Hordhac:

Bollywoodka waxay mudooyinkan dambe sameynayeen Filimada taariikhda ah ee dagaalada iyo boqortooyinki hore ah ayagoo hab casri ah ka dhigayeen Filimada sida Manikarnika-The Queen of Jhansi iyo Panipat sheekooyinke ka hadlaayeen waa kuwa caan ah dadka badankoodana ka warqabeen.

Balse Kesari oo kale dadka badankooda kama warqabin dhacdo hore oo dhacday ahed hadaba waxaa liiskan soo galay Filimka tiyaatarada maanta la saaray ee Tanhaji -The Unsung Warrior kaaso ka hadlaayo geesi usoo halgamay Maharashtra waana taariikh dadka badankooda ka qarsoon aysana la socon waana fursada ugu weyn mashriican ku guuleysan karo hadaba Tanhaji daawadayaasha ma kasban doonaa waa suaasha taagan.?

Jilayaasha Filimka: Ajay Devgn, Saif Ali Khan, Kajol, Sharad Kelkar, Luke Kenny iyo kuwa kale.

Director: Om Raut

Fariinta Filimka oo kooban: sheekada filimka waxay ka hadle nolosha mid kamid ah halyeeydii geesiyaasha ahaa dalka India soo mareen waana doorka Ajay Devgn jilaayo hadaba waxay ku bilaawane sheekada sida tan sanadkii 1664 boqor Chhatrapati Shivaji Maharaj (Sharad Kelkar) ayaa dagaal la galaayo boqortooyada Mughals oo uu hogaaminaayo Aurangazeb (Luke Kenny).

Dagaalkan markuu mudo socdo boqorka reer Maharashtri ee Shivajo Maharaj waxuu go’aansana in la heshiyo kadib labada boqortooyo wey heshinayaan waliba heshiiska waxaa kujiro in shivaji Maharaj 23 qalcadood ku wareejiyo reer Mughals waana qalcado dhufeeys waa weyn ah sanado kadib Shivaji Maharaj waxuu ogaana inuu qalad galay maadama qalcadii muhiimka ahed gacantiisa ka baxday.

23ka qalcadood waxaa kujirta hal qalcad muhiim ah oo lagu magacaabp Kondhana waana qalcad ku taalo dhul banaan dhufeys weyna ah dagaal weyna ciidanka ku gali karaan hadaba boqorka ayaa go’aansanaayo inuu dib usoo ceshto qalcadaas balse waxuu ogaana in qalcadaas ilaaliye looga dhigay sargaalka militariga ah misane sheydaanka manaxa ah Udaybhan Rathod (Saif Ali Khan).

Shivaji Maharaj waxuu ku fikiraa inuu masuuliyadan ku wareejiyo geesiga aan dib ugurashada aqoonin 100 nina udhigma Tanhaji Malusare (Ajay Devgn) balse waxuu ogaana inuu ku mashquulsanyahay arooska wiilkiisa wuuna ka qarina qorshahan dagaalka ah laakiin Tanhaji (Ajay) ayaa ka warhelaayo qorshaha waxuuna ka codsana boqorka in howshan asiga loo diro.

Kadib boqorka Ajay ayuu hogaanka dagaalka udhiibaa iyo sidii qalcadaas lagusoo celin lahaa Tanhaji (Ajay) waxuu dhameestira howsha arooska wiilkiisa kadibna qorshaha dagaalka uu qaadi lahaa ayuu dajina qeybaha dambe waxaa loo daawan doonaa dagaalka adduunka ee dhexmari doono geesiga dagaal yahanka ah Tanhaji (Ajay Devgn) iyo sheydaanka manaxaha ah Rathod (Saif Ali Khan) yaa ku guuleysanaayo inee gacanta usoo gasho qalcadaas…

Maxaa laga yiri Tanhaji: Prakash Kapadia iyo Om Raut sheekada ay qoreen waa mid inaba aan caadi ahen daawasho ahaan, maqal ahaan iyo qoraal ahaanba waa lagu raaxeysan karaa ammaan ayeena mudanyihiin sheekadan taariikhiga ah sidee uqoreen hab casrina oga dhigeen sido kalena agaasinkooda ama Director nimada Om Raut waa heer sare sida uu isugu xiray mashruuca marka laga reebo bartanka Filimka oo xoogaa habacsanaan ka muuqata balse qeybaha dambe ayaa ku ilaawe.

Maxuu ku wanaagsan yahay Tanhaji: bandhiga jilayaasha oo heer sare ah, sida loo sameeyay waa cajiib, taariikh hore inuu yahay.

Maxuu ku liitaa Tanhaji: filimka kala barkiisa waliba qeybta labaad xoogaa habacsanaan ayaa ka muuqata muuqaalo qaarkiis inkastoo daawadayaasha ku hilmaami doonaan qeybaha dambe iyo dagaalka xiisaha leh, oraahda Filimka waa mid aan adkeyn.

Bandhiga jilayaasha: Ajay Devgn waxuu cadeeyay inuu yahay atoore qaab jiliin aan lagu reebi karin si hagar la’aan ayuuna u sameeyay mashruucan waana in loo sacab tumaa waa wax aan indhaha laga qabsan karin bandhiga layaabka leh ee Saif Ali Khan waad hilmaami doontaa Omkara (2006) oo Saif laadar ka ahaa dhuuntana u galaayey Ajay, bandhiga Tanhaji waa in Saif bilado lagu siiyaa taariikhda ayaana xusi doonto.

Kajol doorkeeda waa wanaagsan yahay iyo sida ay ujishay geesiga dagaalyahanka ah xaaskiisa waxaana ku xiiso galin doonaan sida ay seygeeda marwalba udhiira galindoonto jilayaasha inta kale mid walba doorarkooda bandhig ahaan waa heer sare.

Qiimeynta Sheekada Filimka Tanhaji: 4/5 ( 4 xidig ayuu ka helay 5 xidig filimada lagu qiimeeyo) waana sheeko heer sare ah.

Gunaanud: Tanhaji waa Filim taariikhi ah sheekadiisana wanaagsantahay ganacsi fiican inuu sameeyo ayaa lafilaa inkastoo tiyaatarada ay la saaranyihiin Darbar iyo Chhapaak nasiib wacan kooxda Tanhaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here