Sheekadii Caruusadii Dilaaga noqotay (Sheeko yaabkeeda wadato) qeybtii 8aad

0
898

Gabdhaha guriga wada joogo waxaa caado u aheyd aadna u jeclaayeen qubeysi wadareedka, kaasoo todobaadkii halmar ama labo mar loo aadi jiray goobaha barkadaha ah misna lagu qubeysto.

Gabdhaha arinkaas aad ayay u jeclaayeen sidaas owgeed markii lasoo hadal qaado ma jirin cid ka hari jirtay oo dhamaantooda ayaa aadi jireen.

Maalin maalmaha kamid ah ayay dhamaan gabdhihii qubeys aadeen waxayna gurigii nooga tageen aniga iyo Milsaa oo qura, Milsaa ayaana markaas ii yeertay ayadoo qolkeeda ku jirto waxayna igu tiri; “Ma ogtahay in gurigii Yuulaanuus uu gubtay?”

Su’aashaas markii ay i weydiisay ayaan markii hore naxay kadibna si aan la iiga dareemin inaan wax ogahay ayaan iska dhigay qof hadalkaas la yaaban oo hada maqlayo waxaana ku dhahay; “Maya ma maqlin goormee ayuu gubtay?”

Milsaa; “Maalintii aad halkaan usoo wareegatay maalmihii ku xigay ayaan maqlay inuu gubtay”.

Leyla; “Ma aanan maqlin warkaas balse sidee ayuu guriga u gubtay maxaana dhacay?”

Milsaa; “Dadka waxay leeyihiin shumac holcaayo ayaa wuxuu ku dhacay maqaasiinkii khamriga lagu keydin jiray sidaasna guriga ku gubtay gabi ahaantiisaba waxaana dabkaas kacay ku geeriyootay Milsaa iyo kii ay jecleyd magaciisaa muxuu ahaa?”

Leyla; “Daariq”.

Markii aan sidaas dhahay ayay Milsaa qaab shaki ku jiro iisoo eegtay markaas ayay hadana igu tiri; “Miyaad garaneysaa qofka uu ahaa?”

Leyla; “Haa waan aqaanaa waayo halkaas ayaan ka shaqeyn jiray”.

Milsaa; “Laakiin aniga warka laga sheegaayo gubashadaas iilama eko inuu yahay mid shil ah oo si kama ah ku dhacay”.

Intaa markii ay i tiri ayaan anigoo cabsi iyo shakiba dareemaayo waxaan ku dhahay; “Maxaa dhacay oo aad aragtay?”

Sariirteedii inta kasoo kacday ayay igu tiri; “Waxaan maqlay in la waayay Faraantigii qaaliga ahaa ee Yuulaanuus, sidoo kalana macquul waa ila noqon weysay in hal shumac u dabkaas dhan kiciyo, miyaysan Yuulaanuus awoodin in dabkaas damiso? Sideena ayada iyo Daariqba ugu geeriyoodeen? Aniga waxay ila tahay in qof si kasta u galay gurigooda kadibna maqaasiinka dab xoogan ka kiciyay guriga dhana gaarsiiyay kadibna Faraantiga Yuulaanuus qaatay ayada iyo kii ay jaceyldna halkaas uga tagay si ay u wada gubtaan, adiga sidee kula tahay?”

Hadalkaa markii ay tiri waan yaabay, waayo qaabka ay wax u sharaxday wuxuu ahaa qaabkii ay wax u dhaceen oo aan Yuulaanuus iyo Daariqba u dilay, waxaana is dhahay markii aad gurgiga gubeysay miyay goob joog aheyd oo ay ku arkeysay?

Anigoo argagax dareemaayi ayaana markaas ku dhahay; “Ma garanaayo aniga sidey wax u dhaceen mana ka hadli karo waxaanan ogeyn”.

Intaas kadib ayay si tartiib tartiib ah iigu soo dhawaatay ayadoona ileh; “Qofka dambigaan galay Yuulaanuus aqoon ayuu u leeyahay, sidoo kalana guriga ayuu aqoon sare u leeyahay, waxayna ila tahay inuu ka dambeeyo dabkaan qof horay halkaas uga soo shaqeeyay”.

Intaa markii ay tiri ayaan hadana ugu jawaabay anigoo garaaca wadnaheyga boqol maraayo; “Ma garanaayo waa kuma qofka horay gurigaas uga soo shaqeeyay misna sidaa sameyn karo?”

Milsaa ayaana markaas inta wajiga wajiga ii saartay si kalsooni ku dheehantahayna indhaheyga usoo eegtay igu tiri; “Waa adiga”.

Waqtigaas ayaan waxaan dareemay in sheekadeyda la ogaaday, xaaladna ay u muuqato in faraha ka baxdo, balse isma dhiibin oo waan is adkeeyay anigoona leh; “Anigaa? Maya aniga waxba ma sameynin waxa aad igu tuhmeysana bari baan ka ahay”.

Milsaa ayaana markaas bilowday iney igu soo socoto anigana aan talaabada dib u celinaayay, waxayna igu laheyd; “Ma jiro qof aan adiga aheyn oo sidaas sameeyay, waayo gubashadaan waxay dhacday isla maalintii aan adeega suuqa kaaga diray, taasina aniga shaki iigama jiro waana hubaa inaad adiga ka dambeyso, ee haatan waxaad ii sheegtaa sababta aad u dishay labadooda? Ma waxaad jecleyd Daariq oo Yuulaanuus ayaa kaa afduubatay sidaas owgeedna maseyr dartiis labadoodaba u dishay?”

Uma aanan jawaabin balse waxaan dareemayay in sheekadeyda soo dhamaatay haatan, Milsaa oo dhoola cadeyneyso ayaana markaas iu tiri; “Waxba ha walwalin aniga arintaan cidina uma sheegaayo”.

Intaas markii ay tiri ayay hadana inta markale dhoola cadeysay waxay igu tiri; “Marb waxa aan kaa doonayo hadii aad sameyso arinkaan cidina uma sheegaayo”.

Markaas ayaan weydiiyay waxa ay iga dooneyso, Milsaa ayaana markaas inta iisoo dhawaatay misna afka iga dhunkatay igu tiri waa tan mida aan kaa doonayo.

Subxaanallaah, anigoo xanaaq la karaayo ayaana markaas gadaal isaga riixay waxaana dareemay labo labo xoogan iyo qurun oo dhan, waan yaabay waana fahmi waayay waxa ay arinkaas kala jeedo markaas baan ku dhahay; “Adiga miyaad waalatay?”

Milsaa oo indhaheeda dareen shahwo ka muuqdaan ayaana markaas igu tiri; “Maya balse dumarka ayaan u hawoodaa, adiga ma ogid sida aan u necbahay inaan raga galmo la sameeyo gaar ahaan markii aan halkaan jaariyada ka ahaa, aad ayaan u necbaa balse cid i ogeyd ma jirin sidaas owgeed ayaana uga takhalusay naagtii gurigaan ka talin jirtay si aan xoriyadeyda u qaato waxaan doonayana u sameeyo”.

Intaas markii ay i tiri ayay inta sariir gashaadeyda taalay igu kala tuurtay ayay hadana waxay igu tiri; “Haatan oo aan awoodo inaan waxaan doono sameeyana waxaan rabaa jirkaagaan inaad ku raaxeysto, adigana waxay dani kuugu jirtaa inaadan hadalkeyga diidin”.

Waxaan aamini waayay waxa ay naagtaan ku hadleyso markaas ayaan isku dayay inaan iska riixo balse waxay igu tiri; “Waxba ha iska key caabinin ma waxaad dooneysaa inaad dhimasho ka doorbido waxa aan sameyneyno?”

Intaas kadib Milsaa ayaa isku dayday iney dharka iga jeexdo, balse Shiishad meesha taalay ayaan inta soo qabsaday dambaskii kululaa iyo dhimbilihii kor saarnaa wajiga uga shubay, xili dambaskiina uu indhaha ka galay wajigana ka gubatay, dhulka ayayna ku dhacday ayadoo ku qeylinaysay; “Saqajaanyahay hadaanan ku dilin”.

Anigana halkii ma aanan sii fadhinine waan kacay waxaana soo qabsaday mindi saarneyd miis meesha yaalay, waxaana xiligaas jirkeyga iyo dareenkeyga oo dhan saaqay naceyb iyo karaahiyo aan u qaaday Milsaa iyo falkeedii foosha xumaa ee ay dooneysay iney sameyso.

Anigoo mindidii sita ayaana waxaan u jiheystay dhankii Milsaa oo xiligaas isku dayaysay iney soo kacdo, kadibna mindidii ayaan dhabarkeeda ka galiyay, markii aan dhabarka ka galiyay ayay afka ubur dhiig ah ka keentay ayadoona jilbaha dhulka dhigatay.

Intaas uguma harine mindidii ayaan ka siibay hadana markale ayaan galiyay waxaana bilaabay anigoo ciil la guuxaayo inaan midnidii marna ka siibo marna galiyo, waxaana dhex galay xaalad aan dareenkeygii dhamaa waayay sidii inaan noqday lo’ weyraxday oo kale ama qof waashay, ilaa dhiigeedii uu wajigeyga iyo jirkeygaba qooyay.

Milsaa ayaana markaas dhulka ku dhacday sidii iney barkad dhiig ku dhacday oo kale waayo dhiigeedii baa dhulkii dhamaa qooyay.

Milsaa nolol kuma aysan gaarin dhulka sidaan mindida jirkeeda ugu waday darteed, markii ay dhimatay ayaan cabaar kor taagnaa waxaana ka fakarayay wixii aan sameyn lahaa iyo talaabadii aan qaadi lahaa.

In cabaar ah markii aan fakaray ayaan roogii dhulka yaalay meydkeedii ku duuduubay kadibna qolkii ayaan kasoo bixiyay waxaana keenay qubada guriga, bartankeeda ayaana waxaan ka qoday god anigoona halkaas ku duugay Milsaa iyo dhamaan dharkii dhiiga lahaa oo uu ku jiray midki aan aniga sitay.

Kahor inta aanan duugin Milsaa waxaan heystay labo talaabo oo aan qaadi karay mid waxay aheyd inaan goobta isaga cararo balse way ila noqon weysay talo macquul ah waayo ma jirto goob aan u cararo iyo wax aan magaalada kaligey ka qabtaba.

Mida labaadna waxay aheyd in ay igu soo dhacday hadalkii Milsaa igu tiri kahor inta aanan dilin kaasoo ahaa in ay ka takhalustay naagtii iyada madaxda u aheyd sidaasna xoriyadeeda ku qaadatay waxaana iskula hadlay adigaba waad qaban kartaa waana sameyn kartaa sidaas oo kale.

Fikradaas ayaana igu dhalatay kuna dhaqaaqay fulinteeda, waxaana duugay Meydkii Milsaa anigoona dhiigeeda iyo wax walba oo uu gaarayba meesha ka nadiifiyay, haatan Milsaa waa u dhamaatay waxaana wood u leeyahay inaan beenta aan doono sheego booskeediina buuxiyo.

Milsaa nafteeda sida ay ii sheegtayba wey is xoreysay oo been ayay aheyd naagtii ka horeysay ayaa ka dardaarantay waxayna u muuqataa in iyada diashay misna xukunkeedii la wareegtay anigana maxaa ii diidan sidaas oo kale inaan sameeyo?

Markii aan Milsaa so duugay dhiigeediina kasoo meyrtay ayaana waxaan hor istaagay muraayadii nafteyda ayaana fiiriyay waxaana aqoon waayay qofkaan cusub ee aniga iga soo dhex baxay?

Waa maxay awoodaan cusub ee aan dareemayo? Maxay aheyd ad adkaantaan iga muuqato? Maxayna tahay kalsoonidaan badan ee iga muuqato iyo cabsi la’aantaan? Waxay u muuqataa in waayahay aduunka isdaan iga dhigeen gabi ahaanteydaba i badaleen, haatan wax walba gadaal ayaan iska mariyay waxaana go’aansaday inaan noqdo qofka xiga ee gurigaan masuulka ka ah, yacni Milsaa cusub inaan noqdo.

Qolkii Milsaa u gaarka ahaa ayaan galay waxaan bilaabay inaan dharkeedii xirto, faraanytigeedii lagu yaqaanay, dahabkii iyo Luulkii ay xiran jirtay iyo dharkii xariirka ahaaba intiiba waan isku taagay.

Waxaan fariistay sariirtii ay caanka ku aheyd waxaana soo qaatay shiishadii anigoona shitay, waxaana markaas guda galay inaan sugo gabdhihii qasriga iyo inta ay kasoo laabanayaan si aan u iclaamiyo xornimeyda iyo haatan wixii ka dambeeyo inaan noqday qofka masuulka ka ah Gurigaan iyo iyagaba.

La soco qeybta 9aad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here