SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN. Qeybtii 4aad.

0
841

HABEENKII 1-aad:


Shaharzaad waxay sheekadii ku bilaawday:
waxaa isoo gaaray Boqoroow inuu jiray nin
taajir ahaa oo xoolo badan iyo caruurba
lahaa wuxuuna ahaa nin aamin ah sidaas
darteed bay dadka xoolahooda ugu dhiiban
jireen, maalintii dambe ayuu ninkii safar
galay wuxuu socdaba markii dambe wuxuu
harsaday geed si uu ugu nasto, cabaar
markuu geedkii fadhiyay ayuu kolay uu
watay kala soo baxay xoogaa timir ah
asigoo bilaabay inuu cuno, wuxuuna timirta
lafteeda ku tuurayay meel udhow, waxyar
kadib waxaa agtiisa ka kacay boor aad
uweyn haduu sii fiiriyay waaba Cifriit aad
uweyn oo gacanta ku sita Seef qaro weyn
aadna u af badan.


Cifriitkii siduu usoo socday wuxuu kor
yimaaday ninkii taajirka ahaa wuxuuna ku
yiri “wan ku dilayaa sidaad wiilkeyga u
dishay”
markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri
“sideen wiilkaaga ku dilay maba arkine?”
Cifriitkii wuxuu yiri “Adiga markaad timirta cuneysay laftii aad tuureysay waxay
wadnaha uga dhacday wiilkeyga oo isla
goobtii ku dhintay, sidaas darteed qisaas
ahaan ayaan kuu dilayaa”
Markaas ayuu taajirkii yiri “Aniga kama war
qabin inuu wiilkaaga meesha joogay ee iska
keey cafi”
Hase yeeshee jinigii waa diiday wuxuuna ku
adkeystay inuu wiilkiisa uga qisaasi doono.
Markaas ayuu ninkii taajirka ahaa yiri
“Cifriityhow aniga waxaan gacanta ku
haayaa xoolo badan oo ay dad leeyihiin
kuwaas oo amaano ahaan iigu dhiibtay
waxaan leeyahay xaas iyo carruur ee ifasax
si aan qofkata xaqiisa usoo siiyo, waxaana
kuu ballan qaadayaa markaan qof kasta
xaqiisa soo siiyo inaan kuusoo noqon
doono si aad wiilkaaga iigu qisaasto
hadalkeygana Allaah ayaa wakiil iiga ah”
Markaas ayuu jinigii ka ogolaaday. sidii
ayuu ninkii kusoo baxay wuxuuna yimid
magaaladii uu daganaa asigoo isugu wacay
dhamaan dadkii iyo ehelkiisa si uu qofkasta
xaqiisa usiiyo, markuu dhamaan dadkii
xaqooda siiyay ayuu u sheegay sideey wax u jiraan iyo xaal halkuu maraayo.

Markaas ayay dhaammaan qoyskiisii iyo
ehelkiisii wada ooyeen iyagoo sagootiyay
adna uga xun sideey wax u dhaceen, ninka
maadaama uu balan qaaday si uu balantiisa
u oofiyo markuu qofkasta xaqiisa siiyay
ayuu soo baxay, asigoo soo aaday halkii
uu jinga kula balansanaa.


Wuxuu soo socdaba asigoo karfantiisa
wato markuu imaaday geedkii hoostiisa
ayuu iska fariistay wuuna iska ooyay, xooga
kadib asigoo ooynaya waxa meeshii soo
maray oday wata deero, wuu salaamay
ninkii wuuna wareystay wuxuna ku yiri
“Maxaa kaligaa halkaan oo ah baholo
galeen jinyada ku noolyihiin ku fariisiyay oo
aad ugu ooyneysaa??”


Ninkii taajirka ahaa ayaa uga sheekeeyay
sideey wax udhaceen , markaas ayuu
odaygii go’aansaday inuusan ka tagin ilaa
uu ka ogaado sheekadaan halka ay ku
dhamaan doonto, iyagoo meeshii sidii
ufadhiya ayaa waxaa yimid oo wadadii soo
maray nin labo eey wato is wareysi kadib
ayay usheegeen sidey wax ujiraan markaas

ayuu asna go’aansaday inuusan meesha ka
tagin oo qisada dhamaadkeeda ogaado,
Iyagoo sidii meeshiisii usii fadhiya ayaa
hadana waxaa jidkii soo maray nin baqal
wato is wareysi kadib markey u xog
waramee ayuu isna go’aansaday in
sheekada dhamaadkeeda ogaado.


Afartoodii oo meesha sidii ufadhiya ayaa
waxaa uyimid Cifriitkii oo seeftiisii qarada
weyneyd wata, wuxuu soo qabsaday ninkii
taajirka ahaa si uu wiilkiisa ugu qisaaso.
Markaas ayaa waxaa hadllay odaygii
deerada watay wuxuuna yiri “Jiniyahow
Taajkii boqoradoow hadii aan kaaga
sheekeeyo sheekada na dhexmartay aniga
iyo deeradaan oo aad ka hesho ninkaan
dhiigiisa sadax meelood meel ma ii
hibeyneysaa??”
markaas ayuu cifriitkii yiri “hadii ay icajabiso
haa waan kuu hibeynayaa” markaas ayuu
odaygii sheekada ku bilaabay sidaan:
Deeradaan aad ujeedo waa xaaskeyga ahna
ina adeertey, iyadoo yar ayaan guursaday,
mudo markaan isqabnay oo waxna ii dhali

weysay ayaan waxan sameystay jaariyad
waxayna ii dhashay wiil aad uqurux badan
wajigiisana u ifaayo sidii dayax 15-aad ah.
Waxba yaanan war kugu daalinine maalintii
dambe ayaan safar aaday, markaan baxay
ayay naagteyda oo sixirka wax ka taqaanay
sixirtay wiilkeygii iyo hooyadiisba iyadoo ka
dhigtay lo’ iyo dibi.


Kadibna waxay u dhiibtay ninkii xoolaha ii
qaabilsanaa, markaan mudo kadib safarkii
kasoo laabtay oo aan reerkii imid ayay
naagtii iisheegtay in jaariyadii dhimatay
wiilkeygiina la waayay meel uu jaan iyo cirib
dhigay, aniga arintaas aad ayaan uga
murugooday.


Maalintii dambe ayaa waxaa dhacday in
lagaaray ciidii udxiyada, ana si aan udxiyo u
qalo ninkii xoolaha iiqabilsanaa ayaan
waxaan ku iri lo’ aad u buuran iisoo qabo,
markaas ayuu iisoo qabtay lo’dii jaariyada
aheyd, markii la ii keenay ayay rafatay oo
ooysay anigoo yaaban ayaan qalay laakiin
waxba wey kasoo bixi waayeen kaliya
waxay noqotay lafo iyo maqaar.
Aniga arintaas aad ayaan ula yaabay

markaas ayaan ninkii xoolaha ii qaabilsanaa
ku iri iikeen Dibi, maadaama lo’dii hore hilib
laga waayay, balse hadan wuxuu iikeenay
wiilkeygii dibiga ahaa, markii la iikeenay
ayuu asna ooyay oo raftay inta ka yaabay
ayaan ku dhahay war iga wad Dibigaan ee
mid kale iikeen.


Markaas ayaa mid kale la iikeenay oo qalay,
laakiin waxaad ogaataa inta waxaas dhan
dhacayaan naagteyda wey na dawaneysaa.
Markii sheekada halkaas mareyso ayay
Shaharzaad ogaatay in subaxii lagaaray
markaas ayay sheekadii iyo hadalkii u
banaanaa joojisay.


Markaas ayay walaasheeda ka yareyd ee
Dunyazaad tiri “Maxaa ka macaan badan
abaayo sheekadaad waxaan jeclaan lahaa
inaaad noo dhameystirto”
Markaas ayay Shaharzaad tiri “Dadii
boqorka ii ogolaado inaan noolaado
sheekada waan dhameystiri doonaa
habeen dambe sidoo kalena waxaan idiin
sii sheegi doonaa sheekadaan mid kasii fiican”

markas ayuu boqor Shahri-yaar is yiri waa
sheeko xiiso leh ee hadilin ilaa ay sheekada
ka dhameyso.
Sidii ayuuna ku go’aansaday inuusan dilin
ilaa ay sheekada ka dhameyso.
Subaxii markii la gaaray waxaa yimid
waziirkii gabadhii dhalay oo karfanteedi
wada aadna u murugeysan, balse markuu
ogaaday in gabadhiisii nooshahay wuu la yaabay aadna u farxay.

La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here