Sheekadii Reynaad Qeybtii 3aad oo meel xiiso leh mareyso

1
609

Sheekada waxay qeybtii hore noo mareysay markaan Reynaad ku iri;

Sidee ku ogaatay inaan caruur dhalay waayo aniga ma xusuusto goortaan kuu sheegay midaas?

-Fowdada aan arko ayaa cadeyn iigu filan iney halkani caruur ku nooshahay.

Markaas baan su’aal xumideeda is arkay ileen wax walba oo guriga dhex daadsan waa caruur wax quseeyo, kadib jikadii ayaan aaday si aan ugu soo diyaariyo koob shah ah oo aan sokor laheyn kaasoo ay dalbatay, si dhaqso leh ayaan shaahii ku diyaariyay anigoo ka cabsanaayay iney iga fakato mudada aan shaaha ugu maqnahay.

Markii aan u diyaariyay oo aan usoo laabtay waxaanba u imid ayadoo ku mashquulsan hagaajintii guriga waxayna aruurineysay dharkii iyo kutubadii caruurta, markii ay aniga I aragtay ayay iga dalbatay inaan u keeno maro yar oo qoyan, markaas ayaan baxay anoon ogeyn sababta ay u dalbatay waana u keenay, marnaba kama filaneynin iney bilaabi doonto iney boorka guriga ka masaxdo oo maradii qoyaneyd ku tirtirto.

Aniga halkeygii ayaan istaagay anoon juuqna dhihin waxaana niyada iska dhahay naagtu si kas ah ayay rabtaa iney kuu ihaaneyso markaas baan ku dhahay;

-Albaabka gurigeena wuxuu ku dhahanyahay laamiga sidaas darteed boorka waa iska caado inuu maalin walba guriga kusoo aruuro, waxaase fiicnaan laheyd inaad isoo booqato sanado kahor xiligii aan daganaa qasriyada waaweyn kahor intaanan fuqaro isku badalin.

Markii ay howshii masaxidii dhameysay ayay inta kurisgii ku fariisatay oo lugihii iskor saaratay bilowday iney shaahii cabto sidii dadka ladan oo kale, waxayna koobka u qabsatay si aan caadi aheyn, markaas baan damcay inaan u sheego in sheeno sheenahaan gurigaan ka soconeynin oo ay dhaqso shaaha cabto iina sheegto meesha ay ninkeyga ku baratay kadibna iska tagto kahor inta uusan boorka laamiga dharkeeda wasaqeynin balse kahor intaanan la hadlin ayay hadana igu tiri;

-Gurigaaga waa guri wanaagsan farxad ayaana kasoo carfeyso, faqiirnimadaadana cudur daar kuuguma noqoneyso inaad fowdadaan ku noolaatid, ee kaalay aan si wadajir ah u hagaajino gurigee.

Waxayba iga dalbaneysaa inaan ka caawiyo sidii ay u hagaajin laheyd gurigeyga!!!!!!!!!!!!! Yaaaah qaabka ay u hadleyso daganaanta ka muuqato wajigeeda oon wax tilmaan ah bixineynin iyada dhan habdhaqankeeda ayaadba isaga bogeysaa markaas ayaan kacay oon bilaabay inaan gurigii wada hagaajino ilaa markii dambe ay isku dayday iney Jikada gasho balse uma okolaanin waayo sida ay wasakh u aheyd baan ogaaye.

Markaan isku dayay inaan hor istaago igama aysan yeeline jigadii bey gashay markay aragtayna waxay I weydiisay ;”Waa maxay waxaan Khadiija?”

Su’aashaas markii ay I weydiisay iyo wasakhda jikadeyda ka muuqato markaan arkay baan is yaxyax dartiis is dhahay talaajada maku dhuumataa? Balse waxaas dhan waxaa iiga daran naagtaan ninkeyga I weydiineyso oo aanan aqoonin kadibna gurigeyga inta soo gashay aniga I xisaabineyso, halkii laga rabay inaan timaha inta qabto oo aan guriga ka saarana waxaan ku gudo jiraa inaan marmarsiiyo u raadiyo xaalka gurigeyga ilaa heer aan gaaro inaan dhaho waan xanuunsanaa sidaas darteed ayaan wasakhdaan u hagaajin waayay.

Markaas ayay wax walba oo guriga yaalay nadiifisay anigana waxaanba dareemaayay in sodohdeyda isoo booqatay oo igula xisaabtameyso wasakhda gurigeyga ka muuqato, markii ay howshii dhameysay ayay barandadii ila soo fariisatay ana waxaan u sheegay in gurigeena uu aad u yaryahay ilmana ay joogaan oo ay maalin walba ku falaadaan sidaas owgeed ay mustaxiil tahay in maalinkasta la nadiiyo balse waxay iigu jawaabtay;

-Waa inaad juhdi intaan kabadan bixisaa qoyskaaga dartiis.

Anigan naagtii aan usoo xareystay inaan la xisaabtamo waxaan is arkay anigoo habdhaqankeeda ka helay inkastoo aanan arkin wali ayadoo halmar xitaa dhoola cadeyneso hadana habdhaqankeeda iyo sida ay guriga iigu diyaarisay dabacsanaanta iyo daganaanta ka muuqato dhamaantooda way isoo jiiteen.

Haatan waxaa la gaaray xiligii aan weydiin lahaa iyada cida ay tahay balse markii aan damcay inaan su’aashaas weydiiyo fowdadii ayaa iskuulka kasoo laabatay, gabadheydii yareyd iyo labadii wiil ee la dhashay ayaa soo laabteen, markaas ayaan si aysan meesha ugu buuqin darteed waxaan go’aansaday inaan qolka jiifka galiyo kuna soo xiro intaan naagtaan kala hadlaayo balse gabadhii ayaaba iga celisay ayadoo ii sheegtay inaan cunto u diyaariyo halkii aan qolka kusoo xiri lahaa.

Markaas baan caruurtii iyo iyadii isaga tagay waxaana galay jikadii si aan cunto ugu diyaariyo, xoogaa kadib waxaa iisoo galay wiilkeyga oo I weydiinaayo koob biyo ah oo uu u geeyo Miss Reynaad, markaas baan weydiiyay cida ay tahay Reynaad? Kadibna wuxuu ii tilmaamay gabadhii guriga joogtay, markaas baan inta u tagay weydiiyay; “Magacaaga ma Reynaad baa?”

-Haa magaceyga waa Reynaad waxaadna iigu yeeri kartaa Rani.

Markaas baan jikadeydii isaga soo laabtay anoo is leh tan iyo saakay bey wax nadiifis kugu mashquulisay adoon wali magaceeda xitaa baran halka ilmahaada ay dhowr daqiiqo ku qaadatay iney magaceeda bartaan, kadib waxaan iskula hadlay waxaa ii roon inaan markale iyaga ka warsado halkii ay aabahood ku baratay koley adiga saan talo kuma heyside.

Markii aan cuntadii uu diyaariyay oo aan barandadii kusoo laabtay waxaan usoo laabtay caruurteydii oo si asluubeysan u fadhiyaan misna Reynaad edebta bareyso, waligeyga ma arkin ayagoo qaabkaas asluubta leh u fadhiyaan markii ay guriga soo galaan qaska ay bilaabaan bey wadi jireen ilaa ay ka seexdaan balse maanta candhalaa curatay oo waaba kuwaan si asluubeysan u fadhiyaan.

Aad ayaan uga carooday markaan midaas arkay waayo ilmaheyga aniga sidaan asluubeysan iima dhageystaan naagtaan aysan aqoona oo ay daqiiqado kahor barteena waaba kuwa u hogaansan markaas baan iskula hadlay waxaa lagaaray xiligii aad muujimn laheyd inaad tahay ugaasada gurigaan ee fadhiga ka kac naagta ninkaaga taqaana ilmihiina kaala wareegtay waxay soo wado ma yaree.

Markaas baan ilmihii ku dhahay;

-Cunadiina qaata oo qolka jiifka aada hana kasoo bixina halkaas.

Marnaa sidaas dhahay ayay iga daba hadashay ayadoo leh;

-Ma haboona in cunada lagu cuno qolka jiifka.

Markii ay sidaas dhahday ayaa waxaa isugu key darsamay daal, caro iyo xanaaq waxaana dareemay in hadalkeeda ku saxantahay balse aniga dhan nooc kale ayaan ahaa waliba xanaaqa aad ayuu iiga muuqday heer indhaheyga ay ilinta soo buuxisay.

Reynaad markii ay I aragtay ayay ilmihii ka dalbatay iney fuliyaan hadalka aan dhahay, markaas ayay cuntadoodii qaateen oo qolkoodii galeen, kadibna inta dhankeeda usoo jeestay ayaan ku dhahay;

-Anaga fuqaro ayaan nahay Reynaad muhiimna nooma ahan halka aan cuntada ku cuneyno, iyo halkaan seexaneynaba ee aniga waali ha igu ridin ii sheeg meesha aad ku baratay ninkeyga?

La soco qeybta 4aad.

W.T. Cabdiraxmaan Xasan Anteeno.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here