Sheekadii Caruusadii Dilaaga Noqotay (Sheeko yaabkeeda leh) Qeybta 10aad

0
855

Maalinkaas galabteeda ayaana waxaa ii soo gashay mid kamid ah gabdhihii jaariyadaha ahaa ayadoona ii sheegtay iney soo heshay Haweeney dooneyso guriga, markaas ayaan u sheegay iney soo galiso.

Markii ay haweeneydii soo gashay oo ay indhaheyga qabteen ayaan yaabay waayo waan rumeysan waayay qofka ay indhaheyga qabtaan, horteyda ayay taagantahay, waa eedadeey Sanaa Khaliil ee aabahey la dhalatay.

Waan aamini waayay sidaas owgeed ayaana si fiican u fiiriyay, xaqiiq waa eedadey aabahey la dhalatay oo i hortaagan, inkastoo mudo aad u fog iigu dambeysay arageeda hadana horay ayaan ka aqoonsaday waayo eedadeey waxay u muuqatay midaanan wali is badalin markii waxyar laga reebo, sidii ayayna u qurux badneyd walina u dhalaaleysay.

Markaas ayay Kursi meesha yaalay inta ku fariisatay dhankeygana usoo jeesatay waxay igu tiri; “Imisa ayaad ku dooneysaa gurigaan inaad iiga iibsato?”

Anigoo wali shooksan misna aamini la’san eedadeey inaan arko ayaan waxaan ku dhahay; “Adiga ima taqaanid miyaa aniga?”

Eedadeey ayaana markaas iigu jawaabtay; “Adiga soo ma tihid gabadha gurigaan leh?” markii ay sidaas tiri ayaan Faraantigii qoyskeena ee aan sitay hordhigay waxaana ku dhahay; “Waa sax waa aniga gabadha gurigaan leh ee adiga ma garaneysaa gabadha faraantigaan leh?”

Eedadeey Sanaa markii ay faraantigii aragtay layaab ayuu ku noqday markaas bey waxay igu tiri; “Waan garanayaa, kani waa faraantigii gabadha uu dhalay walaalkey ee Leyla, adiga halkee ayaad faraantigaan ka keentay?”

Intaas markii ay i tiri ayaa hadana wajigeeda waxaa kasoo muuqday shook iyo indho taag, shaki weyn ayaa ku furmay iyo tashwiis waxayna u muuqatay qof aamini la’san inaan horteeda taagnahay.

Haa wey i aqoonsatay, markaas bey iyadoo yaaban misna shigshigeyso igu tiri; “Adi.. adiga Leylo miyaa? Waa Leylo soo ma ahan?”

Anigoo Farxad is celin la’san ayaana waxaan ugu jawaabay; “Haa eedo waa aniga Leyla”, kadibna dhankeeda inta u cararay ayaan ku booday anigoona hab siiyay, sidoo kalana eedadey wey isku key duubtay.

In cabaar ah markii aan sidii aheyn dhunkasho iyo habsiina ku jirnay, ilinta farxadana naga burqaneysay ayay eedadey inta isoo eegtay igu tiri; “Maxaa kugu dhacay gabadheyda? Mudadaan intaan la egna xagee ku maqneyd?”

Waxaan ugu jawaabay; “Shakraan musiibadii uu aabahey guursaday ayaa waxay isku dayday iney i disho, balse si mucjiso leh ayaan ku badbaaday, adiga xagee jirtay? Maxaana iisoo raadin weysay?”

Eedadeey oo ilmeynayso ayaana markaas igu tiri; “Xaqiiqdii aniga markii aan soo laabtay oo aan maqlay geeridii walaalkey Shakraan waxay ii sheegtay in walaalkey cudur u dhintay adigana aad guriga ka carartay meelna aysan kugu sheegin, balse aniga in mudo ah ayaan ku raadinayay ilaa markii dambe aan kaa quustay”.

Markaas baan eedadeey ku dhahay; “Aabaheyga cudur uma uusan dhiman ee sun ayaa lagu dilay arinkaasna Shakraan ayaa ka dambeysay”.

Eedo Sanaa ayaa markaas indhaheeda caro xoogan iyo ciil kasoo muuqdeen ayadoona igu tiri; “Xaqiiqdii aniga naagtaas maalintii walaalkey guursaday ayaan shaki ka qabay, markii ay ii sheegtay in walaalkey uu cudur u geeriyoodayna marnaba hadalkeeda ma aaminin tuhun weyn ayaana qabay balse waxaan waayay cadeyn aan ku sugo arinkaas”.

Inta dhabta eedadeey madaxda saartay ayaana ku dhahay; “Haatan labadeenaba waan oganahay xaqiiqda naagtaas, waxaana la gaaray xiligii aan cashar u dhigi laheyn oo rafaadkii ay noo geysatay ciqaabtiisa marsiin laheyn”. Eedadey oo madaxa ii salaaxeyso ayaana markaas iigu jawaabtay; “Haah ciqaabteeda wey mari doontaa”.

Intaas kadib waxaan bilaabay inaan Eedadeey Sanaa uga sheekeeyo dhammaan rafaadkii iyo musiibadii aan soo maray, sidii aan ku badbaaday, ninkii isoo koriyay, burcadii xooga igu iibsatay, noloshii adoonimada iyo wax walba oo aan soo maray ayaana uga sheekeeyay.

Eedadey ayaana markaas igu tiri; “Waxaas oo rafaad ah miyaad soo martay? Alla ciil badanaa, balse waa ilaah mahadiisa haatan waan isla joognaa wax walba wey hagaagi doonaan”.

Eedo ayaan markaas weydiiyay hadii ay xog ka heyso Shakraan, markaas ayay ii sheegtay in Shakraan ay safartay in mudo ahna maqneyd balse haatan ay soo laabatay ayadoona wiil ay dhashay u raadineyso gabar ay u guuriso.

Anigoonan fahmin ayaan markaas weydiiyay; “Wiilka ma cunugii yaraa ee uurkiisa aabo u laheydaa malaha wali ma uusan qaangaarin sidee gabar ugu raadineysaa mida kale asiga xaalkiisa maxaad xog kaheysaa?”

Eedeo ayaana markaas ii sheegtay in cunugii yaraa ee uurkiisa ay laheyd ay dhashay asigoo meyd ah, balse wiilkaan kale uu yahay midey dhashay kahor inta aysan aabahey guursan.

Waan aamini waayay hadalkaas waayo marnaba nooma aysan sheegin in ilmo horay usoo dhashay, markaas ayay eedo igu tiri; “Aniga xitaa waan aamini waayay balse waxaa cadaatay naagta iney khaa’inad weyn tahay”.

Eedo ayaana markaas weydiiyay haatan waxa aan sameyn doono iyo talaabada xigta ee aan qaadi doono? Markaas ayay ii sheegtay in marka hore aan gurigaan iska iibiyo, kadibna guri kale oo weyn Qaahira ka iibsado, wixii soo kordhana kawada fikiri doono.

Howshii iibinta ayaana ku guuleystay anigoona gabdhihii dhammaantoodii fasaxay kadib markaan lacagahoodii siiyay, waxaana bilaabay inaan guri ka raadsado Qaahira, midaasna waxaa iga caawiyay Kamaal, asigoona guri heer sare ah iisoo helay.

Markii aan guriga dagnay aniga iyo Kamaal, ayaa waxaa ii timid eedadeey ayadoona ii sheegtay in qorshe aan uga aargoosano Shakraan ay heyso, qorshihii ayayna bilowday iney ii sharaxdo ayadoona ii sheegtay in saacaan laga bilaabo magaceyga uu yahay Malik Bashtorki, qoyskeenana ay daganyihiin Turkiga halkaana u imid inaan waqti ku qaato.

La soco qeybta 11aad…

F.G. Sheekadaan markey dhamaato la soco mid kale oo ka xiiso badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here