Jilaaga caanka ah Saif Ali Khan waxaa tiyaatarada usaaran Filimkiisa Jawaani Jaaneman kaaso uu kujilaayo aabe dhalay gabar 20 jir ah waana mashruuc hadal heyntiisa wata doorkiisana lagu amaanay xidigaan.

Mar uu xayeysiin u sameynaayey Filimkiisa waxaa la weydiiyay nolosha dhabta ahba inuu leeyahay caruur 20 jiryaal ah iyo sida uu waqti ula qaato caruurtiisa iyo sheekada dhexmarta waxuuna yiri isagoo ka sheekeynaaya arinkaa.

“Wax walbo ayaa caruurteyda kala sheekestaa sida arimaha diiniga, siyaasada, nolosha gaarka ah, fanka iyo aflaamta wax walbo waan kala sheekestaa xitaa waan la kaftamaa mararka qaar sida saaxiibkood oo kale.”

“Ibrahim waxaan kula kaftamaha gabdhaha uu shukaansado anigo ku dhiiro galiyo xiriirka wanaagsan, Sara iyada inta badan waxay wax iga weydiisa dhanka aflaamta waa atiriisho rabta wax badan ine ogaato.”

“Wiilkeyga ugu yar reerkaee Taimur xitaa waan dhageysta fikirkiisa oo fikir ayuu iiso bandhiga waxaana u qiimeya sida fikirada Sara iyo Ibrahim mid lamid ah waayo caruurta lama caburiyo sikasto u yaryihiin waxaa la dareensiya qiimaha ay aktaada ka joogaan sidaas ayaana wanaagsan anigana caruurteyda xor ayaa ka dhigay ma qasbo.”

Saif waxaa la weydiiyay inuj hader dareemo duqnimo maadama uu 50 sano kusii dhowyahay inkastoo uu yahay Khan-ka ugu yar marka seddexda Khans kale lala bar bardhigo oo isaga wuu ka da’yar yahay waxuuna yiri.

“Waqtigaan la joogo 20 jir ayaa is moodaa oo waxaan dareema inaan wax walbo qaban karo awood ahaan balse waqti waxaa imaan doono aan dareemi doono daciifnimo iyo inaa duqoway balse hada maya wali waan taaganahay waana is hubaa wax badana waan qaban karaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here