Hordhac:

In hal Filim la isugu keeno labo atoore caan ah awoodna kuleh fanka hindiya wey adagtahay waqtigaan la joogo balse shirkada Yash Raj Filims xeerka wey adagtahay ah waxba akteeda kama ahan marba hadee filim uwads dhiibtay labo atoore maanta kamid ah kuwa ugu caansan uguna awooda bada fanka hindiya oo kala ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Hadaba Filimka WAR oo ay hogaaminayaan xidigahan caanka ah awood ma u leeyahay sidii laga filaayey inuu noqdo mise fashil taariikhi ah ayuu la kulmi doonaa waxaan hoos ku falanqeyneno ayaa ah sheekadiisa iyo heerka laga sugaayo:

Jilayaasha Filimka: Hrithik Roshan, Tiger Shroff, Vaani Kapoor, Ashutosh Rana iyo kuwa kale oo badsn.

Waqtiga uu soconaayo: 2 saac iyo 34 daqiiqo.

Qiimeynta Xidigaha Sheekada Filimkaan helay: 4.5/5 (4 xidigo iyo bar ayuu ka helay 5 xidigood ee filimada lagu qiimeeyo).

Sheekada Filimka Oo Kooban:

Waa fariin ka hadleyso dagaal dhex maraayo labo nin oo ciidanka Militariga India katirsan misane si addag u tababbaran kuwaaso dagaal kii u weynaa dhexmaraayo qasaaraha ay geesanayaan iyo midka guuleysan doono waa waxa filimka loo daawanaayo.

Khalid (Tiger Shroff) waxaa aabo u ah Sargaal ciidanka militariga katirsan kaaso gacan-saar la yeelanaayo burcada iyo tuugada cadowga ku ah dalka India kadib waxaa sheekadan ka war heleyso Khalid hooyadiis (Soni Razdan) waxayna ogeysiine ciidanka militariga in ninkeeda dalka qiyaanay qorsho halis ahna soo wado kadib waxaa toogasho ku dilaayo sargaalkaas qiyaanoolaha noqday askari tababar cajiib ah leh oo lagu magacaabo Kabir (Hrithik Roshan).

Kabir (Hrithik Roshan) waa sargaal aad u ad-adag howl gal ayaa loo diraa waxaana lagu daraa Khalid (Tiger Shroff) si uu u caawiyo halkas ayee isku fahmayaan labadooda waliba Kabir waxuu ka helaa geesinimada iyo kartida Khalid leeyahay mudo 2 sano ah ayeena wada shaqeynayaan howl walbana wada qabanayaan.

2 sano kadib Kabir howl gal aad u weyn ayaa loo diraa si uu u dilo argagixisada dalka ugu waaweyn balse halkii uu ka dili lahaa Raggas waxuu kusoo jeedsana saraakiishii isaga madaxda u ahed kow waxuu ka bilaawa oo uu dilaa haB duqeyn ah taliyihiisa V K Naidu ( Mohit Chauhan) kadib dowlada waxay kiiskiisa ku wareejinee Khalid (Tiger Shroff) sii uu kaga taqluso Kabir (Hrithik Roshan) maadama uu madaxdii dowlada uu kusoo jeedsaday nolol iyo geeri midkood inuu ku keeno ayaana lagu amraa.

Arinka layaabka leh ayaa ah intii uu Khalid (Tiger) raadinaayo Kabir (Hrithik) inee mar wada kulmayaan waliba kulankaas Kabir ayaa ugu talo galay inuu dhaco waxuuna Kabir wacad kumaraa inuu dili doono Dr.Utpal Biswas (Arif Zakaria) waxuuna ku goodinaa in cidna qaban karin qofkii rabana uu dilaayo.

Balse Khalid (Tiger) ayaa asna wacad kumaraayo inuu bad baadin doono Dr. Utpal sido kalena uu dili doono isaga Kabir ah hadaba sheekada qeybaha dambe waxaa loo daawan doonaa Kabir (Hrithik) hadafkiisa ma gaari doona oo ma dili doonaa ninka uu balanka ku galay inuu dilo.

Sido kale Tiger asna balan ayuu qaaday inuu ninkaas bad baadiyo markaa yaa guuleysan doono labadooda waa waxa mashruucan loo daawan doono.

Maxaa Laga Yiri Sheekada Filimka: inaba caadi ma ahan habka loo duubay mashruucan si caalami ah ayaa loo habeeyay muuqaladiisana waa kuwa tayeysan balse qeybaha dambe filimka waxyaabo siyaado ah ayaa ka muuqdaan oo fiicned in laga jaro sida muuqaalka Hrithik iyo Tiger dagaalka dheer dhexmaraayo in la gaabiyo ayee ahed si xiiso u yeeshto maadama uu aad u dheeryahay.

Filimsameye Sidharth Anand fariinta si sahlan ayuu u sameeyay balse waxuu muujiyay inuu yahay Director awood u leh aflaamta noocaan oo kale ah inuu sameen karo.

4.5 xidigo ayuu helay mashruucan, fariintiisa oo wacan, bandhiga jilayaasha, sida loo duubau oo xiiso leh iyo qeybta hore oo waligeed laga sheeken doono ayuu ku qaatay xidigahaas.

Bandhiga Jilayaasha: inaba caadi ma ahan Hrithik Roshan sida uu filimkaan u jilay waxaad hilmaami doontaa Dhoom 2, Krrish iyo Bang Bang siduu u sameeyay looma maleeyo 45 jir ee 25 jir ayaa la mooda sida uu u fudud yahay iyo xaragadiisa waa wax sanado badan laga sheeken doono waana hogaamiyaha kowaad ee mashruucan xiisaha leh.

Tiger Shroff walee markale ayuu kuxiiso galin doonaa fudeedkiisa ficilada dagaalkiisa heer Hrithik uu ka yaabo ayee sheekada tagtay waxaana ka yiri HR fartaa taqaano qor buuraha uu ka boodi doono iyo siduu isku gadinaayo inaba caadi ma ahan waa atoore tamar badan sifiica oga baxsaday doorkiisa.

Atiriishada Vaani Kapoor doorkeeda maxuma inkastoo ay gadaal dambe filimka kasoo galeyso HR saaxiibtiisana ku jileyso hadana muuqaalkeeda qurxoon iyo Dance-geeda ayee kusoo jiidan doonta dadka.

Dhamaan jilayaasha kale mid walba door muhiim ayuu ku leeyahay filimka balse waqti kooban ah.

Maxuu ku wanaagsan yahay Filimkaan: Hrithik iyo Tiger dagaalka dhexmaraayo oo taariikhda baal dahabi ah ka galaayo, qeybta hore oo sifiican loo sameeyay, bandhiga jilayaasha oo heer sare ah iyo muuqaalada oo si heer sare ah loo diyaariyay.

Maxuu ku liitaa filimkaan xoogaa qeybaha dambe muuqaalada in la gaabiyo ayee ahed maadads dhirir badan yihiin sido kale oraahda filimkaan ma noqon doonto mid keyd gasho ama xusuus reebto.

Gunaanud: WAR waa filim dagaal ah madadaalo dhameestirana leh waxuuna si weyn ugu adag yahay tiyaatarada Single Screens-ka ah qiyaasta xili hore maalintiisa kowaad 50 crore ayuu keeni doonaa fadlan hoos ka daawo goos gooska mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here