Sheekadii dhexmartay ninkii yahuudiga ahaa iyo munaafaqii iyo Garsoorkii Cumar Bin Khadaab.

1
851

Labo nin ayaa maalin is qabsatay.

Midi wuxuu ahaa yahuudi halka midka kalana Munaafaq ahaa.

Waxay u yimaadeen Nabiga SCW si uu ugu gar qaado.

Nabiga scw gartii wuxuu siiyay yahuudkii lkn Munaafaqii kuma raali noqon.

Waxay hadana u tageen Abuu Bakar balse Abuu Bakar ayaa isna gartii siiyay Yahuudigii si lamid ah markale Munaafaqii wuu diiday wuxuuna dalbaday in Cumar u tagaan.

Markey Cumar u yimaadeen ayuu yahuudigii yiri “Anaga waxaan u gar dhiganay Nabiga scw gartana aniguu i siiyay kadibna abii bakar asiga garta aniguu isiiyay lkn ninkaan wuxuu yiri Cumar ma ahee qof kale gartiisa kuma qancaayo sidaas ayaan kuugu imaanay”

Cumar ayaa markaas munaafaqii ku yiri ma sax baa ninkaan wuxuu sheegaayo??

Wuxuu munaafaqii ku jawaabay Haa.

Markaas ayuu Cumar yiri wax yar halkaan igu suga,

Cumar gurigii ayuu galay wuxuuna lasoo baxay Seeftiisa asigoona kurka ka gooyay Munaafaqii wuxuuna yiri “Sidaas ayaan ugu gar naqaa qofkii aan raali ku aheyn garta ilaahay iyo Rasuulkiisa SCW”

Xadiithkaan waxaa soo wariyay Ibnu Mardawiyah iyo ibnu abii Xaatim.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here