Suaal ayaa ka taagan wali geerida Sushant Singh Raput inuu is dilay ama la dilay jawaab kama dambeys ahna looma helin ilaa hada tan iyo markuu geeriyooday 14-june balse hader waxay u badantahay in jawaab la heli doono marba hade CBI kiiskani gacanta ku dhigeen.

Waxaa hader la helay wada sheekeysi dhexmaray Rhea Chakraborty iyo Filimsameye Mahesh Bhatt oo isaga kiiskani looga shakisnaa markii hore labadan ayaa wada hadleen maalintii Rhea guriga Sushant kasoo tagtay waxayna la wadaageysay inee iyada iyo Sushant kala tageen xiriirkoodana bur buray.

Rhea waxay tiri,”Mudane ugu dambeyn Aisha wey soo baxday iyadoo geesinimo iyo adkeysi muujisay, wax walbo maanta ahay waa adiga madaxaada marwalbana waxaad ii ahed toosiyaha nolosheyda.’

Mahesh waxuu ugu soo jawaabay,”mar labaad noloshaas haku noqonin horey usoco guul walbo rabto waad gaari doontaa aabahana midaas wuu ku farxi doonaa aadbana u jeclahay isaga.”

Rhea: maalinkii aad talefanka kula hadleysa ayuu hadalkaada dhiiro gelin ka helay anigana wuu igu dhiiro geliyay waad mahadsantahay mudane aniga iyo qoyskeyga wax badan ayaa ino qabatay.”

Mahesh Bhatt: waxaad tahay gabadheyda oo kale horey usoco sidaas ayaan ku farxaa anigana.

Rhea: mahadsanid mudane waan dareemi karaa wax walbo ii heysid erey inaad ku qeexdo looma baahno.

Sheekadan waxay dhexmartay markee Rhea 8-june guriga Sushant kasoo tagtay waxayna usheegtay inee gurigaas kasoo tagtay magaca Aisha waa doorkeeda filim uu Mahesh Bhatt u sameeyay iyada waxay kaloo u sheegtay ine kala tageen iyada iyo Sushant isagana arinkaas horey ayuuba u rabay.

Dhanka kale maxkamada ayaa kiiskan ku wareejisay CBI shalay ayeena CBI Mumbai imaadeen sido kale 6-August ayeeba sii diiwaan gashteen 6-qof kiiskan lagu soo dacweeyay waxayba ogaayen in kiiskani iyaga loo dhiibi doono 6-daas qof waxay isugu jiraan Rhea, qoyskeeda iyo shaqaalaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here