Sheekadii Caruusadii Dilaaga noqotay (Sheeko yaabkeeda wadata) Qeybtii 6aad

0
825

Waa inaan jaceylkeyga u sheegtaa Daariq inta ay goori goor tahay waxa aan agtiisa ka dareemayana aan asiga u sheegtaa natiijadii kasoo baxana aan arko ayaan isku qanciyay maadaama aanan Yuulaanuus Natiijo fiican kala kulmin.

Waxaan raadiyay waqti munaasab ah kuna haboon inaan Daariq la kulmo, anigoona markii dambe arkay qeybta hoose ee guriga asigoo joogo waliba kaligiis ah, markaas ayaana dhankiisa talaabada u boobsiiyay.

Ilbiriqsiyadaas aan daariq dhankiisa u socday ma garanayo sida uu xaalkeyga ahaa waayo Jaceylka aan agtisa ka dareemaayay, cabsida i heysay iyo natiijada aan asiga kala kulmi doono ka fakarkeeda ayaa isugu key biirsantay sidaas owgeed anigoo aan dhago la qabto laheyn waxa aan sameynayana garaneynin ayaan sidaan u socday Daariq isku duubay halkiina Hab uusan iga fileynin ku siiyay.

Daariq ayaana markaas layaab ku noqotay habdhaqankeyga, wuxuuna bilaabay inuu iska key fujiyo misna iska key fogeeyo asigoona ileh; “Miyaad waalatay? Maxaad sameynsaa adiga?”

Markaas ayaan waxaan ugu jawaabay anigoo indhaheyga ilmada Jaceylka ka hoobaneyso; “Daariq aniga aan ku jeclahay si dhab ah ayaan kuu jeclahay”.

Sidii inuu hadalkayga fahmin oo kale inta uu iisoo eegay ayuu igu yiri; “Maxaad leedahay adiga? Maxaadse ku hadleysaa?” markaas ayaan ugu jawaabay; “Waan ku jeclahay aniga ee adiga ima jeclid miyaa?”

Daariq ayaana markaas wajigii ii kaduuday sidii inuu qashin ii arkay ama wax lagu labo laboodo asigoona i leh; “Ma anigaa adigaas ku jeclaanayo? Aniga Yuulaanuus ayaan jeclahay”.

Hadalkaas markii uu daariq afkiisa kasoo baxay iyo dareenka uu igu yaaayo ee wajigiisa ka muuqday oo is biirsaday markii aan arkay ayaan waxaan dareemay sidii qof 100 dharbaaxo wajiga looga dhuftay oo kale, qalbigeygana uu 100 qeyb u qeybsamay, waxaan dareemay murug xoogan iyo niyad jab aad u weyn.

Anigoo sidii u murugeysan ayaan dhowr talaabo dib usoo laabtay waxaana faristay darjiin meesha ku yaalay, waana aamini waayay sida liidato ee uu Daariq ii yasay, xitaa haduusan i jecleyn ugu yaraan jaceylkeyga inuu ixtiraamo ayay aheyd balse sidii nijaasta oo kale ayuu iila dhaqmay, waxaana niyadeyda marnaba ka go’i doonin qaabkii quursiga lahaa ee uu iisoo eegayay.

Waxaan bilaabay inaan ooyo, waxaana nafteyda ka tuuray haadaan markii aan isku qanciyay jaceyl uusan suurogal aheyn inuu hirgalo, ma aheyn jaceyl aniga la ii abuuray balse aniga si fudud ayaana ku rumeystay alla maxaan doqon ahaa.

Maseyrku wuxuu gubaa qalbiga.

Maseyrka wuxuu karkariyaa dhiiga.

Maseyrku wuxuu indho tiraa insaanka.

Maseyrku insaanka caadilka wuxuu ka dhigaa mid daalim ah.

Maseyrku Insaanka duli buu ka dhigaa.

Maseyrku insaanka ayuu laabta ka sumeeyaa.

Maseyrku Jaceylka ayuu siibaa cadaawadna wuu abuuraa.

Guud ahaan Maseyrka insaanka wuu burburiyaa.

Halkii aan fadhiyay ayaan ka kacay waxaana galay gurigii anigoona sariir meesha taalay isku tuuray si aan ugu yaraan isku ilowsiiyo murugta i heysto hurdana iiga timaado.

In cabaar ah markii aan halkii hurday ayaa markii dambe waxaa iga tumid hurdo aad moodid qarow iney tahay waxaana kusoo kacay codka Yuulaanuus oo i leh; “Kac balaayo ku qaadee”.

Indhaha ayaan kala furay waxaana arkay Yuulaanuus o horteyda taagan indhaheedana ay ka muuqdeen caro iyo xanaaq aanan waligey horay u arkin, ma aanan fahmin sababta ay waqtigaas iigu careysneyd iyo waxa sababay xanaaqaan faraha badan ee wajigeeda ka muuqdo, markaas ayaan inta soo fadhiistay waxaan ku dhahay; “Maxaa dhacay Yuulaanuus?”

Jawaabtii ay isiisay ayaa wax walba iiga darneyd kadib markii ay igu tiri; “Waxa dhacay inaad ogaatid miyaad dooneysaa waan kuu sheegayaa ee dhageyso, adiga waan ku iibinayaa aniga halkaana iima sii joogeysid”.

Intaas markii ay i tiri ayay dhankeyga inta soo aaday waxay iga jiiday timihii ayadoona sidoo kale dharka iga jiideysay sidii iney dooneyso guriga iney xoog iiga saarto, markaas baan anigoo naxsan misna yaaban ku dhahay; “Lkn maxaa dhacay oo aad ii iibineysaa maxaan kugu sameeyay?”

Ayadoo wali xanaaqii kasoo kamkamaayo ayayna markaas igu tiri; “Waxaad isku dayaysaa inaad aniga ninka aan jeclahay iga afduubato kadibna waxaaba i weydiineysaa miyaa sababta aan kuu iibinaayo?”

Uma aanan jawaabin waayo xaqiiqo ayay aheyd inaan Daariq jeclaa, mana ka been sheegi karin, Yuulaanuus ayaana markaas hadalkeeda ii raacisay; “Aniga waxaan doonayaa Jaariyad ii khidmeyso ee ma doonayo dhilo ninkaan jeclahay iga ugaarsata, haatana waxaad aadi doontaa halka aad muteysatay”.

Hadalkaas ay igu tiri Yuulaanuus wuxuu maalintaas i dareensiiyay in jaceylka uu yahay dambi waayo aniga waxkale oo aan sameeyay ma jiraan oonan ka aheyn inaan wiil jeclaaday balse haatan sharafkeygii ayaanba ku waayay wiilkii aan jeclaa yasmo ayuu iiga dhaqaaqay, gabadhii aan adoonta u ahaana waa tan sidaan ii bahdileysa, tabar iyo talana midna gacanta kuma haayo.

Waxaa xaqiiqo noqotay oraahda ah Maseyrka iyo xiqdiga saaxiibada waxay ka dhigaan kuwa cadow isku ah, sidoo kalana insaanka gabi ahaantiisaba wey badalaan.

Waxaan waqtigaas dareemay maseyr aad u xoogan xiqdi iyo ciil daran, inkastoo indhaheyga ilmo ka qubaneysay hadana qalbigeyga wuu holcayay, balse Yuulaanuus ilmadaas iga socoto marnaba uma aysan aabo yeelin oo gurigii ayay xoog iiga soo saartay ayadoo i jiideyso.

Sidii xoolo seylada loo wado oo kale ayaa waxay i keentay bartamaha magaalada Qaahira guri ku yaalay, markii aan gurigii soo hor istaagnay ayaana waxaan weydiiyay xagee dooneysaa inaad igeyso aniga?

Waxaanba ahaa insaan aan xoriyad heysan oo la iska wato, balse Yuulaanuus iima aysan jawaabin ee albaabkii guriga ayay garaacday waxaana naga furtay jaariyad xabashiyad aheyd, maraas ayay Yuulaanuus weydiisay hadii ugaasada guriga leh ay joogto? Jaariyadii ayaana markaas ku jawaabtay haa wey joogtaa ee soo gal fadlan.

Yuulaanuus ayaana markaas gurigii gashay ayadoona gacanta igu dhagan si xoogana ii jiideyso, guriga wuxuu ahaa mid aad u weyn sidaas owgeed waxaan ku dhex arkay dumar aad u fara badan iyo carafta Bakhuurka oo guriga aad uga soo carfeysay sidii in xalay gurigaan lagu aqal galay oo kale.

Yuulaanuus sidii ay ii waday ayayna markii dambe ila gashay qol kamid ah qolalkii guriga halkaasoo ay ku jirtay naag da’deeda sodomeeyo aheyd,horteeda ayayna igu tuurtay.

Naagtu waxay aheyd mid leh timo dhaadheer oo madow, indhaheeda waxay ahaayeen sidoo kale kuwa yar yar misna aad u madow, joogeedana aad ayuu u dheeraa, markii horteeda la igu tuuray ayayna dhankeyga soo kuurtay sidii iney la yaabantahay waxaan ahay iyo qofka aan ahayba.

Yuulaanuus ayaana markaas tiri; “Milsaa waxaan maqlay adiga inaad raadineysay jaariyad oo aad aad ugu baahneyd?”

Milsaa; “Yuulaanuus maanta waad soo dheeraatee dabeyl noocee baa halkaan kugu soo tuurtay?”

Yuulaanuus; “Iiga jaaab su’aasheyda ma u baahantahay jaariyad?”

Milsaa; “Dabcan haa Jaariyad cusub waanba raadinayay”.

Intaas markii ay tiri Milsaa ayay dhankeyga soo eegtay markaas bey Yuulaanuus ku tiri; “Ma midaan? Miyaadan heli karin jaariyad xabashiyad ah?”

Yuulaanuus; “Maya midaan baan kuu keenay ee ma iga iibsaneysaa haa ama maya?”

Milsaa; “Maxaad u iibineysaa jaariyaadaan waa gabar aad u qurux badane? Mise maseyr ayaad dhankeeda ka dareentay oo wey kaa maseyrsiisay?”

Yuulaanuus; “Taasi adiga kuma quseyso ee jaariyadaan ma iibsaneysaa mise maya?”

Mislaa; “Haa waan iibsanayaa”.

Waxbadan maba kasoo wareegan durba Yuulaanuus wey i iibisay sidii inaan waxba dhaamin koob khamri ah oo ay goobteeda ku iibiso, mana aanan moodeynin aniga inaan ilaa heerkaas rakhiis u ahay.

Yuulaanuus iyo Miilsaa markii ay heshiiyeen kahor inta aysan Yuulaanuus bixin ayaan waxaan ku dhahay; “Waa maxay halka aad i keentay oo aad iga iibisay?”

Inta ay si yasmo leh iisoo eegtay ayayna igu tiri; “Halkani waa guriga dhilooyinka jirkooda ka ganacsada isugu yimaadaan waana halka aad u qalanto inaad ku noolaato”.

Hadaladaas naxdinta leh inta igu tiri ayaynaiga dhaqaaqday xili anigana uu shook iyo yaab iga soo haray. Erayadaas kooban aniga waxay iiga dhignaayeen sidii n sakiimo dhabarka la iiga taagay ayadoona awal qalbiga kuwa hore iigaa taagnaayeen.

In aabahey la dilay hantideeniina la dhacay anigana wabiga la igu tuuray waxay aheyd xanuun daran oo isoo maray, in adeerkii Mansuur ee isoo koriyay la dilay anigana adoon la iga dhigay misna la i iibsado xanuun kale ayuu ahaa, in Jaceyleygii aan waayay yasmo iyo quursina kala kulmo dhaawac daran ayuu igu ahaa, balse in guriga dumarka loo hawoodo la iga iibiyo anigana halkaas hooy la iiga dhigo waxay igu noqotay arin aanan marnaba aqbali waayay.

Sharafkeygii ayaa meel looga dhacay, qiimo beel ayaana igu dhacay haatana waxaan noqon donaa maro yaroo wasakhda la isaga tiro markii larabana la tuuro. Yuulaanuus falkaas ay igu sameysay dhabarka ayay iiga toogatay xaqna uma lahan sidaan iney iila dhaqanto balse waa hubaal waan ka aarsan doonaa mana u deyn doono midaas.

Anigoo ciilkaas la kaambinaayo qol yar oo la i geeyayna mudo ku jiray, misna ka fakaraayo qaabkii aan Yuulaanuus uga aargoosan lahaa ayaa markii dambe waxaa iisoo gashay naagtii Milsaa aheyd waxayna i weydiisay magaceyga, markaas ayaan ugu jawaabay “Layla ayaa la i yiraahdaa”.

Milsaa ayaana markaas i weydiisay; “Maxay tahay sababta ay Yuulaanuus kuu iibisay ma habdhaqan xun ayaad sameysay?”

Markaas ayaan waxaan ugu jawaabay; “Maya balse masruufkeeda ayay ka fakareysaa malaha waxay cunto ayay weysay sidaas bey ii iibisay”.

Milsaa ayaana markaas iigu jawaabtay; “Xalaa kuli xaal aniga arinkaas muhiim iima ahan waxna igama galin marba hadaad hadal maqleyso waxa laguu dirana yeeleyso inta kale waa yeelkadeed”.

Intaas markii ay i tiri ayay hadana waxay ii raacisay; “i dhageyso waxaan kaa doonayaa inaan meel kuu dirsado, si aad iigu soo iibiso waxyaabaha aan u baahnahay, ee is diyaari”.

Markii ay sidaas i tiri ayaana waxay ii dhiibtay warqad ay ku qornaayeen waxyaabo badan oo adeeg ahaa misna la iga doonayay inaan soo iibiyo, waxayna u badnaayeen waxyaabaha daruuriga u ah guryahay ayadoona i leh; “Warqadaan qaad oo adeegaan iisoo iibi”.

Anigoo warqadii sida ayaana halkii kasoo baxay, si aan adeega usoo iibiyo balse intaan jidka kusoo jiray waxaa niyadeyda kusoo dhacay sidii foolxumada badneyd ee ay Yuulaanuus iyo Daariq iila dhaqmeen waxaana iskula hadlay waxaa la gaaray xiligii aad ka aarsan laheyd, markaas ayaan dhanka gurgii Yuulaanuus usoo dhaqaaqay anigoo aad u xanaaqsan.

La soco qeybta 7aad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here