SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN. Qeybtii 7aad.

0
1017

Waxay noo mareysay sheekadiinee markii
Ninkii Kalluumeysata ahaa uu Shabaqiisii
bada ku tuurtay markii afaraad asigoo
markaan Alle baryay bisinkana uqabtay,
kadib markii uu cabaar sugay ayaa waxaa
dhacday in Shabaqii cuslaaday waliba
culeys aad udaran ilaa uu kusigay huurigii
yaraah ee Odayga saarnaa inuu la
gadoomo, kadibna odaygii wixii tabar
Ilaahay siiyay iyo juhdi markuu bixiyay ayuu
soo bixiyay wixii culeyska badnaa.


Balse wuxuu noqday Sanduuq Maar ka
sameysan afkana ka xiran iyadoo uuna ku
asteysan yahay Faraantigii Nabi Suleymaan.
Wuxuu is dhahay Maanta calafkaaga ayaan
saan noqday ee sanduuqaan qaad oo
Suuqa Maarta iyo macdanta lagu iibiyo gee
waa intaasoo quudkii maanta kusoo
heshaaye, balse markuu qaad is dhahay
ayuu qaadi waayay culeys dartiis markaas
ayuu go’aansaday inuu furo si uu u ogaado
waxaan culeyska badan ee sanduuqa kujiro kadib mindi uu watay inta soo baxsaday
ayuu sanduuqii furay balse wuxuu noqday
sanduuq Eber ah, Ninkii asigoo yaaban ayaa
waxaa Sanduuqii kasoo baxay Xoogaa Qiiq
ah kaasoo marba marka kasii dambeysa sii
xoogeysanayay ilaa uu qiiqii daruuraha
sabeeyay,odaygii miskiinka ahaa aad ayuu
ula yaabay kadIbna qiiqii ayaa is qabsaday
wuxuuna isku badalay cifriit aad uweyn,
madaxiisa Daruuraha maraayo halka
Cagihiisana Dhulka yaalaan weyninkiisa
darteed,
Wuxuu lahaa madax sidii qubada
uwareegsan, iyo Gacmo aad uqaro weyn,
Lugo aad moodid iney yihiin darbiyada
dhufeyska ah, Af aad udheer aadna
udhuuban sida kan cantalyaaga, Ilko aad
dhagaxaan waaweyn moodid, waxaa ka
muuqdo Boor iyo Basaas waliba asigoo
Badda kasoo baxay ayay hadana waxaas
oo boor ah ka muuqdaan.


Markuu odaygii Kalluumeysatada ahaa
arkay Cifriitkaan weyn ayuu jareeyay iyadoo
ilkiiha xitaa is garaaceen Candhuuftana laqi
waayay meel laga jirana garan waayay cabsi darteed.


Cifriitkii markuu arkay odaygii
Kalluumeysatadii ayuu yiri laa ilaaha illaa-
llaahu Sulueymaana waa nabigii Alle.
Kadibna wuxuu sii raaciyay “Nabi alloow ha
idilin markale hadalkaaga ma khilaafi
doono, mana kugu caasin doono”
Markaas ayuu odaygii yiri ” ma Suleymaan
baad haddea Nabigii allow leedahay iyadoo
Nabi Suleymaan geeriyooday kun iyo sideed
boqol oo sano kahor?? anagoo joogno
aakhiro Zamaan, maxay tahay qisadaada
maxaana halkaan ku galiyay”
Cifriitkii markii uu maqlay hadalkii odaygii
ayuu ku yiri “hadey saas tahay bishaareyso
oday-yahow”
odaygii “maxaan ku bishaareystaa ood iigu
bishaareyneysaa?”
Cifriitkii ayaa markaas yiri ”
dhimashadaada ku bishaareyso isla
saacadaan inaan ku dili doono dilistii ugu
xumeyd”

Markaas ayuu odaygii yiri ” oo maxaan ku
muteystay in sidaas dhan la ii dilo Wallaahi
adigaa muteysatay in sidaas laguu dilo, war
maxaad igu dileysaa anigoo halkaan oo aad
ku dhibaateysneyd kaasoo bixiyay
abaalkeyga miyaad sidaan ka dhigeysaa?”
Markaas ayuu Cifriitkii yiri “warkaas ka bax
ee dhimasho noocee doooneysaa?”
markaas ayuu odaygii yiri ” waxaan
kuweydiinaa muxuu yahay dambigeyga oo
maxaan kaa galabsaday oo sidaan iigu
abaal marineysaa?”
Markaas ayuu Cifriitkii yiri hadaba anigaa
kuu sheegayee dhageyso, odaygii oo
cabsanaya ayaa markaas yiri ” soo gaabi
hadalka nafteydii lugaheey soo
mareysaaye”
Cifriitkii ayaa markaas hadalkii ku bilaabay ”
waxaad ogaataa oday-yahow inaan aniga
ka mid ahaa jinigii maariqiinta ahaa,
waxaana ku caasiyay hadalkii Nabigii Allaah
ee Suleymaan Binu Daa’uud, Maalintii
dambe ayuu wuxuu iisoo diray wasiirkiisa Aasif bin Barkhiyaa si qasab ah ayuuna igu
waday wuxuuna ii geeyay nabi suleymaan,
waxaana la ihor istaajiyay Nabi Suleymaan
hortiisa, markuu i arkay Nabi Suleymaan
wuu iga cuudu bileystay wuxuuna iisoo
bandhigay iimaanka Alle iyo inaan
hadalkiisa adeeco, waana diiday.


Markaas ayuu dalbaday sanduuqaan,
wuuna igu xiray asigoona igu khatimay
faraantigiisii, magaca Alle ee weyn ee
hadaad Alle ku bariso ku ajiibayo ayuuna ku
qoray wuxuuna amar ku siiyay jinigii
adeecsanaa iney igu tuuraan moolka bada,
wayna igu tuureen, markaan Badda ku dhex
xirnaa mudo boqol sano ayaan waxan ku
qeyliyay qofkasta oo iga soo bixiyo
meeshaan inaan hodan ka dhigi doono inta
noloshiisa ka hartay, boqolkii sano ayaa
kasoo wareegatay meeshana qofna igama
uusan soo bixinin.


Markaas ayaan hadana ku qeyliyay
qofkasta oo iga furo inaan ana ufuri doono
keydka dhulka oo dhan, boqolaal sano ayaa
kasoo wareegatay hadana qof iga furtay ma
arkin kadib markey kasoo wareegatay afar
boqol oo sano waxaan ku qeyliyay
qofkastoo iga furi waxaan usameyn doonaa waxkasta oo uu iga codsado, markale
hadana qof iga furto waan waayay.


Markaas ayan xanaaqay xanaaq aad udaran
waxaana dhahay qofkasta oo iga furo isla
saacaduu iga furo ayaan dilaa anigoo
dooransiinayo sidaan udili lahaa,
markaasna adigaa iga furay ee niyeyso
sidaan kuu dili lahaa.


Markuu odaygii kalluumeysatada ahaa
maqlay hadalkii Cifriitkii ayuu yiri “waa cajiib
wlhi hada qofkad sugeysay inaad disho ee
meesha kaa furi doono ma aniguu
noqday??
markaas ayuu odaygiii hadana yiri iska key
cafi Allaha haku cafiyee, markaas ayuu
Jinigii yiri waa qasab inaan ku dilo si aan
ballanteyda u oofiyo, ee waxaad rabtid
intaadan dhiman kahor iisheeg si aan
kuugu xaqiijiyo waana ballan inaanan ku
dilin anoon kuu xaqiijinin.


Markaas ayuu odaygii xoogaa fikiray
kadibna ayuu yiri magaca Allaah ee weyn
ayaan kugu dhaariyee adigoo intaan la eg
sidee ku gashay sanduuqan aadka uyar? Cifriitkii markuu maqlay Magaca Alle ee
weyn ayuu gariiray markaas ayuu yiri ma
waxaad rumeysan la’dahay inaan
sanduuqaan gali karo?
Markaas ayuu odaygii yiri macquul maba
ahan waxaaba shaki iiga jiraa inaad sidaad
sheegeyso sanduuqaan kasoo baxday.
markaas ayuu jinigii yiri hadaba anigaa ku
tusaayee arag.


kadibna Shaharzaad waxay ogaatay in
subaxii soo dhawaaday sheekadiina wey
joojisay.


HABEENKII 4aad.


Markaas ayuu Jinigii inta qIic iska dhigay
Sanduuqii ku aruuray markuu Wada galay
ayuu odaygiina kor uga xiray, asigoona
shaabadii ku qabtay, markaas ayuu odaygii
jinigii ku yiri toogtiisii niyeyso dhimasho
noocee ayaad dooneysaa si aan badaan
markale kuugu tuuro?
Cifriitkii markuu hadalkaas maqlay
ogaadayna in sanduuqii markale lagu xiray
ayuu yiri walalow waan ku baryaa bada ha iicelinin, markaas ayuu odaygii yiri immisa
ayaan anba ku tuugayay ood iga diiday
waliba anoo meeshaan aad kujirto
kumanaan sano kaasoo saaray ayaad
abaalkeyga ka dhigtay inaad idisho,
markaas ayuu cifriitkii yiri iga fur wllow
waan ku wanaajin doonaa waxaad rabtana
waan kuu sameyne, markaas ayuu odaygii
yiri been ayaad iisheegeysaa waxaadna
tahay Jinni Naclad ku dhacday mana laga
yaabo inaan halkaan kaa furo, waxaadna
ogaataa inaan aniga iyo adiga lamid nahay
sidii boqorkii la dhihi jiray YOONAAN iyo
ninkii xakiimka ahaa ee la oran jiray
ROOYAAN.


Markaas ayuu Cifriitkii yiri oo maxay
ahaayeen boqor Yoonaan iyo xakiim
Rooyaan? maxayna aheyd qisadooda?


Markaas ayuu odaygii yiri ma waxaad
rabtaa inaad ogaato sheekadii Boqor
Yoonaan iyo Xakiim Rooyaan??
markaas ayuu Cifriitkii yiri haa ee bal
iisheeg muxuu ahaa xaalkooda?

QISADII BOQOR YOONAAN IYO XAKIIM ROOYAAN.


Odaygii kalluumeysatada ahaa wuxuu hadal
ku bilaabay
waxaad ogaataa Cifriityahow in waa hore
oo mudo aad ufog laga joogo inuu jiray
boqor utalin jiray magaalooyinka kamid ah
dhulka Furus (Beershiya) iyo dhulka
roomaanka waxaana la dhihi jiray boqor
yoonaan, wuxuuna ahaa boqor hanti badan
iyo ciidan aad u xoog badan, waxaana
jirkiisa ku yaalay oo uu lahaa baras,
Baraskaasoo ay daaweyn waayeen
dhamaan dhakhaatiirtii isku dayay iney
daaweeyaan, waxaana wax utari waayay
daawooyinkii iyo dhamaan wax walbo oo la
siiyay. boqorkana wuxuu dhibsaday oo
qaati ka taagnaa cudurkaan baraska ah ee
ku dhacay.


iyadoo xaalka sidaas yahay ayaa waxaa
Magaaladii soo galay nin Xakiim ahaa
aadna u da,weynaa waxaan la dhihi jiray
xakiim rooyaan, wuxuuna aqoon ulahaan
jiray kutubtii greega , Faarisiga,
Roomaanka, Carabiga, iyo Saryaaniyada
(waa luuqadii uu ku hadli jiray Nabi Ibraahim Caleyhi Salaam)
sidoo kale xakiim Rooyaan wuxuu yaqaanay
Cilmiga Caafimaadka, kan Xiddigaha, iyo
sida looga faa,ideysto.


Wuxuu kaloo yaqaanay sida dadka loogu
daaweeyo daaweynta dabiiciga ee dhirta,
asigoo sidoo kalana ahaa feylasuuf, sidaas
darteed ayaa loo dhihi jiray xakiim rooyaan.
markuu mudo magaalada uu joogay ayuu
wuxuu maqlay arinta boqorka iyo inuu
baras qabo wax daawana loo waayay….

La soco qeybta 8aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here