SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 1AAD

0
1060

Waxaa la sheegaa ALLE ayaase xaqiiqda
oge, inuu jiray waaa hore boqor oo kamid
ahaa boqoradii Reer Saasaan taasoo
dhacdo Galbeedka Hindiya iyo Sandi.
wuxuuna ahaa boqor leh awood ciidan iyo mid dhaqaaleba wuxuuna dhalay labo wiil,
oo kan weyn la dhihi jiray boqor shahri-yaar
kan yarna Boqor Shaah-Zamaan.

Waxaa dhacday in boqorkii weynaa uu
xanuunsaday xanuunkiisii geerida kadibna
isugu wacay labadiisii wiil ee Amiiradaha
ahaa wuxuuna usheegay in Boqortooyada u
kala qeybiyay ooo midba goonidiisa wax u
xukmin doono oo aysan isku xad gudbin.
Kadib markuu boqorkii weynaa dhintay
labadii wiil sidii ayay yeeleen midkasta
boqortooyadiisa ayuu maamushay, mudo
markii ay kasoo wareegatay oo aysan is
arkin ayaa waxaa dhacday in boqorkii
weynaa ee shahri-yaar u xiisay walaalkiisa
ka yar wuxuuna u qoray fariin uu ugu
sheegayo inuu uxiisay oo uu u imaado,
boqorkii yaraa wuu ka yeelay hadalka
walaalkiisa wuxuuna go,aansaday inuu safro.

Maalintii dambe ayuuu soo safray boqorkii
yaraa markuu mudo jidka kusoo jiray ayuu
wuxuu soo xusuustay inuu iska soo iloobay
hadiyad khaas aheyd oo uu ugu talo galay
walaalkiisa ka weyn, sidaas darteeda dib
ayuu usoo noqday wuxuuna qasrigiisii
kusoo noqday waqti habeen ah, markuu
qolkiisii soo galay ayuu wuxuu arkay arin
argagax leh aadna uga fajacisay, wuxuu
arkay xaaskiisii oo adoon sariirta la
saranyahay.

Boqor shaah-zamaan markuu arkay
arintaan ayuu aduunkii la madoobaaday
wuxuuna is yiri “hadiiba naagtaan falkaan
ku kacday adigoo aana wali baladka toos
uga bixin maxaa dhici lahaa hadii aad
maalmo sii maqnaan laheyd??”
markaas ayuu go,aansaday inuu
labadoodaba ka taqaluso asigoo kurka
kawada gooyay.

Kadib boqorkii asigoo murugeysan ayuu
iska soo baxay wuxuuna u yimid walaalkiisii
iyo boqortooyadii uu ka talinaayay, kadib
boqor shahri-yaar aad ayuu ugu farxay
imaatinka walaalkiisa kayar si fiican ayuuna usoo dhaweeyay lkn wuxuu dareemay in
walaalkiisa kayar faraxsaneen.
Markaas ayuu u qaatay inuu la murugeysan
yahay maadaama uu kasoo fogaaday
dhulkiisii iyo boqortooyadiisii.

Kadib boqorkii weynaa wuxuu sameeyay
wuxuu diyaariyay mowkib si ay ugaarsi iyo
tamashle u aadaan asigoo ugu dan lahaa in
walalkiisa kayar kaga farxiyo si uu murugta
u iloobo.

Maalintii la bixi rabay ayuu boqorkii yaraa ka
cudur daartay inuu baxo, kadib walaalkiisii
weynaa iyo kooxdiisii kaligood ayaa
ugaarsigii aadeen.

Boqorkii yaraa asigoo qolkiisii isaga jiro
aadna umurugeysan ayuu daaqada qolkiisa
oo xigtay dhinaca beerta qasriga shanqar
ka dareemay, markaas ayuu dhinacii soo
aaday muxuu arkay?

Wuxuu arkay arin ka yaabisay tii heysatayna
ka daran, waxaa beerta qasriga soo gashay
dumaashidiisa uu qabay boqorkii weynaa
oo adoon gacanta heysato iyo 20
jaariyadooda oo mid kasta adoon gacanta ku heysato halkii ayaana tumasho lagalay.

Markaas ayuu boqorkii yaraa ee shaah-
zamaan is yiri wallee dhib ku heystay waxaa
ka daran kan walaalkaaga maanta heysto,
wuxuuna go,aansaday inuu iska iloowo
murugtii heysatay caadina iska noqday.
Markuu soo labtay boqor shahri-yaar wuxuu
dareemay isbadalka ka muuqdo walalkiisa
boqor shaah-zamaan wuxuuna
go,aansaday inuu weydiiyo.

Markii dambe ayuu weydiiyay wuxuuna ku
yiri “walaalow halkaan markaad
imaaneysay waxaa kaa muuqatay murug
iyo tiiraanyo lkn hada caadi ayaad tahay,
ee waxaad ii sheegtaa waxa murugta kaa
kenay iyo waxa murugta kaa qaadayba?”
Wuxuu ku jawaabay boqorkii yara ” waan
kuu sheegayaa waxa murugta iga keenay
lkn kuuma sheegayo waxa murugta iga
qaaday”
Markaas ayuu boqorkii weynaa yiri
waayahaye bal iisheeg waxa murugta kuu
keenay, markaaas ayuu uga sheekeeyay
arintii uu kala kulmay xaaskiisa iyo adoonkii ay sariirta la saarneedba,
Markaas ayuu boqor shahri-yaar yiri illaa wa
illaa waa inaad ii sheegtaa waxa kurbadaas
saas uweyn kaa qaaday markuu ku
adkeeyey ayuu usheegay wixii beerta
qasriga ka dhacay.

Boqorkii weynaa wuu rumeysan waayay,
markaas ayaa walaalkiisa ka yaraa ku yiri
hadaad beenteyda umaleyneyso dadka
isugu wac oo ku dheh dalxiis iyo ugaarsi
ayan aadeynaa markii labaxana inta soo
dhuumato qolkeyga soo gal.
Boqor shahri-yaar sidii ayuu sameeyay
kadibna maxaa dhacay wuxuu arkay
xaaskiisii iyo adoonkii iyo wixii walaalkiisa uga sheekeeyay.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here