Sheekadii Caruusadii Dilaaga noqotay (Sheeko yaabkeeda wadato) Qeybtii 5aad

0
923

Uma aanan sheegin inaan ahay Leylo Khaliil, markaas ayay ayadoo dhoola cadeynyso igu tiri; “Kusoo dhawoow Leyla nolosheyda”.

Yuulaanuus waxay aheyd mid guri weyn misna qasri la moodo ku leh bartamaha magaalada Qaahira, qeybta sare ee guriga waxay aheyd mid la daganyahay halka qeybta hoose ay aheyd meel habeenkii lagu caweeyo oo aan Kalaabyada waxba dhaamin.

Yuulaanuus waxay iga dhigatay jaariyad iyada u khaas ah, sababta ay iisoo iibsatayna waxay aheyd sidii aan uga caawin lahaa wax walba oo ay u baahato, guriga ayaan u hagaajin jiray, timaha ayaan u shanleyn jiray, waardiye ayaan u ahaan jiray, mararka qaarna waxaan ka caawin jiray qaab maamulka guriga.

Yuulaanuus sida ay u qurux badneyd si lamid ah ayuuna habdhaqankeeda u qurux badnaa, waligeed hadal qalafsan ima aysan dhihin, sidoo kalana ima aysan canaanan, waxayna iila dhaqmi jirtay si aad u wanaagsan.

Waxay laheyd khaanad aad u weyn taasoo ay dhar badan misna qurux badan uga buuxeen, balse aniga mar walba waxaa ii muuqan jiray faraantiga gacanteeda ku jiray, mar walba oo aan faraantigaas arkana waxaan soo xusuusan jiray nolosheydii hore iyo aniga xiligii aan qasrigeena ugaasada ka ahaa, jaariyadaha badana ii shaqeyn jireen balse maanta anigaa jaariyad ah, sidaas owgeed habeen walba kahor inta aanan seexan waan ooyn jiray, waxaana xusuusan jiray noloshii ay Shakraan iga xaday.

Maalintii aan arkay asiga waxay aheyd maalin iiga duwan maalmaha kale.

Maalintii aan arkay asiga waxaan dareemay dareen aanan waligey horay u dareemin.

Maalintii aan arkay asiga wadnahayga wuxuu u garaacmay si ka duwan caadadiisa.

Maalintii aan arkay asiga waxaan bartay micnaha erayga Jaceyl.

Daariq Qaabiil wuxuu ahaa mid kamid ah saraakiishii Mamaaliik, wuxuu marwalba imaan jiray guriga Yuulaanuus asigoona waqti badan ku qaadan jiray qeybta hoose ee lagu caweeyo.

Muuqaalkiisa xiliga uu saaranyahay Faraskiisa, labiskiisa muujinaayo heybada uu leeyahay, garkiisa quruxda badan iyo indhihiisa soo jiidashada leh, iyo jirkiisa xoogan dhammaantooda waxay ahaayeen kuwii aniga qalbiga iga xaday.

Waxaa caado u aheyd in maalmaha qaar uu guriga yimaado waqti badan joogo, waxayna aniga maalmahaas iiga dhignaayeen sidii maalmo ciid ah, balse maalinta uu maqanyahay waxaan dareemi jiray murug aad u xoogan, markaas ayaana ogaaday aniga inaan asiga jeclahay.

Maalin anigoo timaha u shanleynaayo ugaasadeyda Yuulaanuuso ayaan waxaan ku dhahay; Maanta hal arin makaa codsan karaa?

Markaas ayay iigu jawaabtay; “Haa ee muxuu yahay?”, waxaan ku dhahay; “Waxaan doonayaa inaan maanta meel soo booqdo”.

Yuulaanuus; “Waa xagee meesha aad dooneysid inaad soo booqatid?”

Leyla; “Guri aan hada kahor mar ka shaqeyn jiray hadaa taqaanid waa guriga reer Khaliil, balse aniga haatan halka uu ku yaalo ma garanaayo”. Sidaas ayaana ku dhahay anigoo xitaa aaminin hadalka afkeyga kasoo baxaayo.

Yuulaanuus ayaana markaa i tiri; “Horay ayaan u maqlay, balse haatan ma garanaayo halka uu ku yaalo”.

Hadalka ay i tiri niyad jab ayaan ka dareemay, balse hadana waxay ii raacisay; “Ma heysataa qof halka aad rabto ku geeyo misna jidka ku tuso?” markaas ayaan ugu jawaabay; “Maya”.

Yuulaanuus ayaa markaa xoogaa yar inta fikirtay waxay igu tiri; “Daariq, Qaabiil waa askari ka tirsan Mamaaliik, wuxuuna yaqaanaa dhammaan wadooyinka Qaahira gees ka gees asiga ayaana ku geynaayo”.

Hadalkaas markii ay i tiri aad ayaan u farxay aniga, markaas ayaan waxaan ku dhahay; “Makula tahay inuu ogolaanayo inuu gurigaas i geeyo?” inta ay dhoola cadeysay ayayna iigu jawaabtay; “Dabcan haa wuu ku geynayaa, waayo Daariq dalab aan aniga leeyahay igama diido”.

Markii waqtigii aan bixi lahaa la gaaray ayaan is diyaariyay, kadibna waxaa yimid Daariq xili anigana aan aad u faraxsanaa, Daariq wuxuu saarnaa Faraskiisa sidaas owgeed ayuu igu yiri; “Ila soo fuul Faraska”.

Maba sii istaagine horay ayaan faraskii kala fuulay anigoona macsalaameeyay Yuulaanuus oo ii dhoola cadeyneysay misna albaabka taagneyd, kadibna aniga iyo Daariq halkii ayaan kasoo baxnay.

Dunidaan waa sheey cajiib ah maalinba wax ayay ku tuseysaa maanta waxaan dib ugu laabanayaa gurigeenii aan Amiirada ka ahaa anigoo waliba Faraska la saaran geesigii aan jeclaa, inkastoo aan waqtigaas Jaariyad ahaa hadana farxada waxay aheyd mid si daran iiga tanbadatay.

In mudo ah ayaan jidka kusii jirnay anigoo waliba ku duceysanaayay in socodkaan uusan marnaba dhammaanin, balse waqtiga ayaaba sidii seefta isku jaray waxaana ka warhelay Daariq oo igu leh; “Waan soo gaarnay halkii aad u socotay”.

Hadalkaas uu igu yiri Daariq wuxuu iiga toosiyay mid kamid ah riyooyinkii ugu quruxda badnaa ee aan suureystay taasoo aheyd geesigaan jeclaan doono anigoo Faras la saaran inaan gurigeena dib ugu laabto, balse riyadaas uu iga kiciyay inkastoo wax aniga suureystay aheyd hadana mid waaqici ah ayuu i tusay kadib markii aan is arkay anigoo gurigeenii hor taagan.

Faraskii ayaan kasoo dagtay waxaana bilaabay inaan indhaha la raaco gurigii, wuxuuna iila muuqday guriga inuu yahay mid cidlo ah oo aanan in mudo ahba la daganeyn, ciid ayaa meelkasta buuxisay, dhirtii quruxda badneyd ee guriga ka bixi jirtayna waxaadba moodaa iney dhalaashay.

Anigoo sidii guriga indhaha ula raacayo ayaana waxaan arkay nin oday da’ ah oo guriga waardiyaynaayay, markaas ayaan weydiiyay Shakraan naagtii uu qabay aabahey, wuxuuna odaygii ii sheegay in sanado kahor ay Turkiga u safartay dib dambana usoo laabanin, kadib waxaan odaygii weydiiyay Eedadey aabahey la dhalaay ee Sanaa Khaliil, ayadana wuxuu ii sheegay in sidii ay Turkiga u aaday dib dambe u soo laabanin.

Haatan aniga waxaan hortaagnahay waa guri cidlo ah mudo sanooyina la dagin, anigana waxaan ahay jaariyad adoon ah oo aan xor aheyn, waxaan dareemay niyad jab weyn, sidaas owgeed goobtii maba kusii raagine Faraskii Daariq ayaan dib ugu soo laabtay anigoona u sheegay guriga inuu dib igu celiyo.

Mudadii aan jidka kusoo jirnay waxaan damcay inaan Daariq la hadlo una sheegto jaceylkaan ugubka ee laabteyda gubaayo waa intaasoo inta i qiimeeyo wax ila qabtaaye, balse waan awoodi waayay midaas, waan ku jeclahay inaan dhaho iskaba daayee xitaa waxaan awoodi waayay inaan hal eray xitaa ku dhaho asiga juuqna iraahdo.

Waxaan maqlay Daariq oo i leh “Waan ku jeclahay”, markaas ayuu caqligeyga rumeysan waayay waxa ay dhagaheyga maqlaan, balse anigoo farxad xoogan dareemaayo ayaan ugu jawaabay; “Anigana waan ku jeclahay”.

Jawaabtaas markii aan siiyay Daariq oo horteyda taagnaa ayaa markaas hab isiiyay asigoona isku key duubay, kadibna si naxariis leh ayuu dhabanka iiga dhunkaday, ilbiriqsiyadaas waxaan dareemay gariir farxadeed oo aanan waligey dareemin waxayna ii noqotay waqtigaas kii iigu farxada badnaa intii aan noolaa.

Anigoo riyadaas macaan isaga jira ayaan waxaan maqlay Yuulaanuus oo ileh “Leyla maxaad sameynaysaa? “ hadaan indhaha kala furayna waaa Yuulaanuus oo horteeda taagan markaas baan hareeraha eeg eegay Daariqna meesha waan ka waayay, anigoo xoogaa tashwiish igu furanyahay ayaana Yuulaanuus ugu jawaabay; “Waxba”.

Intaas kadib Yuulaanuus ayaa igu tiri; “Soo bax howl ayaad iga caawin laheyde” kadibna albaabka qolka oo furan ayay iga tagtay.

Wixii aan daqiiqado kahor arkay maxay ahaayeen? Maalin cad miyaan riyoonayaa mise qof waalan ayaan noqday? Waxaan dareemay jaceylka waqtigaas ihaayay inuu ka culusyahay wax walba oo aan soo maray.

Maalinba maalinta ka dambeyso waxaa igu sii kordhaayay jaceylka aan u qabay Daariq, balse waxaan maseyr xoogan dareemi jiray markii aan arko Yuulaanuus iyo Daariq oo si qurux badan u sheekeysanaayo mararka qaarna is taataaban jiray.

Waxaan dareemay labadooda inuu ka dhaxeeyo isu soo dhawaansho xoogan, waxayna arintaas qalbigeyga ka shiday dab aad moodid inuu yahay holac daran kaasoona u muuqdo inuusan waligiis dami doonin, waxaan dareemay in Yuulaanuus ay dooneyso iney iga xado Jaceylkeygii riyada sidii ay iiga xadayba faraantigii qoyskeena.

Waxaan bilaabay inaan fakaro, anigoona dib ugu laabanayo noloshii aan soo maray, horay wax walba waan usoo waayay qoyskeyga, aabahayga, hantideenii, nolosheydii, gurigeenii, Adeerkay Mansuur, maxaa ii dhiman haatan ma inaan waayaa jaceylkeygii riyada mise waa inaan dagaalamaa?

Waxaan is weydiiyay ilaa goormee aamusnaan doontaa wax walba oo aad leedahayna dadka kale iney kaa qaataan u ogolaan doontaa? Maya waa inaad dagaalantaa si aad u heshid waxa aad xaqqa u leedahay, markaas ayaan go’aansaday inaan Yuulaanuus toos u aaaro arinta Daariqna kala hadlo.

Markii aan u tagay ayaana waxaan ku iri; “Sabab Yuulaanuus?”

Dhankeyga ayay soo jaleecday ayadoona aragtay carada xoogan ee wajigeyga ka muuqato iyo su’aasha aan weydiiyay, markaas ayay igu tiri; “Maxaad kala jeedaa sabab?”

Waxaan ku iri; “Maxay tahay sababta aad Daariq iiga qaadatay adigoo waliba og inaan aniga asiga jeclahay?”

Hadalkaas markii ay maqashay ayay aad u yaabtay ayadoo waliba ku qososhay erayga Jaceyl markaas ayay igu tiri; “Daariq iyo adiga iyo Jaceyl? Miyaad waalatay adiga? Daariq aniga ayuu i jecelyahay hadii aan si kale kuugu dhigana aniga iyo asiga Jaceyl ayaa naga dhaxeeyo”.

Intaas markii ay tiri ayay inta xoogaa yar aamustay ayadoo wajigeeda xanaaq badan soo koray markaas ayay igu tiri; “Ha u maleynin inta yar ee aan naxariista kuu muujiyo adiga inaan labadeena saaxiibo nahay, haatana su’aal xumadaan iyo warkaan markale ha iila imaanin ee iga kor tag”.

Hadalkaas ee ay Yuulaanuus igu tiri murug xoogan ayaan ka qaaday waxaana dareemay niyad jab xoogan waayo kama fileynin iney sidaan iila dhaqmi doonto.

Waa inaan jaceylkeyga u sheegtaa Daariq inta ay goori goor tahay waxa aan agtiisa ka dareemayana aan asiga u sheegtaa natiijadii kasoo baxana aan arko ayaan isku qanciyay maadaama aanan Yuulaanuus Natiijo fiican kala kulmin.

Waxaan raadiyay waqti munaasab ah kuna haboon inaan Daariq la kulmo, anigoona markii dambe arkay qeybta hoose ee guriga asigoo joogo waliba kaligiis ah, markaas ayaana dhankiisa talaabada u boobsiiyay.

Ilbiriqsiyadaas aan daariq dhankiisa u socday ma garanayo sida uu xaalkeyga ahaa waayo Jaceylka aan agtisa ka dareemaayay, cabsida i heysay iyo natiijada aan asiga kala kulmi doono ka fakarkeeda ayaa isugu key biirsantay sidaas owgeed anigoo aan dhago la qabto laheyn waxa aan sameynayana garaneynin ayaan sidaan u socday Daariq isku duubay halkiina Hab uusan iga fileynin ku siiyay.

La soco qeybta 6aad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here