbir wuu soo laabtay weliba si adag markaana wuxuu cadeeyay inuu yahay atooraha ugu xirfada sareeyo dhalinta Bollywood-ka qaab jiliin cid ku gaari karto malahan waayo filimka Sanju ayuu toban talaabo dhalinta kaga hormaray xirfad ahaan iyo aqoonsi ahaa.

Vicky Kaushal oo Ranbir saaxiibkiis ku matalaayo filimkan door adag ayaa la siiyay si la mid ah Paresh Rawal iyo Manisha Koirala oo waalidkiisa matalayaan.

Halka Dia Mirza doorkeeda saameyn xoogan leeyahay sidoo kalena Sonam iyo Anushka iyagana filimkan xiiso gaar ah ayay usii yeeleen.

Gunaanad: Sanju waa filim dhan walbo ka dhameestiran sheeko ahaan, dareenka qiirada badan, mada daalo dhameestiran iyo nolosha Sanju oo si qurux badan oo aa lagu caajiseen loo soo gudbiyay.

Madaama filimkan hadal heyntiisa horey u sareesay waa qasab inuu wacdaro taariikhi ah Boxoffice-ka ka dhigo kani waa Blockbuster aan la hor istaagi karin!

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Sanju:

4 Responses to Sheekada filimka Sanju: Ranbir bilad walbo isaga iska leh sanadkan iyo fariin Sanjay lagu weyneeyay

  1. Qorane

    June 29, 2018 at 1:01 pm

    Lkn wxan aad uga xumahay in uu haysto waqti aan ku filnayn iyo fasax qaran oo uusan helin

  2. Ayaan muuse

    June 29, 2018 at 7:02 pm

    aad baan ugu hanbalyeynaya kooxda filkan RK guul baan urajeenaya

  3. Abdullahi Nor

    June 30, 2018 at 2:47 am

    Ascwr Sxb zakarie Abdi Manisha Kairola ( waa atariishadi jishay film ka Mera Mann ) Waxan maqlay hada kahor inuu Cancer ku dhacay ma iyadii baa mise waa mid kale waliba waxaan arkay sawiro ayadoo ildaran oo dhibaato ka muuqato balse waqti xaadirkan ma dhimatay ma nooshahay ma xaqiijin karo sxb mahadsanid?

    • Zakarie Abdi

      June 30, 2018 at 7:43 am

      Wey nooshaha Manisha waana atirishadii filimka Mann sidoo kalena Cancer ku dhacay balse hadda wey soo kabatay weyna shaqeesataa filimkan Sanju waxay ku matalee Ranbir hooyadiis.