SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN; Qeybtii 45aad Sheekadii boqor Qamar Zamaan iyo aabihiis boqor Shahrimaan.

2
1254

Shaharzaad oo boqorkii sheekadii todobadii safar ee Sindibaad u dhameystirtay ayaa habeenkii xigtay u bilowday sheekadii Boqor Qamar Zamaan iyo aabihiis Boqor Shaharmaan waxayna tiri; waxaa isoo gaartay boqorow inuu waqti aad u fog uu jiray boqor lagu magacaabi jiray Shaharmaan, wuxuuna ahaa boqor ciidan aad u xoog badan lahaa wuxuu kaloo lahaa boqortooyo aad u xoog badan misna laga dambeyn jiray balse waxaa dhacday in boqorkii uu duqoobay.

Ha duqoobo ma xumee arinta jirtay ayaa waxay tahay inuusan boqor Shaharmaan uusan dhalin wax wiil ah oo uu xukunka ku wareejiyo, wuxuuna boqorkii bilaabay inuu maalinkasta arinkaas ka fakaro maadaama da’da kadaba imaatay cid uu xukunka ku wareejiyana aysan jirin wuxuu bilaabay inuu fikir dheer galo.

Maalintii dambey ayuu isugu wacay waziiradiisa iyo saraakiisha dowladiisa si arinkaas bal ugala taliyaan wuxuuna ku yiri; aniga waxaan ka baqi hadii aan dhinto in boqortooyada dayacmato maadaama dadka qof reer boqortooyo uun u hogaansamayaan anigana aanan dhalin wiil xukunka igala wareego ee bal ila taliya.

Wasiirkiisa koowaad ayaa markaas ku yiri; boqorow naxariista Alle marnaba lagama quusto ee Alle talo saaro kadibna inta weyso qaadatid misna labo rakaco tukatid Alle bari oo xaaskaaga u tag waxaa laga yaabaa in Allaah ducadaada aqbalee.

Markaas ayuu boqorkii sidii sameeyay nasiib wanaag toogtaan ducadiisii waa laga aqbalay waxayna xaaskiisa yeelatay uur bilooyin kadibna waxay u dhashay wiil sida dayaxa u ifaayo markaas ayuu Dayaxa ugu magac daray asigoona u bixiyay Qamar Zamaan.

Boqorka wuxuu ahaa mid aad ugu faraxsan inuu u dhashay wiil wuxuuna bilaabay in uu sameeyo munaasabad mudo 7 maalmood socotay ayadoona dadka magaalada oo dhan la casuumay si ay uga soo qeyb galaan farxada boqorka.

Waxaa dhacday in wiilkii yaraa si dhaqso leh ku koro waxaana loo sameeyay khaadimiin badan oo wax walba uu doono u sameeyaan waxaa la baray cilmi nooc kasta waxaa kaloo la baray fardo fuulka dagaalka iwm ilaa uu kasoo gaaray da’da 17 sano asigoona noqday wiil aad u qurux badan dabeecad iyo hufnaanan usii dheertahay.

Boqor Shahrimaan wuxuu ahaa mid aad iyo aad u jecel wiilkiisa sidaas darteed habeen iyo maalinba indhihiisa kama dheeraan jirin wuxuuna la socon jiray waxkasta oo uu sameynaayo asigoona ilaalo badan ka haayo maadaama uu aad ugu cabsoonaayay in dhibaato yar xitaa Allaha ka dhigee ay soo gaarto.

Maalintii dambe ayaa waxaa dhacday in boqorkii u yeeray wasiirkiisa wuxuuna kala tashtay inuu wiilkiisa inta uu noolyahay u guuriyo misna usoo dhiso gabar aad iyo aad u bilicsan una qurux badan, wasiirkiina arintii wuu ku waafaqay markaas ayuu boqorkii u yeeray wiilkiisii Qamar Zamaan si gooni ahna ula hadlay wuxuuna u ku yiri; wiilkeygow waad ogtahay sidaan kuu jeclahay kuuna daryeelo adigana maanta waad weynaatay waxaadna noqotay nin dhameystiran misna qoys sameysan karo sidaas darteed waxaan jeclaaday inaan kuu guurino ee sided u aragtaa?

Qamar Zamaan oo aad uga xishoonayo aabihiis sidoo kalana aanan la dhacsaneen fikrada guurka ayaa aabihiis ugu jawaabay; aabow waxaad ogaataa aniga inaan wax guur ah diyaar u aheyn waxaana ugu wacan dhagarta dumarka aad u daran mana daneynaayo inaan guursado waayo waxaan akhristay buugaag badan iyo gabayo badan oo ka hadlayaan dumarka iyo sidey u dhagar badanyihiin sidaas owgeed waligey ma guursan doono wax naag ah ee adigana ha iga codsan guur”.

Markii uu boqor Shaharmaan hadalka wiilkiisa maqlay wuxuu dareemay murug aad iyo aad u xoogan waayo ma dooneynin inuu wiilkiisa wuxuusan rabin ku qasbo oo aad ayuu u jeclaa sidoo kalana ma uusan dooneynin in wiilkiisa guur la’aan ahaado.

Markaas ayay Shaharzaad dareentay in subaxii la gaaray waxayna ka aamustay hadalkii u banaanaa.

Habeenkii xigay markii la gaaray ayay waxay tiri; boqorow waxaa isoo gaartay in boqor Shaharmaan markuu maqlay jawaabta wiilkiisa iyo in uu gabi ahaanba naag guursan doonin, iftiinkii wajigiisa ka baxaayay oo dhan mugdi ayuu isku badalay, farxadiisana murug ayay isku badashay, maadaama uu wiilkiisa aad u jeclaa waligiisna uusan codsi ka diidin sidaas darteed wuxuu ku qasbanaaday inuu tix galiyo codsiga wiilkiisa.

Boqor Shaharmaan halkii ayuu kasii waday muxibadii iyo jaceylkii uu wiilkiisa u qabay iyo koolkoolintiiba wuxuuna wiilkii halkiisii kasii watay aqoontiisii iyo waxbarashadiisii ilaa ay kasoo wareegatay mudo sanad ah misna wiilkii uu sii weynaaday markaas ayuu boqorkii markale u wacay wiilkiisa.

Boqor Shaharmaan ayaa u wacay wiilkiisa Qamar Zamaan wuxuuna ku yiri; “wiilkeygow miyaadan marnaba hadalkeyga maqleynin?”

Qamar Zamaan ayaa markaas ku jawaabay; “sidee ayaanan hadalkaaga u maqli kareynin ayadoo Allaah igu waajib yeelay inaan ku adeeco misna hadalkaaga maqlo oo aanan marnaba ku khilaafin?”:

Boqorkii ayaa markaas yiri; “hadaba wiilkeygow aniga waxaan rabaa inaan kuu guuriyo intaan noolahay kadibna boqortooyada kugu wareejiyo oo aad khaliifkeyga noqoto”.

Markii uu Qamar Zamaan markale maqlay sheekada guurka ayuu madaxa hoos aadiyay wuxuuna aabihiis ku yiri; “aabow tani waa wax aanan waligey sameyn doonin horaan kuugu sheegay inaan waligey guursan doonin ee aabow Allaan kugu dhaariyee ha igu kalifin waxaan sameyn Karin waan ogahay in daacadaada igu waajibtay balse tani iga dhaaf oo ha igu kalifin ogowna inaan guursan doonin intaan noolahay waayo waxaan akhristay buugaagtii ay dadkii hore iyo dadkii dambaba qoreen kuwaasoo ay uga hadlayeen musiibooyinkii iyo aafooyinkii ay la kulmeen ragii taasoo ay kala kulmeen dumarkaa iyo dhagartooda aan dhamaadka laheyn waana dad aan marnaba la isku haleyn Karin sidaas darteed waligey naag ma guursan doono”.

Boqor Shaharmaan markuu hadalka wiilkiisa maqlay wax jawaab ma uusan siinin wuuna isaga aamusay, asagoona fikir dheer galay kadibna goobtii inta isaga kacay ayuu wasiirkiisii u yeertay si uu ula tashto.

Boqorkii ayaa markaas wasiirkiisa ku yiri; “ila tali oo ii sheeg sida aan ka yeelo xaalada taagan iyo diidmada wiilkeyga Qamar Zamaan? Waayo aniga 2 mar ayaan kala hadlay arinka guurka labada marba wuu iga diiday asoon horay waligiis war iiga diidin ee bal ila tali maxaan sameeyaa iyo sida ay adiga kula tahayna ii sheeg”

Wasiirkii ayaa markaas yiril “boqorow hadii aad markale rabtid inaad arin guur kala hadashid wiilkaaga si gooni ah ha ula hadlin sidii aad labadii mar ee horaba yeeshay balse waxaad sameysaa isugu yeer dhamaan amiirada boqortooyada wasiiradeeda, saraakiisheeda iyo dhamaan ciidankeeda kadib markaad dhamaantooda kulmisid u yeer wiilkaaga Qamar Zamaan oo iyadoo dadkoo dhan joogaan misna lawada dhanyahay ka dalbo in aad u guuriso markaas kaama diidi doono waayo ma doonaayo asiga inuu dadkaas oo dhami hortooda kugu khilaafo xishoodkiisa ayaana u ogolaaneynin inuu hortooda amarkaada ku diido”.

Boqor Shaharmaan markii uu maqlay hadalka wasiirkiisa ayuu aad u farxay asigoona taladiisa madaxa u ruxay kuna raacay fikradiisa balse waxay isku waafaqeen inaan dhawaan loo bandhigin arinkaas ilaa uu 20 sano ka gaarayo misna aqoontiisa dhameystirmeyso.

Boqorkii wuxuu sabraba waxaa la gaaray waqtigii ay ku balameen asiga iyo wasiirkiisa wiilkiina uu 20 jirsaday misna noqday wiil aad u qurux badan heybad iyo cilmina isku darsaday, wuxuuna boqorkii sameeyay inuu isugu yeero dhamaan amiiradii boqortooyada, saraakiisheeda iyo ciidankeedaba sidoo kalana ay xaadir yihiin wasiiradii iyo dadweynihiiba wuxuuna sameeyay kulan loo wada dhanyahay.

Shaharyaar markii ay halkaas mareyso ayay ogaatay in lagaaray subaxii waxayna ka aamustay hadalkii u banaanaa.

Habeenkii xigay markii la gaaray ayay walaasheed Dunyaa Zaad tiri abaayoy inoo dhameystir sheekada, markaas ayay shahar Zaad tiri hadii boqorka ii fasaxo waan dhameystiri.

Boqor shahriyaar oo aad ula tacajabsan sheekooyinkaan layaabka leh ee shaharyaar ka sheekeyneyso sidii balwada camalana u qabatimay ayaa yiri bal dhameystir aan ogaanee halkii ay ku dhamaatay.

Shahar zaad ayaa markaas tiri; waxaa isoo gaartay boqorow in markii boqor Shaharmaan uu kulmiyay dhamaan madaxdii boqortooyadiisa iyo shacabkeedaba uu u yeeray wiilkiisa Qamar Zamaan kadibna uu ayadoo lawada maqlaayo ku yiri; “wiilkeygow waxaan dadkaan oo dhan u kulmiyay misna adigana halkaan kuugu yeeray waxay tahay inaad iga yeesho hal arin oo aan ku amraayo ee ha I khilaafin hana iga diidin hadalkeyga wuxuuna halkaas arin yahay inaan kuu guuriyo gabadha uu boqor hebla dhalay waxaana doonayaa inaad iga yeesho amarkaan oo noqon doono kii ugu dambeeyay ee aan ku amro kahor intaanan dhimanin”….

La soco qeybta 46aad.

2 COMMENTS

  1. Saaxibayaal waxaan idinka codsan lahaa in aad noo soo dhameytirtaan sheekadii laagac baxday kun habeen iyo habeen, waa sheeko aad iyo aad u xiiso badan lagana daaleynin, waa naga codsi aniga iyo taageerayaal badan oo idinku xeran website mahadsa idii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here