Filimka weyn Sye Raa ee Telugu ah ayaa tiyaatarada saaran waana mashruuc xiiso badan oo fariin wadaninimo oo qiiro badan xambaarsan.

Jilaayaasha: Chiranjeevi, Amitabh Bachchan, Ram Charan, Jagapathi Babu, Nayanthara, Kiccha Sudeep, Vijay Sethupathi, Tamannaah, Niharika

Director : Surender Reddy

Producers : Ram Charan

Fariinta filimka Sye Raa oo kooban: Narasimha Reddy (Chiranjeevi) waa maamule ciidan iyo mid maamul wuxuuna ka taliyaa deegaanka Renadu ee gobolka Andhra Pradesh wuxuuna kasoo hor jeedaa awooda Ingiriiska Hindiya ku heestaan mana rabo inuu canshuur bixiyo oo dalaga usoo go’o canshuur aysan xamili karin dul dhigaan.

Kadib markii ciidamada Ingiriiska awaamir adag iyo dhibaateyn joogto ah dadka deegaanka kusoo rogaan Narasimha Reddy (Chiranjeev) wuxuu bilaabaa inuu la dagaalamo gumeysiga Ingiriiska ah.

Haddaba kacdoonkii xooganaa ee Ingiriiska lagala hortagay 1846 ee uu hogaaminaayay Narasimha Reddy (Chiranjeev) saameynta uu yeeshay ayaa qeybaha loo daawan doonaa iyo sida ay garab u siin doonaan hogaamiyaasha deegaanada kale iyo Ingiriiska oo duulaankiisa sii laba jibaari doono.

Bandhiga Jilaayaasha: Inabada caadi ma ahan Mega Star Chiranjeevi bandhiga dhiiri galinta ka muuqato uu shaashada la yimid kani waa door daawadayaasha in ka badan ka yaabin doono.

Mega star Amitabh Bachchan isagana door muhiim ah ayuu filimkan ku leeyahay weliba ah inuu garab istaagayo Chiranjeevi.

Tamannah Bhatia door heer sare ah ayay filimkan ka qaadatay sidoo kalena Nayanthara doorkeeda ah inay marwada Chiranjeevi ku mataleyso isagana saameyntiisa ayuu wataa.

Jagapathi Babu, Sudeep iyo Vijay Sethupathi iyagana kaalintooda siweyn ayay u qaateen micno badan ayay muujineysaa in sedexdan atoore awooda badan filimkan doorar caawiye adag ka qaateen.

Muxuu ku wanaagsan yahay filimka Sye Raa:

Fariinta wadaninimo ee sida heerka sare ah loo dhigay.

Action-kiisa oo aan inaba caadi ahayn.

Muusigada oo heer sare ah iyo qaabka loo faaf reebay oo aad u wanaagsan.

Bandhiga jilaayaasha ii ah waxa ugu weyn filimkan kugu qasbi doono bilaaw ilaa dhamaad inaa daawatid.

Muxuu ku liitaa filimka Sye Raa:

Waxaa fiicneyd waqtigiisa in 25 daqiiqo laga yareeyo madaama 2-saac & 52 daqiiqo soconaayo.

Sidoo kalena hal saac hore ma saameyn badno.

Qiimeynta fariinta filimka Sye Raa: 3.5/5 (Sedex xidig).

Gunaanad: Sye Raa waa filim weyn oo taariikhi ah sidoo kalena Director Sunder Reddy si heer sare ah fariintan u agaasimay sidoo kalena hogaamiye Chiranjeevi markale awooda aan la gaari karin kusoo bandhigay.

Waa hubaal in Sye Raa wacdaro xoogan ka dhigi doono tiyaatarada wax caqabad ah kuma noqon doonto lacagaha 200 Crore kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen waa Hit la hubo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here