Sheekadii “Reynaad” Qeybtii 2aad

0
594

Waxay gudo gashay iney indhaheyga soo fiiriso ayadoon marnaba juuq ii dhihin wax hadalna igu darsan markaas baan is weydiiyay hadii waxa I hortaagan uu sanam yahay ama insaan yahay, markii cabaar I hortaagneyd wax hadalna aysan idhihin ayay markii dambe bishimaheeda dhaqaajisay ayadoona iila hadashay sidii iney tahay sargaal Milatari Kumaandoos ah waxayna I tiri;

-Kani ma gurigii Saciid Al-Qaasim baa? Hadii uu gurigiisa yahay miyuu joogaa asiga? Hadiise uu maqanyahay goormuu soo laabanayaa?

Sadaxd su’aalood bey hal su’aal iigu kulmisay waxaana lahjada ay ku hadleysay ka dareemay ineysan carab aheyn, balse marba hadeyba gabar labaatan jir ah ninkeyga I weydiineyso waa inaan kor iyo hoos u fiiriyaa oo aan isha mariyaa kahor inta aanan u jawaabin.

Gabadhii ayaan isha la raacay jirkeeda wuxuu ahaa mid liisho ah aad u dhalaalayay, bishimaheeda waxay ahaayeen malab oo kale, da’ ahaan qiyaastii 10 sano ayay iga yartahay, qurux ahaan aad ayay u qurux badneyd balse aniga igama aysan qurux badneyn inkastoo waxbadan iga yareyd.

Guriga aan daganeen wuxuu ku yaalay meel god ah sidaas owgeed qofka irida taagan taag ayuu saaranyahay anigana iyada kor ayaan u fiirinaayay markaas baan iridii soo istaagay si aan isugu dhereriyo, markaan garab istaagay xoogaa ayay iga gaabneyd sidoo kalana wey iga caateysneyd, markaas baan iskula hadlay waad is caateysiin kartaa adiga balse iyada isma dheereyn karto.

Gabadhii markii ay I aragtay sidaan ugu mashquulsanahay ayay markale su’aashii iigu celisay balse toogtaan qaab sidii hore kadaran ayay ii weydiisay ilaa aan iskuba maleeyahay inaan ahay ardayad hortaagan macalinkeeda, markaas baan ugu jawaabay;

-Haa kan waa gurigiisa wuxuuna haatan ku maqanyahay shaqadiisa mana soo laaban doono maalmo kahor.

Luuqada Ingiriiska ayaana ugu jawaabay oo aan si fiican u aqaanay maaadaama aan kuliyada dalxiiska horay usoo bartay, kadibna waxay iigu jawaabtay;

-Aniga carabiga waan aqaanaa waana fahmayaa ee adiga ma Saciid ayaa ku dhalay?

Waxaa isoo jiitay sida fusxada leh ee ay carabiga ugu hadashay iyo sidey ugu maleysay inuu ninkeyga I dhalay, waxaase kasii fiicnaan laheyd inuu asigoo joogo sidaan igu tiraahdo si uu u ogaado iney jiraan dad gabadhiisa ii maleeyo inkastoo aan 30 sano jiray, kadibna gabadhii ayaan ugu jawaabay;

-Magaceyga waa Khadiija waxaana ahay Saciid naagta uu qabay ee ma ihi gabadhiisa.

-Mahadsanid Khajiija markale ayaan soo laabanayaa.

Markii ay sidaas tiri ayay iga sii jeesatay oo iga tagtay, markaas ayaan waxaan dareemay in heybadii kamuuqatay gabadhaas oo ay ila hortaagneyd taasoo aniga I celinaysay ay iga suushay markaas ayaan gudo galay inaan is weydiiyo; Sidee ugu ogolaaneysaa qaabkaan fudud iney kaaga tagto? Aniga naag bari kasoo jeedo ayaan ahay sidee ku dhacday in gabar kaa yar kaana Style qurxoon iney albaabka gurigaada soo garaacdo oo ay si edeb la’aan ah ninkaaga kuu weydiiso kadibna iska dhaqaaqdo ayadoon waxba kuu sheegin? Sidaas ayaan isku canaantay.

Markaas ayaan talaabadii ka daba qaaday anigoo doonayo inaan timaha kasoo jiido kuna qeyliyo una weydiiyo cida ay isku maleyso markii ay si edeb la’aan ah inta gurigeyga iigu timid ninkeyga ii weydiineyso kaaga darane magaceygii Khajiija u badasho?

-Hello, Hello Miss Stop isug.

Markaas ayay istaagtay oo isoo fiirisay ayadoo leh;

-Maxaad dooneysaa Khajiija?

Waxaaba aad iiga xanaajiyay qaabka ay magaceyga ugu dhawaaqeyso markaas ayaan anoo ciil la kaambinaayo ku dhahay;

-Marka hore magaceyga waa Khadiija “Kh a d i i j a” ee Khajiijadaan aad sheegeysid manaqaanee jooji, mida labaad marba hadaad gurigeyga timid soo ma wanaagsan inaad koob qaxwo ah ila cabtid kahor inta aadan bixin?

Markaan sidaas dhahay ayay qaab asluubeysan madaxa iigu ruxday sidii iney leedahay “ok” kadibna dhinacii gurigeena ayay talaabada usii qaaday.

Markii ay dhinaca guriga aaday ayuu miirkeygii iisoo laabtay waxaana soo xusuustay in gurigeyga uusan marnaba u diyaarsaneen in marti lagu qaabilo, mudo bilooyin ah wax marti ah laguma qaabilin mana u nadaamsana marti sidee ayaan marti kadis ah haatan ugu qaabili karaa.

Waxaan ka cabsaday in fowdada iyo isku dhex yaaca gurigeyga ay aragto markaas ayaan go’aansaday inaan joojiyo kaliyana weydiiyo halka ay ninkeyga ku taqaano iskana fasaxo balse qoftu goortey talaabsatay kaalay adiga sheeg waaba tanaa oo gurigii sii dhex galeyso oo waxayba dhex taagantahay daaradii yareyd ee gurigeena taasoo aanba 2 Mitir ka badneyn.

Guriga xaalad fowdo iyo isku dhexyaac ayuu ku sugnaa caruurta aan dhalay dharkooda, kutubtooda iyo waxay ku ciyaaraan aya meel walba daadsan, balse mid wax laga qaban karay ma ahan markaas baan u dhigay kursigii kaliya ee guriga yaalay si ay ugu fariisato.

Markii ay fariisatay ayay bilowday iney indhaha la raacdo gurigii markaan baan weydiiyay hadii ay dooneyso wali inaan isla cabno qaxwadii waxaana is lahaa marba fowdadaan hadey aragtay ma cabi doonto mana ku eedeynaayo midaas waayo aniga shakhsi ahaanteyda sanado kahor xitaa ma ogolaan laheyn inaan wax ka cuno maqaaxida ugu fiican magaalada hadii aan booryar xitaa ku arko.

Markaas bey igu tiri;

-Khadiija fowdadaan iyo wasakhdaan maxay tahay? Sidee suurto gal ku tahay in caruurtaada ku noolaadaan jawi ceynkaan oo aan caafimaadka u rooneyn?

Edeb daro badanaa weyba I canaananeysaa sidii iney guriga iyada ka taliso balse waxaan weydiiyay;

-Sidee ku ogaatay inaan caruur dhalay waayo aniga ma xusuusto goortaan kuu sheegay midaas?

La soco qeybta 3aad.

W.T; Cabdiraxmaan Xassan Anteeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here