SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN. Qeybtii 6aad.

3
1083

Markaan hadalkeeda maqlay aad ayan ula
yaabay qalbigeygana wuu jilcay anigoo ka
naxay in gabar kaligeed meshaan cidlada
ah joogto iyo duruufta ay kujirto.

markaas ayaan waday waxaana usoo iibiyay dhar aad uqurux badan anigoo sidoo
kalana markabkii safarka meel qurux badan
uga habeeyay waana guursaday, kadibna
safarkii ayaan galnay laakiin gabadhii
waxay aheyd gabar aad u furfuran
dabeecad wanaagsan markaas ayaan aad
usii jeclaaday oo qalbigeyga dhan iyadaa ka
buuxsantay, heer waxaan gaaray aan
habeen iyo maalinba iyada agfadhiyo,
Waxaana ka mashquulay walalaheyga
markaas ayay aad iiga maseereen iyagoo
xaasidnimo iiqaaday waxayna iga
xaasidayeen hantidan Alle ii barakeeyay iyo
gabadhaan aadka uqurxda badan ee Alle
isiiyay,
Markaas ayaa Sheydaan naclad haku
dhacdee xumaato u qurxiyay iyagoo
go’aansaday iney idilaan kadibna
hantideyda oo dhana kaligood la
wareegaan.


Markaas ayay habeenkii dambe ii imaadeen
anigoo hurda markaas ayay inta isoo
qaadeen bada igu tuureen, laakiin markey
xaaskeyga shanqartii kusoo kacday ayay
aad u xanaaqday ayadoo isku badashay
Cirfiid aad uweyn waxayna isku soo tuurtay Biyihii Badda iyadoo iga soo bixisay.
kadibna waxay igeysay Jaziirad cidlo ah
cabaar ayayna iga maqneyd, markaas
ayay iisoo laabatay, markay ii imaaday ayan
weydiiyay adiga yaad aheyd seeyna wax
ujiraan??
markaas ayay igu tiri aniga waxaan ahay
xaaskaaga halkaana anigaa ku keenay oo
Badda kaasoo saaray waxaana kugu tuuray
walaalahaaga idin Alle ayaadna ku
badbaaday, waxaadse ogaataa inaan aniga
ahay gabar jin ah, markii ugu horeysay ee
aan ku arkay ayaana ku jeclaaday waxaana
kugu jeclaaday iimaankaaga iyo
daacadnimadaada, waxaana ahay gabar
mu’minada ah oo Allaah iyo Rasuulkiiisa
SCW rumeysan, laakiin hada aad ayaan u
xanaaqsanahay xanaaqeygana ma dagaayo
anigoon ciqaabin oo dilin kuwii bada kugu
tuuray.


Markaan hadalkeeda maqlay markii hore
waan uga mahad celiyay iney nafteyda ii
badbaadisay, laakiin waxaan ka codsaday
ineysan walaalaheyga dilin waxaana
usheegay inaan ka samri karin waxkasta oo
ay igu sameeyaana ay walalaheyga yihiin.

laakiin way iga diiday waxayna igu tiri isla
caawo ayaan iyaga iyo macal
maraakiibtooda isku soo duminaa.
Markaas ayaan ku dhahay qofka mu’minka
haddii la xumeeyo xumaan xumaan kale
kuma gudo ee wanaaag ayuu ku badalaa,
qofkii xumaanta sameeyayna koleey
naftiisa ayuu halaag uun usoo jiiday oo qof
kale waxba kama qaadi karo,
Sidii aan udajinaayay ayay iga ogolaatay
ineysan dilin, laakiinse waxay igu tiray
laazim waan ciqaabi doonaa oo hadaanan
dilin xitaa ciqab la’aan ma ahaan doonaan.
Markii aan magaaladii u noqday oo aan
Tukaankeygii furay ayaan waxaan arkay
labadaan Eey oo meesha joogto waana
weydiiyay waxay igu tiri waa walaalahaaga
tana waa ciqaabtooda oo walaasheyda
ayaan sidaan ku sixirtay,waxayna saan
ahaan doonaan mudo 10sano.


Cifriityahow waxaa dhacday in ay soo
dhamaatay mudadii 10ka sano aheyd,
anigoo usii socdo naagteydii walaasheeda
ee walaalaheyga sixirtay si ay sixirka uga soo furto maadaama ay mudadii
udhamaatay ayaan waxaaan arkay ninkaan
meesha fadhiyo iyo odaygaan deerada
wato,
Markaas ayay ii sheegeen sideey wax
udhaceen anna halkaan ayaan fariistay si
aan u ogaado dhamaadka sheekadaan ee
jiniyahoow haddii ay ku cajab galisay
sheekadii na dhexmartay aniga iyo
labadaan Eey ee walaalaheyga ah Ninkaan
dhiigiisa sadax meelood meel ii hibeey,
markaas ayuu jinigii lahadlay labadii Eey oo
ku yiri ma runbaa ninkaan wuxuu sheegay??
markaas ayay madaxa uruxeen HAA.


Markaaas ayuu Jinigii yiri Wallaahi waa
sheeko yaab leh aadna wey ii cajabisay
ninkaan dhiigiisana sadax meelood meel
ayaan kuu hibeeyay.


Markaas ayaa waxaa hadlay odaygii
sadaxaad ee Baqasha watay wuxuuna yiri
“Jiniyahow haddii aan anna kuu sheekeeyo
sheekadii na dhexmartay aniga iyo
Baqashaan oo ay ku cajab galiso ma ii
hibeyneysaa inta ka dhiman ninkaan dhiigiisa??


Markaas ayuu jinigii yiri haa.
markaas ayuu Odaygii Baqasha watay yiri:
Jiniyoow boqorkii Jiniyadoow Baqashaan
aad ujeedo waa naagteyda, aniga waxaan
ahaa nin ganacsade ah oo safar badan,
waxaana lahaa Hanti badan, Maalintii
dambe ayaan baxay oo safar aaday
waxaana maqnaa mudo sanad ah, kadibna
waan soo laabtay markaan gurigeygii
imaaday waxaan u imaaday naagteydii oo
sariirta la saaran nin Adoon ii ahaa, Markay
i aragtay ayay inta hadal aanan fahmin ku
hadashay biyo meesha yaalayna way igu
soo firdhisay waxayna igu tiri ” ka bax
muuqaan oo Eey noqo, islamarkiiba waxaan
isku badalay oo yeeshay, muuqaal Eey.


Ka dib gurigii ayay iga soo
ceyrisay( burisay) Gurigeygii waan iska soo
baxay aniga oo isku maleeyo in aan
qarwaayo .


Sidii aan u soo socday waxaan u imid nin
kawaanle ah markii uu i arkay ninkii
kawaan ahaa wuxuu i siiyay xoogaa Hilib
ah iyo lafo waxa uuna ii waday Gurigiisa.

markii aan Guriga galay ayaa waxaa i
aragtay Gabar uu kawanlaha dhalay waxay
ahayd gabar sixirka wax ka taqaano.


Waxayna dareentay in aan sixranahay iyada
oo ku tiri aabaheeda” aabow waxaan i hor
taagan ma ahan Eey waa nin maskiin ah oo
ay naagtiisa sixirtay waxaana awoodaa in
aan sidiisii caadiga ahayd ku soo celiyo oo
aan sixirka ka furo” .


Markaas ayuu Kawanlihi ku yiri gabadhiisa ”
Gabadhaydii waan kuu ducayn ninkaan ka
fur sixirka” .


markaas ayay weel yar biyo ku shubtay oo
wax ku aqrisay ka dibna igu firdhisay.
Waxaan ku soo noqday suuradii uu Alle igu
abuuray aniga oo isla markiiba gabadhii ka
codsaday in ay iga caawiso sida aan uga
aarsan lahaa naagtaydii i sixirtay.


Waxa ayna isiisay weel biyo ay ku jiraan oo
ay wax kuso aqriday iyada oo igu tiri” marka
ugu horaysa oo aad naagtada aragto
biyahaan ku firdhi waxaadna ku orataa inta
aad niyaysato adiga oo wax magac dhawaya waxaas iyo waxaa isku badal.


Anigana waan soo baxay oo sidii ayaan
sameeyay waxaana ku iri ” Baqal isku
badal” sidaas ayayna Baqal ku noqotay
waana midan ku soo fiirinaysa.
Markaas ayuu Cirfiitkii Baqashii fiiriyay
waxa uuna ku yiri “ma sax baa waxa uu
ninkaada sheegayo” .


markaas ayay madaxa ugu ishaartay HAA.
Markaas ayuu inta jinigii gil-gilay seeftiisii
yiri waan kuu hibeeyay ninkaa dhiigiisa inta
ka dhiman,
Markii sheeko halkaas mareyso ayay
Shaharzaad dareentay in subaxii lagaaray
wayna aamustay iyadoo joojisay hadalkii
ubanaanaa.


Markaas ayay walaasheedii ka yareyd ee
Dunyazaad tiri “maxaa ka macaan
sheekadaada kana fiican”
markaas ayay Shaharzaad tiri “Tan waxba
ma ahan hadii lala bar-bardhigo sheekada
aan habeen dambe idiin sheegi doono waa hadii uu boqorka ii ogolaado inaan
noolaado”
Markaas ayuu boqor Shahri-yaar yiri “wlhi
baan ku dhaartee inaanan dili doonin ilaa ay
sheekada ka dhameyso, waayo waa
sheeko aad ucajiib ah.


sidaas ayayna maalintaas gabadhii dilka
uga bad-baaday.

HABEENKII 3aad.

Markii habeenkii lagaaray ayay Dunyaazaad
tiri “abaayooy noo dhameystiri sheekadii
Xalay iyo sidey wax ku dhamaadeen”
Markaas ayay Shaharzaad tiri :Boqoroow
taajirkii markii naftiisa bad-baaday ayuu
wuxuu umahad celiyay odayaashii, iyadoo
meeshiina lagu kala dareeray, waxaase tan
ka yaab badan sheekadii ninkii
kaluumaysatada ahaa.
Markaas ayuu boqorkii yiri oo muxuu ahaa
ninkaan kaluumeysatada???

SHEEKADII NINKII KALUUMEYSATADA
AHAA.

Shaharzad waxay sheekada ku biloowday :
Boqorkeygiiyoow waxaa jiray nin
kalluumeysato ahaa aadna u da’ Weynaa ,
wuxuuna lahaa Xaas iyo Sadax Caruur ah,
qof ka faqiirsanaa Magaalka kuma nooleyn.
Ninkaan Kalluumeysata ah waxaa caado u
aheyd inuu Shabaqa Maalin kasta afar mar
Badda ku tuuro, kabadan waligiis kuma
tuurin.


Maalintii dambe ayuu soo baxay wuxuuna
imaaday Baddii iyadoo xilli duhur tahay,
markaas ayuu Shabaqii Badda ku tuuray
illaa Shabaqii Moolka Badda ka gaaro
markaas ayuu isdhahay fiiri wax makuu soo
qabtay markuu soo jiiday ayuu dareemay
inuu culeys yahay markaas ayuu soo qabo
isdhahay laakiin aad ayuu ucuslaa wuuna
awoodi waayay inuu soo qabto maadaama
oday waayeel iska ahaa sidaas darteed
ayuu Huurigii uu saarnaa xeebta geeyay
asigoona shabaqii jiiday.


Siduu usoo jiidayay markuu soo bixiyay
ayuu wuxuu arkay in waxa culus ee
Shabaqiisa qabtay Maanta dhanna ku
rafaadayay jiididiisa inuu yahay dameer bakhtiyay,
Markuu odaygii arkay aad ayuu
umurugooday asigoo yiri “{laa xowla walaa
quwata illaa billaah, helista Rizqiga waa
mid cajiib ah”
Kadibna markale ayuu badii ku noqday oo
uu shabaqii tuuray markii labaad asigoo yiri
Bismillaah.


Cabaar markuu joogay ayuu hadana
dareemay in shabaqii wax kusoo dhaceen
wuuna soo qabtay laakiin waxay noqdeen
Jawaan ay ka buuxaan dhoobo iyo
Dhagxaan, Markii uu odaygii arkay ayuu
markale aad u murugooday wuxuuna
meeshii ka tiriyay Gabay uu micnihiisu
yahay.


Hurkii waayahoow bas,
hadaadan bas iga dhihina iga cafi,
nasiib uma lahee sii,
mana sameyn karee bas,
waxaan usoo baxay Rizqigeyga, waxaanse helay asoo meyd ah,
Alla muxuu jaahil badan muuqdaa,
Caalim badana qarsoonyahay.


Markaas ayuu mar sadaxaad badii ku
laabtay oo uu shabaqii badda ku tuuray,
marku daremay inuu culus yahay ayuu soo
qabtay balse nasiib xumo wuxuu soo
qabtay qashin iyo dhalooyin, Odaygii
miskiinka ahaa aad ayuu usii murugooday
mar afaraad ayuuna bada ku laabtay laakiin
markaan gacmaha ayuu kor utaagay asigoo
Alle baryay wuxuuna yiri ” Ilaahayoow waad
ogtahay inaana afar ,mar ka badan
shabaqaan bada ku tuurin, sadax mar waan
tuuray waxaana ii hartay halmar oo kaliya
ee Ilaahow wax kheyr qaba iigu soo rid”
Wuxuuna yiri bismillaah asigoo shabaqii
bada ku tuuray…

La soco qeybtii 7aad.

3 COMMENTS

  1. Aadban idiinkugu mahad celinayaa gaar ahaan qoraaga shekada Abdirahman Hasan Anteeno waxan kaa codsanena inad noosii wadaan‍♂️

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here