Inaba caadi ma ahan sheekada taxanaha Hercai kaasoo si waali ah looga helay waliba wuxuu noqday taxanihii loogu iibsiga badnaa sanadkii hore ee 2019ka asigoona bandhigii Paris ka dhacay ay taxanahaan iibsadeen 50 dowladood oo daafaha caalamka ka tirsan.

Sidoo kale xalqada koowaad ee taxanahaan Hercai ayaana noqotay xalqadii loogu daawashada badnaa abid taxanayaasha Turkiga waxaana Youtubeka ilaa haatan ka daawatay in kabadan 25 Million oo qof mana aysan dhicin horay in taxane ay Youtubeka ka daawadaan tiro intaan la eg hal xalqo waana rikoor Hercai u gaar ah.

Hadaba arinta ugu weyn ee taxanahaan cirka galisay ayaa ah sheekada taxahaan oo siweyn looga helay waana sheeko soo jiidasho leh taasoo daawadaha ku qasbeyso inuu si joogto ula socdo isla markaasna ka dhar sugo dhamaadka qisadaan cajiibka leh iyo halka ay ku ekaan doonto.

Marnaba lama dafiri karo doorarka cajiibka leh iyo qaab jiliinka il qabadka leh ee ay soo bandhigeen jilayaasha taxanahaan inkastoo badankooda aysan shacbiyad weyn laheyn kahor taxanahaan hadana waxay si aan caadi aheyn u jileen taxanahaan ayagoona jilaa kasta uu doorkiisa si layaqaank uga soo baxay.

Hadaba akhristow hadaad la socoto taxanahaan sidee u aragtaa sheekadiisa??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here