Filimka Sction 375 wuu ka duwan yahay dhawaanahan aflaanta Bollywood-ka sameeyeen waa fariin ka hadleyso mowduuc xasaasi ah oo ku aadan tacdiyada dumarka loo geesto iyo sidoo kale kiisaska qaar inay ku jiri karaan kuwo been abuur ah oo magac laga raadinayo ama qof lagu magac dilaayo.

Jilaayaasha filimkan: Akshaye Khanna, Richa Chadha, Meera Chopra, Rahul Bhat

Director: Ajay Bahl

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 4-daqiiqo

Fariinta filimka Section 375 oo kooban: waa sheeko ka hadleyso filim sameeye lagu eedeeyay kiis kufsi ah. Anjali Dangle (Meera Chopra) waa gabbar yar oo shaqadeeda tahay inay qaabeyso ama naqashadeyso labiska jilaayaasha. Waxaa lagu wargalinaa inay aado guriga filim sameeye Rohan Khurana (Rahul Bhat) si ay usoo cabirto una ogaato labiska dharka uu u baahan yahay marka shaqada filim duubista socoto.

Marka ay gabadhan yar guriga filim sameeye Rohan Khurana (Rahul Bhat) tagto sidoo kale xaaskiis wey joogtaa wuxuuna xaaskiisa ku leeyahay kadibna wuxuu isku dayaa si xoog ku dheehan inuu Anjali u adeegsado uuna kufsado.

Anjali ayadoo dhiban gurigeeda ayay tageysaa waxayna waalidkeeda u sheegeysaa in la kufsaday oo weliba filim sameeye Rohan kufsi u geestay! Isla fiidkaas ama isla habeenkaas filim sameeye Rohan gacanta ayaa lagu soo dhigaa asigoo goobta filimkiisa joogo ku sugan xabsiga ayaana loo taxaabaa waxayna maxkamada ku xukumeysaa 10-sano oo xarig ah.

Filim sameeye Rohan xaaskiisa Kainaaz (Shriswara) waxay u tageysaa sidoo kalena garab weydiisaneysaa abuukaataha ku caan baxay kiiska fal dambiyeedka ah ee lagu magacaabo Tarun Saluja (Akshaye Khanna) waxayna weydiisanee kiiska seygeeda inuu dib u furo oo uu maxkamada sare Bombay dacwada ka bilaabo dibna loo dhageesto xukunkii seygeedii lagu riday.

Abuukaate Tarun Saluja (Akshaye Khanna) wuxuu baaritaan ku sameenaa qaabkii filim sameeye Rohan loo xukmiyay wuxuuna ogaa in cadaalada la garab maray sidaa darteed kiiskan in dib loo furo ayuu maxkamada sare ka codsanaa waana laga aqbalaa.

Abuukaate Tarun Saluja (Akshaye Khanna) kiiskan marka uu dib u furo waxaa ka hor imaaneyso gabadhii isaga horey ula shaqeyn jirtay waaya aragnimo badana ka kasbatay Hiral Gandhi (Richa Chadha) oo markaan difaaceyso gabadhii dhibanaha ahayd Anjali kuna doodeyso in filim sameey Rohan kiiskan kufsiga ah geestay xaqna u laheyn in dacwadiisa dib loo furo.

Haddaba marka kiiskan maxkamada sare dib u furto waxyaabo badan oo dadka ka qarsanaa ayaa banaanka usoo baxaayo waxaana la ogaanaa in kiiskan wax badan ku hoos duugan yihiin ayadoo gudaha maxkamada dood kulu ku dhex mari doonto labada abuukaate ee liddiga isku ah Tarun Saluja (Akshaye Khanna) iyo Hiral Gandhi (Richa Chadha).

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Section 375: Qoraa Manish Gupta sheeko xasaasi ah oo bulshada u baahneyd in lala wadaago ayuu banaanka soo dhigay waana fariin heer sare ah oo weliba arimo waaqici ah ka hadleyso laguna soo beegay xili dhawaanahan Hindiya muran xoogan ka jiray barnaamijka #MeTooMovement oo shaqsiyaad badan Bollywood-ka ka tirsan lagu fadeexeestay inay dumarka tacadi u geesteen.

Director Ajay Bahl qaabka uu sheekadiisa u dhigay waa mid wacan dhanka agaasinka sidoo kalena 120-ka daqiiqo filimkan soconaayo wuxuu ku amaan yahay hab adag inuu fariintiisa arimaha maxkamada iyo tacadiyada kufsiga uga hadlay.

Bandhiga Jilaayaasha: Akshaye Khanna cidna kuma gaari karto bandhiga shaashada markaana isaga ayaa furo u ah sheekada filimkan weliba wuxuu la yimid bandhig heer sare ah oo karti iyo masuuliyad ka muuqato waa niyad jab aad u weyn xirfadle door walbo sameyn karo in Bollywood-ka aysan ka faa’iideesaneyn! Waxaa cajiib ah haddalada uu adeegsanayo qaabka uu su’aalaha dadka u weydiinayo iyo fikir ahaan sida uu marwalbo kaga hor imaanayo Richa Chadha.

Richa Chadha doorkeeda waa heer sare weliba waxay ku amaan tahay sida ay marwalbo Akshaye Khanna ula xifaaltameyso aragti ahaan halka ay ka taagan tahay difaacada dumarka tacadiyada loo geesto.

Rahul Bhat oo doorka filim sameeyaha matalaayo isagana kaalintiisa ayuu qaatay qaybta hore ee filimkan wuuna ku amaan yahay doorkiisa. Laakiin Meera Chopra oo mataleyso doorka dhibanaha ah waxay ku leedahay filimkan saameyn xoogan gaar ahaan halka saac dambe marka kiiskan arimahiisa xasaasiga ah banaanka lasoo dhigo.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Section 375:

Maba loo maleeyo in filim la daawanayo qofkii daawado wuxuu isku maleenaa si dhab ah gudaha maxkamada inuu joogo oo uu kiis xasaasi ah ka war sugaayo halka uu ku dhamaanayo.

Inaba caadi ma ahan Akshaye Khanna doorkiisa waa mid uu ku mudan yahay in abaal marino kala duwan lagu siiyo.

Mowduuca looga hadlaayo filimkan oo xiligii loo baahnaa lagu soo aadiyay si difaac u helaan shaqsiyaadka caanka ah ee lagu eedeeyo inay tacadi dumarka u geesteen si qoto dheer kiisaskooda loo baaro ee hal mar aan la xukminin.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Section 375

Marka laga soo tago Akshaye Khanna sharaxaad lagaama siinayo noloshooda gaarka ah labada door kale ee filimkan muhiimka u ah Richa Chadha iyo Meera Chopra waxaa fiicneyd in noloshooda gaarka ah laga hadlo si loo ogaado dad wanaagsan iyo dad xun inay yihiin dhanka matalka filimkan qaabka sheekada loo dhigay.

Mararka qaar kiiska hal dhinac oo kaliya ayaa loo wadaa waxay ahayd in dooda dacwada isku dheeli tirnaato waxaad moodaa gudaha maxkamada inuu Akshaye Khanna ku saameyn badan yahay halka Richa Chadha marwalbo difaac ku jirto iyadana waa iin kale waxaa la rabay labada abuukaate hadba qof mar xaajada ku cuslaato.

Inkastoo Section 375 wax heeso ah laheyn haddana muusiga gadaal ka yeereyso waa mid saameyn culus leh.

Qiimeynta sheekada filimka Section 375: 4/5 (Afar xidig)

Gunaanad: Section 375 waa filim fariin waaqici ah oo adag xambaarsan sidoo kalena aan marnaba ka leexanin ujeedka loo sameeyay una dheer tahay bandhiga ay sameeyeen hogaamiyaasha filimkan waa hubaal dood xoogan inuu filimkan dhalin doono dhanka ganacsiga fagta hore saameyn lama imaan doono laakiin fariintiisa oo wanaagsan awgeed waa qasab in reer magaalka siweyn u daawan doonaan kana caawin doonto inuu guul lama filaan ah gaaro.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Section 375 oo ay isku heleen Akshaye Khanna iyo Richa Chadha aadna loo amaanayo fariintiisa xasaasiga ah:

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here