SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN. Qeybtii 8aad.

0
767

Waxay qeybtii hore noo mareysay markuu
Xakiim Rooyaan uu soo galay Magaaladii uu
Boqor Yoonaan ka talinayay isla markaasna
uu ogaaday in boqorka baras uu qabo wax
daawo ahna loo waayay.


Markaas ayuu xakiim Rooyaan utagay
boqorkii wuxuuna ku yiri Boqoroow waxaan
awoodaa inaan ku Daaweeyo anigoon wax
daawo ah ku siinin wax dufan ahna kuu
marinin, Boqorkii arintaas aad ayuu ula yaabay
wuxuuna yiri haddii aad sidaad sheegeyso
sameyso waxaan ku siin doonaa intii
noloshaada ka dhiman wixii aad ku noolaan
laheyd waana ku sharfi doonaa waxaadna
markasta ii ahaan doontaaa mid aad iigu
dhaw, markaas ayuu xakiim rooyaan yiri
waxaan rabaa in teendho la ii dhiso adigana
bari adoo diyaarsan waxaad imaaneysaa
barxada beertaada.


Xakiimkii wuxuu sameeyay markii
Teendhadii la sameeyay ayuu wuxuu
meesha keenay kubad aad uyar iyo ul
asigoo daawooyin kala nooc ah mariyay,
subaxii markii lagaaray ayaa waxaa yimid
boqorkii oo ay la socdaan madaxdii
Dowladiisa sida waziiradii saraakiisha
ciidanka abaan-duulayaashii iwm, markaas
ayuu xakiim Rooyaan usheegay boqorka in
usha qabsado oo kubadana uu ku garaaco
intii awoodiisa ah,
Maanta dhana uu sidaas sameeeyo
wuxuuna ku dhahay markaad dareento in
dhidid kaa yimid dhiigaagana kacay waad
ordeysaa waxaadna tageysaa Musqusha si
dag-dag ah ayaadna u qubeysaneysaa kadibna waad seexaneysaa.


Boqorkii sidii ayuu sameeyay siduu kubadii
marba intii awoodiisa ah utuurayay ayuu
dhididi badan ka imaaday wuxuuna
xakiimkii boqorka u ishaaray inuu
musqusha aado, sidii ayuuna ku aaday
wuuna soo qubeystay asigoona seexday
ilaa waabarigii.


Subaxii markuu soo kacay ayuu boqorkii
muraayada isku fiiriyay balse tan cajiibka
leh waxay aheyd inuu noqday qof Saliim ah
oo aan haba yaraatee wax Baras ah laheen.
Boqorkii arintaas aad ayuu ugu farxay
wuxuuna uwacay Xakiimkii asigoo soo
dhaweystay wuxuuna siiyay hadiyado aad
ubadan lacag iyo wax yaabo kale, wixii
Maalintaas ka dambeeyay markasta oo
xakiimka boqorka utago wuxuu siin jiray
waxyaabo muhiim ah oo uu xitaa siini jirin
kuwa dowlada ugu sareeyo, Nimco kasta
oo banii aadam lasiiyo waxay leedahay
xaasid waxaana midaas aad uga xumaaday
midkamid ah wasiiradii boqorka kaasoo
dareemay in boqorka dhanka xakiimka
ujanjeero asigoo aad uga maseeray, sidaas
darteed wuxuu go,aansaday inuu xakiimka ka takhaluso.


Wuxuu utagay Boqorkii wuxuuna ku yiri
“boqkeygiiyoow adiga waxaad tahay qof
dadka wanaajiya inaan kuu naseexeeyana
waa igu waajib, sidaas darteed arin ayaan
rabaa inaan kaala hadlo. hadii aad fasax
iisiiso waan kuu sheegayaa,
Markaas ayuu boqorkii hadalkaas inta
dhibsaday yiri ” waa maxay
naseexadaada?”
Wasiirkii wuxuu yiri ” Boqorow Dadkii hore
waxay dhaheen qofkaan waxa soo socdo
ogeyn waxa joogo magaran karo, waxaana
dareemay in boqorka uu cadowgiisa
wanaajinayo halkii uu ka takhalusi lahaa
anigana waan kuu cabsanayaa”
Markaas ayuu boqorkii yiri asigoo aad
uxanaaqay waa kuma qofka cadowga igu
ah ee aan wanaajiyay??
wuxuu wasiirkii yiri “Boqorkeygiiyoow
hurdada ka kac aniga xakiim rooyaan ayaan
kahadalayaa”
Markaas ayuu boqorkii yiri ” miyaad waalatay xakiimkaan waa ninkii idaaweeyay
wuxuuna ii sameeyay waxa ay dadka dhan
ka caajiseen, waana kuu jeedaa oo waad
ka maseersantahay ee iimaankaaga sugo
oo odaygaas miskiinka ah faraha ka qaad,
mise waxaad rabtaa inaan dilo xakiimka
kadibna aan ka shalaayo siduu ushalaayay
boqor sindiyad markuu iska dilay
shimbirtiisii??”
Markaas ayuu wasiirkii dhahay oo sidee
kudhacday midaas??
Markaas ayay Shaharzaad dareentay in
subaxii lagaaray weyna joojisay sheekadii.


HABEENKII 5aad.


Markuu wasiirkii weydiiyay sheekadii boqor
sindiyaad iyo shimbirtiisii ayuu boqorkii
hadalka ku bilaabay:
Waxaa jiray boqor kamid ah Boqoradii reer
Faaris, kaasoo aad ujeclaa safarka iyo
ugaarsiga wuxuu kaloo jeclaa tamashlaynta
iyo dalxiiska, Boqorkaas wuxuu lahaa
shimbir uu aad ujeclaaa meelkastana
uraaci jirtay.

Maalintii dambe ayaa waxaa dhacday in
boqorkii ugaarsi ubaxay kadibna waxay
arkeen Deero, markaas ayuu boqorkii
Askartiisii ku yiri afarta dhinac halaga soo
maro qofkii ay dhinaciisa ka fakatana ha
ogaado inaan kurka ka goyn doono.
Markaas ayaa deeradii la hareereyay
kadibna waxaa dhacday in deeradii dhinaca
boqorka aaday oo ayna ka baxsatay,
markaas ayay askartii is fiifiiriyeen oo
hoosta war ka sheegeen, kadib ayuu
boqorkii wasiirkiisii uwacay kuna yiri maxay
leeyihiin?
markaas ayuu wasiirkii yiri waxay leeyihiin
inaad adiga dhahday qofkii ay dhinaciisa
Deerada ka baxsato in kurka laga goynaayo.
Markaas ayuu boqorkii yiri waxaa igu ballan
ah inaan keeno kadibna asiga iyo faraskiisii
iyo Shimbirtii ayaa baxeen wuxuu socdoba
wuxuu arkay Deeradii wuxuuna sii daayay
Shimbirtii taasoo iyadana indhaha kaga
dhagtay deeradii si uu boqorka uqabto.
kadib ayuu boqorkii deeradii qabtay
markaas ayuu qalay oo maqaar siibay
wuxuuna soo qaatay maqaarkeedii iyo madaxeedii.


Waqtigana wuxuu ahaa mid aad ukulul
cabaar markey socdeen ayay oon
dareemeen markaas ayuu boqorka
hareeraha fiiriyay wuxuuna arkay geed ay
biyo kasoo burqanayaan.


Markaaas ayuu boqorkii ubadiisii lasoo
baxay oo biyihii ku shubay wuxuuna
damcay inuu cabo hasa yeeshee waxaa
kusoo booday shimbirkii oo ka daadiyay,
markas ayuu boqorkii isdhahay asigaa aad
u oomanee bal sii, biyihii ayuu markale soo
shubay oo uu shimbirkii hoos dhigay balse
shimbirkii biyihii ayuu daadiyay, kadibna
ayuu boqorkii oo yaaban mar sadaxaad soo
shubay oo faraskii siiyay, balse waxaa
markale daadiyay shimbirkii.


Markaas ayuu boqorkii aad uxanaaqay
asigoo shimbirka ku qeyliyay wuxuuna
dhahay wlhi hadaad markaale daadiso
seeftaan ayaan kula dhacayaa, wuxuuna
soo shubtay biyihii asigoo cab isleh ayaa
hadana waxaa daadiyay shimbirkii.


Markaas ayuu Boqorkii xanaaqay oo
shimbirkii seeftii ku dhufty dhulkana kudhacay, balse wuxuu arkay boqorkii
shimbirkii oo madaxa wax ugu ishaarayo
asigoo nafta kasii baxayso sida inuu
leeyahay geedka korkiisa fiiri, markaas ayuu
boqorkii geedka korkiisa fiiriyay mise
waxaaba saaran abeeso aad uqaro weyn
waxaan shubmayana waa sunteedii.


Markaas ayuu boqorkii aad uga shalaayay
iskana ooyay shimbirkiina halkii ku dhintay.
Marka Wasiirow ma waxaad rabtaa inaan
noqdo sidii Boqorkaas oo aan dilo ninkii
Daaweeyay kadibna hadhow ka shalaayo??
markaas ayuu wasiirkii yiri Boqorkeygoow
aniga hadal kasta oo aan kudhaho inuu sax
yahay gadaal ayaad ka ogaan doontaa
hadii aad hadalkeyga iga yeesho waxaa
laga yaabaa inaad bad-baado, balse hadaad
taladeeyda iga diido oo aadan ka takhalusin
xakiim rooyaan waxaad u halaagsami
doontaa sidii uu uhalaagsami rabay amiirkii
ugaarsiga jeclaa.


markaas ayuu boqor yoonaan yiri oo maxay
aheyd sheekadii amiirkaas .


Markaas ayuu wasiirkii hadalkiisa ku bilabay : boqoroow waxaa jiray boqortooyo
waa hore jiri jirtay,
boqorka ka taliyana wuxuu dhalay wiil
kaasoo aad ujeclaa ugaarsiga.


Maalintii dambe ayuu ugarsi ubaxay kadib
ayuu wadadii ka dhumay asigoo jidka
kaligiisa socda ayuu wuxuu arkay gabar
jaariyad ah oo jidka kaligeeda fadhiso
markas ayuu wareystay waxayna usheegtay
iney la socotay safar qoyskeeda ahaa oo
ayna ka dhuntay una baahantahay inuu
caawiyo .


Markuu hadalkeeda maqlay ayuu naxariis
dareemay wuxuuna go,aansaday inuu
caawiyo wuuna sii waday ilaa ay kasoo
gaareen meel xeeb ah oo bada udhow,
markaas ayay ku tiri inta wax yar igu sug
xaajo ayaan soo gudanaa.


kadib ayay ka tagtay lkn iyadoon ogeyn
ayuu soo daba kacay balse yaabka waxay
aheyd markuu arkay iyadoo caruur la joogto
kuna dhaheyso ” waan idiin imid waxaana
idiin keenay wiil aad ucayilan”
markii amiirkii hadalkii maqlay ayuu aad unaxay naftiisana ubaqay, asigoo isla
markiiba faraskiisii kusoo dhacay
meeshiina kasoo cararay oo uu sidaas ku
bad-baaday.


marka boqorow waxaan ka baqaa in sidii
wiilkaas amiirka ahaa ee gabadha jaariyada
dad cunka aheyd uu caawi isdhahay u haligi
gaartay inuu adna xakiim rooyaan maanta
saasoo kale kuu haligo, waxaadna ogaataa
in ninkaan maanta shey aad qabatay haduu
kugu daaweeyo uu barina shey aad urisay
kugu dili karo waxaana laga yaabaa inuu
yahay jaajuus ay cadowgaaga kuusoo
direen si uu kuu dago ee aniga waan kuu
naseexeyne ka takhalus.


Markaas ayuu boqor yoonaan yiri wallee
waa runtaa oo hadii maanta shey aan
taabtay igu daaweeyay waa macquul in
barina shey aan uriyay uu igu dilo, waxaana
laga yaabaa sidaad sheegtay inuu jaajuus
yahay…

La soco qeybta 9aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here