Sooraj Pancholi afar sano kadib wuxuu wiilkan la imaaday filimkiisa labaad oo lagu magacaabo Satellite Shankar kaasi oo haatan tiyaatarada saaran waxaana la xasuustaa in wiilkan sanadii 2015 kusoo caan baxay filimkii Hero ee doorkiisa la amaanay haddaba Sooraj soo laabashadiisa ma noqotay mid saameyn leh?

Jilaayaasha filimkan: Sooraj Pancholi, Palomi Ghosh, Pradeep Singh, Sanjay Gurbaxani, Megna Akaash iyo kuwo kale.

Director: Irfan Kamal

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 2-daqiiqo.

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Shankar (Sooraj Pancholi) waa wiil qalbi wanaagsan oo ciidamada Hindiya ee Kashmir ka hawl galo ka tirsan waxaa soo gaarayo dhaawac kadibna fasax ayaa la siinaa si uu hooyadiis usoo booqdo inta uu socdaalka kusoo jiro mudo 8-maalmood ah wuxuu la kulmaa dhacdooyin kala duwan asigoo qof walbo oo dhibaato heesato caawinaayo.

Shankar (Sooraj Pancholi) waxaa laga rabaa 8-maalmood gudaheeda inuu xerada ciidanka dib ugu soo laabto wuxuuna kasoo safraa Kashmir ilaa Tamil Nadu inta uu wada kusoo jiro wuxuu caawinaa gabar Meera (Palomi Ghosh) la dhaho kadib mid ka mid ka mid ah askarta la socoto qoyskiisa dhibaato soo gaartay ayuu ka xalinaa waxaa ka tagaayo tareenka tuugo ayuu la dagaalaa waxaana dhaqan u noqoneyso hadba meesha uu tago dadka inu ku caawiyo laakiin waqtiga wuu ku socdaa hadda sidee ugu suura gali doontaa inu hooyadiis waqti lasoo qaato, dadka caawiyo kadibna xerada ciidamada kusoo laabto mudo 8-maalmood gudaheeda ah.

Marwalbo oo uu Shankar ku daaho socdaalkiisa safarka wuxuu sii noqonaa geesi shacabka ka dhaxeeyo ama Hindiya oo dhan laga baranaayo waayo deegaan walbo uu socdaal kusoo maro dad ayuu ka caawinaa asigoo hadal xoogan balse sidee ugu suura gali doontaa inuu waqti la qaato gabadha kal kaalisada ah ee hooyadiis heyso Pramila (Megha Akash), kadib hooyadiis lasoo joogo dibna ugu soo laabto xerada ciidanka oo waqti ahaan laga rabo 8-maalmood fasaxa marka uu dhameesto 8:00 am inuu soo xaadiro.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimkan: Irfan Kamal sida uu filimkan u agaasimay waa mid aad u liidato lana fahmaayo marwalbo waxa xiga ee dhacaayo sidoo kalena sheekada mashruucan qaabka loo qoray ma ahan mid saameyn badan.

Bandhiga Jilaayaasha: Sooraj Pancholi juhdi badan ayuu galiyay doorkiisa bandhig ahaana aad ayuu u wacan yahay laakiin filim fariintiisa aad u liidato ayaa kusoo aaday wiilkan weli la daala dhacaayo sidii u fanka saameyn ugu yeelan lahaa mana ahan Satellite Shankar filim xidigan caawin doono. Megna Akaash doorkeeda kal kaalisada waa mid wanaagsan laakiin Palomi Ghosh ayaa ka saameyn badan oo muuqaal kooban ku leh filimkan saameynteeda la dareemay inta ay ku leedahay.

Qiimeynta Sheekada filimka Satellite Shankar: 2/5 (Labo xidig)

Gunaanad: Satellite Shankar waa filim fariin ahaan aad u liito waxaana loo daawan karaa Sooraj Pancholi doorkiisa wacan iyo sida uu shaashada saameyn ugu leeyahay balse nasiib daro daawadayaasha xiligan casriga ah waxay rabaan filim fariintiisa tayo ahaan sareyso sidaa awgeed mashruucan daadka ayaa qaadi doono!

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Satellite Shankar ee Sooraj Pancholi kusoo laabtay afar sano kadib balse nasiib daro fariintiisa aad u liidato sidoo kalena hadal heyn xoogana aan xambaarsaneyn:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here