Suldaanka Telugu ugu awooda badan Mahesh Babu wuu soo laabtay wuxuuna sanadkan 2020 ku af bilaawday filimkiisa Sarileru Neekevaru oo loogu tala galay feestada Sakranth inay taageerayaashiisa daawadaan waana filim fariin ahaan Action, arimaha siyaasada iyo shactiro dhameestiran leh.

Director: Anil Ravipudi

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 2-daqiiqo

Jilaayaasha filimkan: Mahesh Babu, Rashmika, Prakash Raj, Vijayashanthi

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Major Ajay (Mahesh) wuxuu ciidamada militariga Hindiya u hogaaminayaa hawl gal gudaha Kashmir ka dhacaayo oo caruur la afduubtay lagu soo bad baadinaayo waxaana hawl galkan wax yeelo halis oo uu markii dambe u geeriyoonaayo kusoo gaarayo mid ka mid ah ciidamada Major Ajay (Mahesh).

Major Ajay (Mahesh) wuxuu ogaanaa askarigii dagaalka ku dhintay in hooyadiis Professor Bharathi (Vijayashanthi) ay tahay siyaasi daacad ah oo labo caruurna korsaneyso garabna u baahan madaama uu marwalbo halis ku yahay siyaasiga musuq maasuqa badan ee halistiisa wato qof kale ma ahan waa Prakash Raj.

Haddaba filimkan qaybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa Ajay (Mahesh Babu) sida uu qoyskan garabka kaga baahan u caawin doono asigoo marwo Professor Bharathi (Vijayashanthi) ku garab istaagi doono hadafkeeda ah kursiga siyaasada inay ku fariisato masaakiintana wax u qabato.

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Jilaayaasha: Inaba caadi ma ahan Suldaan Mahesh Babu hogaaminta uu filimkan ka qaatay wuxuu kusoo bandhigay tamar badan filimkan dhanka xarakada, hadalada, Action-ka iyo xeeladaha uu adeegsanayo mararka qaar wuu shactireenayaa. Ruug cadaa Prakash Raj waxaa lagu tilmaamay cusbada filimkan weliba door xumaan saameyn adag leh ayuu qaatay. Atirishada ruug cadaaga ah ee 90-maadkii Koonfurta laga dambeyn jiray Vijayashanthi soo laabasho adag ay la imaaday weliba filimkan door heer sare ah ayaa laga siiyay. Dhinaca kale atirishada kowaad filimkan Rashmika saameyn badan kuma lahan mashruucaan inkastoo doorkeeda iska yara wanaagsan yahay. Sidoo kale dhamaan jilaayaasha kale ee doorarka caawiyaha ah filimkan ku leh sida Rao Ramesh, Sangeetha, Rajendra Prasad, Murali Sharma, Posani, Ajay, Subbaraju, Vennela Kishore iyagana kaalintooda ma xumo.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Sarileru Neekevaru:

Bandhiga Mahesh Babu, garabka uu siinayo Vijayashanthi, xifaaltanka uu Prakash Raj la galaayo waa heer sare.

Halka saac dambe oo si heer sare ah loo agaasimay.

Action-ka filimkan iyo fariinta ciidan ee lagu soo dhex daray waa heer sare.

Muxuu Ku Liitaa Filimkan:

Halka saac hore xoogaa habacsanaan ka muuqato.

Sheekadiisa oo aan ahayn wax cusub waa wax horey loo arki jiray.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Gunaanad: Sarileru Neekevaru waa filim uu Director Anil Ravipudi si heer sare ah u agaasimay asigoo niyada ku haayo taageerayaasha Suldaan Mahesh Babu waana hubanti inay ka heli doonaan sida filimkan fariintiisa loo dhigay sidaa darteed waa qasab ganacsi balaaran inuu sameeyo inkastoo uu loolan adag kala kulmi doono filimka Ala Vaikunthapurramuloo Stylish Star Allu Arjun hogaamiye ka yahay oo isagana maanta masraxa lasoo saaray waana qasab labadan filim ganacsi ahaan dhuunta inay is qaban doonaan inkastoo Mahesh hal maalin tiyaatarka ku hormaray madaama shalay oo Sabti ahaydn filimkiisa masraxa la saaray.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Sarileru Neekevaru ee Suldaan Mahesh Babu ku xarakeeyay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here