Sheekadii Kun Habeen iyo Habeen. Qeybtii 5aad.

0
816

KUN HABEEN IYO HABEEN Q5AAD

HABEENKII 2-aad:


Waxaa wali noo socotay sheekadii ninkii
taajirka iyo iyo cifrriitkii.
Habeenkii labaad markii la gaaray ayay
Dunyaazaad ku tiri walaasheeda
Shaharzaad “abaayooy maad noo
dhameysid sheekadii ninkii taajirk ahaa iyo
cifriitkii iyo wixii kala qabsaday ninkii
odayga ahaa iyo deeradii?”
Markaas ayay Shaharzaad dhahday “jaceyl
iyo sharaf ayay ii tahay inaan idiin
dhameystiro hadii uu boqorka ii idmo”
Markaas ayuu boqorkii oo mar horaba
sheekada isku sii diyaariyay yiri “noo wad
sheekada oo dhameey”


Markaas ayay shaharzaad tiri: Waxaa isoo
gaartay boqorow markii uu odaygii arkay in
uu dibiga oo ooynaya ayuu ninkii xoolaha
uga masuulka ahaa ku yiri war dibigaan iga
wad oo mid kale bal iikeen.


Cifriitkiina wuxuu la yaabanyahay sheekada yaabkeeda iyo sideey wax usocdaan.
Ninkii odayga ahaa wuxuu yiri sayidkii
jiniyadow waxaas oo dhan markey
dhacayaan naagteyda wey na daawaneysaa
waxayna leedahay Dibigaan qal wuu
buuranyahay ee qal iwm, laakiin aniga
Dibiga eegmadiisa markaan kanaxay ayaan
iska sii daayay waxaana ku dhahay ninkii
xoolaha ii qaabilsanaa Dibigaan iga wad
waan ka yaabanahee.


Subaxii markii la gaaray waxaa ii yimid
ninkii xoolaha ii qaabilsana wuxuuna igu yiri
bishaareyso, markaas ayaan waxaan
dhahay maxaa dhacay??
Wuxuu igu yiri: shalay markii aad Dibiga iga
wad itiri waan waday waxaana geeyay
gurigeena, gurigana waxaa ii joogto gabar
aan aniga dhalay oo iyadoo yar sixirka
baratay.


Markii aan Dibigii guriga geeyay oo ay
aragtay ayay wajiga ka daboolataay kadibna
qososhay hadana ooysay, markaas ayay
iigu tiri “Aaboow maxaad noogu soo
galineysaa nimanka ajaanibta naga ah anagoon ogeyn??”.

Anigoo yaaban ayaan waxaan ku dhahay
“Aaway nimanka aad sheegeyso? mida
kale maxaa la qososhay oo hadana la
ooysay?


Waxay igu tiri “Dibigaan aad ujeedo waa
wiilkii Sayidkaaga wuuna sixranyahay
waxaana sixirtay naagtuu aabihiisa qabo,
taas waa sababta aan u qoslay sababta aan
u ooyayna waxay tahay lo’dii la qalay waxay
aheyd hooyadiisa”
Aniga markii aan hadalkaas gabadhii ka
maqlay waan aamini waayay adiga ayaana
kuu imid.


Markaas ayuu odaygii yiri jiniyahow markii
aan maqlay hadalkii ninkii ii qaabilsanaa
xoolaha ayaaan dag-dag gurigiisa ku aaday,
waxaana utagay gabadhiisa waxaana
weydiiyay ma runbaa wuxuu aabahaaga
iisheegay?
Markaas ayay igu tiri haa waa runteyda
Dibigaan waa wiilkaaga, waana beerkaaga
gabalkiisa.


Anigii waan iska ooyay waxaana gabadhii ku dhahay “hadaad wiilkeyga sixirka iiga
furto waxaan ku siin doonaa maalkeyga oo
dhan,
Markaas ayay gabadhii igu tiri “Aniga
maalkaaga dan kama lihi labo shuruud
ayaan wataa, hadaad ii sameyneyso
wiilkaaga sixirka waan ka furayaa.
Shardiga koowaad wuxuu yahay inaad
wiilkaaga ii guuriso,
Kan labaadna wuxuu yahay in aan
naagtaada sixro waayo kama aamin qabo
dhagarteeda”


Markaas ayaan gabadhii ku dhahay intaas
aad sheegtay waan kuu sameynayaa
waxaana kuusii dheer inaan kusiiyo
hantideyda oo dhan naagtaana sidaad
doontid ka yeel,
Markey hadalkeygii maqashay ayay waxay
soo qaadatay dheri yar oo meesha yaalay
waxayna ku shubtay xoogaa biyo ah iyadoo
wax ku akhrisay, kadibna biyihii ayay waxay
ku firdhisay dibigii waxayna dhahday
“Dibiyahow hadii ALLAAH adoo dibi ah ku
abuuray ha isbadalin oo dibigaaga iska ahoow, hadiise aad sixrantahay kusoo
laabo abuurkaagii hore idinka Ilaahay”
Markaas ayuu Dibigii dhalaalay wuxuuna
isku badalay insaan markaas ayaan isku
duubay markaan arkay inuu wiilkeygii yahay
waxaana ku dhahay “Allaan kugu dhaarshee
iiga sheekeey sidee waxa udhaceen”
Markaas ayuu sheekadii biloow ilaa
dhamaad iiga sheekeeyay iyo waxay ku
sameysay naagteydii ina adeerteey aheyd.
Markaas ayaan willkii gabadhii u guuriyay,
iyadana waxay sixirtay naagteydii oo
deeradaan isku badashay.


Anigana waan isaga soo tagay dhulkii oo
dhan si ay wiilkeyga iyo gabadhaas nabad
galyo ugu noolaadaan.
Anigoo jidkaan maraayo ayaana waxaan
arkay ninkaan meesha cidlada ah kaligii
fadhiya oo ooynaya,
Kadibna markaan wareystay ayuu qisadii
qabsatay iyo seey wax udhaceen iiga
sheekeey, ee jiniyahow hadey sheekadeyda
ku cajab galisay ninkaan dhiigiisa sadax meelood meel ii hibeey.


Markaas ayuu jinigii la yaabay sheekada
ninka odayga ah iyo deeradii ka dhaxeysay,
wuxuuna ku jeestay deeradii asigoo yiri “Ma
runbaa wuxuu sheegayo odaygaan?”
Markaas ayay madaxa uruxday “HAA”
.
Markaas ayuu jingii yiri walaahi waa sheeko
cajiib ah weyna icajab galisay marka
ninkaan dhiigiisa sadax meelood meel
waan kuu hibeeyay.


Markuu jinigii hadalkaas yiri ayaa waxaa
hadlay ninkii watay labadii eey, wuxuuna yiri
“Jiniyahoow hadii aan ana kaaga sheekeeyo
sheekadeyda oo ay ku cajab galiso ninkaan
dhiigiisa sadax meelood meel ma ii
hibeyneysaa?”
Markaas ayuu jinigii yiri hadii ay icajab
galiso waan kuu hibeyn doonaa.
Markaas ayuu ninkii labada eey watay
sheekadiisii ku bilaabay:
Sayidkii jiniyadow waxaad ogaataa in
labadaan eey ee ila socda ay yihiin walalaheyga aniga ayaana sadax ku ah,
aabaheena wuu dhintay wuxuuna dhaxal
ahaan nooga tagay sadax kun oo diinaar,
waxaana qeybiyay dhaxalkii oo mid kasta
waxaa kusoo aaday kun diinaar.


Aniga qeybteydii waxaan ku furtay Tukaan
waxbaan soo iibsanayay waana sii iibinayay,
walaalaheyga xoolahoodii wey la safreen
anigoo uga digaayo safarka iyo dhibkiisa si
uu ganacsiga safareyda u galaan waxayna
maqnaayeen mudo sanad ah, laakiin waxay
soo laabteen iyagoo gacmo maran oo
waxba heysan, waxaan ku dhahay, waan
idiin sheegay in safarka dhibaatooyin
leeyahay ee maxad u safarteen,
Markaas ayay igu dhaheen waa Qadar Alle
maantana waxba ma heysano hadalna
waxba ma noo taraayo, markaas ayaan
waday waxaana geeyay tukaankii anigoo
dhar iyo cuntaba siiyay, kadibna waxaan
kudhahay imaqla waan isla
shaqeysaneynaa oo ganacsigaan ayaan sii
wadeynaa sanadkiina mar ayaa la
xisaabinaa wixii faa’iido ee aan helno waan
kala qeybsaneynaa.


Markaas ayay iga ogolaadeen, mudo sanad kadib markaan shaqeysanaya oo faa’iido
fiican helnay ayay waxay igu dhaheen aan
safarno waxaa laga yaabaa inaan soo
faa’iidno balse waan ka diiday.
Wixii saas la ahaadaba iyagana maalin
kasta igu haayaan aan saffarno ayaa
markey mudo kasoo waregatay ogolaaday
hadalkooda.


Waxaan xisaabiyay hantidii tukaanka taalay
waxayna noqotay lix kun oo diinaar.
Markaas ayaan waxaan ku dhahay lacagta
waan kala qeybineynaa sadax kun waan
qaadaneynaa sadaxda soo hartay meel
ayaan ku duuganeynaa si hadii hadhow
usoo qasaaarno aan tan kale ugu baxsano.
Wey iga ogolaadeen kadibna waan safarnay
Sheekadii waxay noo mareysay qeybtii hore,
Ninkii labada Eey watay asigoo hadalkiisii
sii wato ayuu wuxuu dhahay kadibna waan
safarnay aniga iyo labadii wiil ee ila
dhashay waxaana horay usii qaadanay
lacagtii sadaxda kun aheyd, labadaan wiil
ee ila dhashay jiniyahow waxay ahaayeen kuwa aad xaasid u ah aadna wey iidhibi
jireen laakiin aniga waan isaga dulqaadan
jiray maadaama ay walaalaheyga yihiin.
Kadibna waan safarnay anagoo mudo bil ah
safar kujirna ayaan markii dambe tagnay
magaalo aad ucamiran markaas ayaan
badeecadii aan wadnay suuqa u iib geynay
waxaana halkii diinaar ka faa’iidnay 10
diinaar, kadibna waxaan go,aansanay inaan
safar kale galno,


Maalinkii aan safarka gali laheyn maalintii
ka horeysay anigoo kaligeey xeebta maraya
ayaan waxaan xeebta ku arkay gabar
jaariyad ah oo aad uqurux badan, markaas
ayay igu tiri inta iisoo dhawaatay “walaalow
waxaan kaa codsanayaa inaad iguursato oo
aad baladkaaga iiwado, waxaan kuu
hibeeyay nafteyda, ee macruufkaan ii
sameey waxaa laga yaabaa inaan
abaalkaan maalin uun kuu gudo,

Markaan hadalkeeda maqlay aad ayan ula
yaabay qalbigeygana wuu jilcay anigoo ka
naxay in gabar kaligeed meshaan cidlada
ah joogto iyo duruufta ay kujirto

La soco qeybtii 6aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here