SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN. Qeybtii 2AAD

1
682

Sheekada waxay noo mareysay qeybtii
koowaad markii 2-dii Boqor arkeen waxa
beerta qasriga ka dhacaayo iyo hab-
dhaqanka foosha xun ee ay ku kaceen
Naagihii Qasriga oo ay ugu horeyso Naagtii
Boqor Shahri-yaar,
boqor shahri-yaar markuu arkay waxa
naagtiisa sameyneyso ayuu caqligii ka
duulay wuxuuna walaalkiisa kayar ku yiri ”
nawad walaalow aan meeshaan isaga
tagnee waxba ugama baahnin boqortooyo
ilaa aan kasoo aragno in adduunkaan ku
nool yihiin dad anaga nala mid ah ama naga
liitaan”
Markaas ayuu ka ogolaaday, kadibna
labadoodii si wadajir ayay ubaxeen ayagoo
qasriga qaab qarsoodi ah uga baxay.

Waxay safar ku jiraan Maalintii dambe ayay
Geed hoos fariisteen iyagoo daalan,
Geedku wuxuu u dhawaa bad yaro meesha
ku taalay iyagoo meeshii ku nasanaayo,
ayay badii halmar kacday, waxaana kasoo
baxay wax aad moodo tiir weyn kaasoo

cirka isku shareeray, markey arkeen
waxaaan ayay cabsi dareemeen, iyagoo
geedkii orod ku fuuleen waxayna sii
fiirinayeen waxaan bada kasoo baxaya
wuxuu yahay.

Mase waxa bada kasoo baxay Waa jinni
aad u weyn aadna u dheer, oo Feero weyn
wuxuuna madaxa ku xambaarsanyahay
sanduuq weyn.
jinigii sidii uu usoo socday wuxuu imaaday
Geedkii ay labadii Boqor saarnaayeen,
markaas ayuu Geedkii hoos fariistay
wuxuuna furay sanduuqii weynaa markaas
ayuu kasoo bixiyay sanduuq kale, wuu sii
furay markaas ayuu wuxuu kasoo bixiyay
gabar aad moodo xuurul-ceyntii janada
quruxdeeda aad yaabeyso sidii dayaxana u
ifeyso.

Markaas ayuu jinigii gabadhii ku yiri
“boqorodii xorta aheydey waa taan kusoo
afduubtay habeenkii aqal galkaadee
waxaan rabaa hada inaan xoogaa yar
seexdo” markaas ayuu dhabteed inta
madaxa saartay ku seexday.
Gabadhii iyadoo meelaha fiifiirineyso ayay waxay isheeda qabteen labadii boqor ee
Geedka saarnaa, markaas ayay madixii
jiniga inta dhabteeda ka qaaday dhulka
dhigtay, kadibna usoo jeesatay dhankii
labadii boqor ayay u ishaartay iney soo
dagtaan.

Markaas ayay dhaheen jinigaan Cifriitka ah
ayaan ka baqeynaa, markaas ayay ku tiri
soo dagta hadeydnaan soo daganini
Cifriitka ayaan soo kicinaa.
Markaas ayay cabsadeen weyna soo
dagteen, markey soo dagteen ayay ku tiri
labadiina waxaan idinka rabaa inad ila
tumataan oo ila raaxeysataan, balse wey
ka diideen hase yeeshee waxay ugu
hanjabtay in jiniga soo kicin doonto oo uu si
xun udili doono.

Markaas ayay waxay rabtay usameeyeen,
markey howshii dhameeyeen ayay waxay
jeebkeeda kasoo bixisay kolay yar waxaan
ku jiray in kabadan 570 Faraanti, markaas
ayay ku tiri ” ma garaneysaan waxay yihiin
faraantiyaashaan??”
waxay dhaheen: “maya ma garaneyno”
Markaas ayay ku tiri ” jinigaan aad ujeedaan
wuxuu isoo afduubtay habeenkii aqal-
galkeyga wuxuuna igu xiray sanduuqaan
asigoo kusii xiray 7quful wuxuuna igu riday
Badda moolkeeda si uu iiga ilaaliyo wax nin
ah, sidaas oo ay tahayna waxaan la tuntay
dhamaan nimankii faraantiyaashaan leh,
ee idiinkana isiiya faraantiyadiina”

labadii boqor markey hadalkaas maqleen
aad ayay u yaabeen waxayna isku dhaheen
” hadiiba cifriitkaan saan u weyn oo
gabadhaan saan u ilaalinaayo ku dhaceen
wixii anaga nagu dhacay wax kadaran waa
arin cajiib ah iyo qaadan waa”
markaas ayay labadoodii oo yaaban dag-
dag meeshii uga soo tageen waxayna
kusoo laabteen boqortooyadii.

Boqor shahri-yaar oo aad uxanaaqsan ayaa
yimid qasrigiisa wuxuuna amar ku bixiyay
in lasoo qabto naagtiisa jaariyadihii iyo
adoomadii la tuntayba waana lasoo qabtay
iyadoo dhamaantooda kurka lagawada
gooyay.

Intaas kuma ekaanine boqor shahri-yaar
wuxuu amar ku biyay in habeen kasta gabar cusub loosoo guuriyo subaxiina kurka laga
gooyo.

Wixii sidaas xaalku ahaadaba mudo sadax
sano kadib waxaa la waayay wax gabar, oo
gabdhihii waxay isku badaleen wax la dilay
iyo wax cararay.
Wasiirkii uqaabilsanaa Boqorka dhanka
Guurka maalintaas markuu soo waayay wax
gabar ah oo uu u dhiso ayuu gurigiisa
yimaaday asigoo aad umurugeysan.

Wasiirkaas wuxuu dhalay labo gabdhood
oo aad u qurux badan mida weyn waxaa la
dhihi jiray shaharzaad mida yarna
dunyaazaad, mida weyna ee shaharzaad
waxay aheyd gabar mutacalimad ah oo
waxbadan ka taqaano kutubta taariikhda
iyo sheekooyinkii boqoradii hore iyo
wararkii umadihii hore.
Waxaana la sheegay in gabadhaas
shaharzaad ah ay baratay in kabadan 1000
kitaab oo ku saabsan taariikhdii iyo
sheekooyinkii hore.

Shaharzaad waxay aheyd gabar aad u caqli
badan waxayna aragtay aabaheeda oo wajigiisa murug ka muuqato, waxayna ku
dhahday ” Aabow maxaa kugu dhacay oo
aad sidaan dhan ugu murugeysantahay?”
Markaas ayuu wasiirkii gabadhii usheegay
sidey wax ujiraan wuxuuna yiri waxaa la iga
rabaa inaan caawo boqorka gabar usoo
dhiso hadaaan usoo dhisi waayana kurka
ayaa la iga gooynayaa”
Markaas ayay Shaharzaad aabaheeda ku
dhahday” Aabow aniga ii guuri labo mid
ayay noqoneysaa in la idilo ama inaan
madax furasho u noqdo gabdho badan oo
Muslimiin ah oo halaagsami lahaayeen”
markaas ayuu waziirkii yiri ” waan kuu
cabsanayaa ee naftaada halis ha galinin”
Markaas ayay tiri “waan ku qasbanahay
midaas oo waa laga maarmaan ee ii guuri”
Markaas ayuu wuxuu yiri “waxaan kaaga
cabsanayaa iney kugu dhacaan wixii ku
dhacay Dibigii iyo dameerkii uu ninkii
beeraleyda lahaa”
markaas ayay tiri oo maxaa ku dhacay aabow??

La soco qeybta 3aad.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here