Sheekadii Wiil-Waal Iyo Gabadhi Caqliga Badneyd: Maxaa Kala Qabsaday Wiil-Waal Iyo Gabadhii Ka Yaabisay Qeybti 2aad

Sheekada Qeybtii 1aad waxay inoo mareysay gabadhii oo aabaheyd kula talisay inuu qaado cadka hunguriga ah halkaas ayaana kasii amba qaaden……

Shirkii ayuu odaygii u dhalandhoolay. Wuxuu ugu tagay raggii amarka la siiyey oo mid walba cad soo qaaday mid walbana ka kale ka qarinayo cadka uu doorbiday. Way is fiirfiiriyeen, isfiirfiirin tuhun iyo Allow ceeb astur ku dheehan tahay. Wax yar ka dibna Garaadkii ayaa soo muuqday. Asalaamu calaykum? Wacalykuma salaam iyo waxay isku dareen ‘quumuu li sayidikum’ war Garaadka u sarajoogsada. Fadhiista idinkoo mahadsan nin walbana shaaca ha ka qaado cadka uu soo saaray, ayuu si gaaban u ogeysiiyey.

Dhinacii odaygii miskiinka ahaa fadhiyey ma ahee dhinaca kale ayaa dhawaaqii u horreeyey ka yeedhay, nin walbana daboolka ka rogay cad aad loo soo habeeyey. Ma bowdaa, ma garabbaa, ma sararbaa, cadba cadkuu ka gashin wanaagsanaa. Odaygii ayaa talo ku ciirtay oo hamiyey in dhulku la go’o. Allow i xil furo mooyee weedh kale ayuu afkiisu haleeli waayey. Wuxuu is yidhi adiguba bowdadaa hebel keenay oo kale unbaad la iman lahayd ee tii yarayd ayaa Alle kuusoo diray. War ileen talo isuma kaa sheegto iyo Alla caqligu xaasidsanaa ayuu hoostaa ka guray. Gabadhiisii ayuu hiifay ileen iyadaa usoo xambaarisay cadkan baasee. Hadal afka ka weyn iyo talo haween raace tagoogtuu ka jabaa iyo maahmaahyo la midab ah ayuu xusay.

Garaadkii ayaa weydiiyey: oday adna maxaad soo qaaday? Meel uu ka noqdo ma joogee wuxuu daboolka ka rogay hungurigii ka dib markay dhawr jeer gacantiisu dib uga noqotay. Talo dhabaqday! Wixii rag shirka fadhiyey ayaa mar kaliya af-labadii dhawaaqay. “War ninku miyuu waashay mise wuu soo wataa” ayaa gees walba ka yeedhay. “Ma foolxumo intaa la eg iyo ixtiraamdaro heerkaa gaadha ayaa Garaad Wiil Waal maanta loo geystay.” “Lun adduunoow! Hunguri sideebuu madasha u keeni karaa!” Qaarkood haddii aysan Wiil Waal wajigiisa ku ixtiraamaynin gacantooda ayaaba gaadhi lahayd ninkan ay u arkeen inuu lama maqal lamana aragta dhigay. Odaygii oo awalba walbahaarsanaa ayaa sawaxanka ragga ka yeedhay rucbi iyo naxdin hor leh u keenay. Hoos ayuu indhaha u rogay isagoo iska dhawraya in indhihiisa iyo kuwa Garaadku kulmaan. War ileen ceeb iyo cadho naftu kaagama takariso!

Cabbaar ayuu Wiil Waal aamusay si canaanta iyo eedayntii shirku soo jeediyey u kala degto. Odaygii oo la yaaban waxa ragga kale afxumo kasoo baxaysa iyo aamusnaanta Garaadka ayaa isha ku biciriiriyey wajiga Wiil Waal. Mise wuuba dhoolla-caddaynayaa oo nin lagu gafayba uma muuqdo. Hubsiimo halbaa la siistaaye, dhawris labaad ayuu u celiyey mise qosol ayuu gaws-ka-gaws Garaadkii ka wareegay. Mar kale ayuu fajacay. Wixii madasha san-ku-neefle fadhiyey ayuu cid kale oo aan Garaadka ahayn oo nuuxsata ka waayey. Wuxuu is yidhi ama waad yara khafiiftay ama waad riyoonaysaa ee sidani kolla xaqiiqo ma aha.

Cabbaar ayaa shib la yidhi. Kolkii aamuskii yara dheeraaday ayuu Garaadkii hadalkii dib u furay. Wuxuu yidhi, tolow i maqal, waxaa idinku jira oo kaliya hal nin wax caqli iyo garasho dhamaystirin Eebe siiyey. Laba ma aha, oo saddex ma aha, waa uun hal nin oo kaliya. Odaygii ayaa qaadan waayey odhaahdaa. Isagoo dhakafaarsan ayuu Garaadkii sidaa u eegay. Wuxuu ka shakiyey in qawlka Garaadka afkiisa kasoo degay iyo ka dhagihiisu maqleen ay isku mid yihiin. Qalbigiisa ayaa rumayn waayey maqalkiisa.

Wiilwaal wuxuu ahaa nin aragti dheer sidaa awgeed dareenka wajiga odayga ka muuqda ayuu ka shakiyey oo is yidhi see wax u jiraan! Wuxuu is yidhi malaha odaygu fikradda maba keenin, xujadiina ma furin. Shakigaa dabadii ayuu hadal baadhis ah kusoo tuuray oo yidhi; saaxiib adigu fikradda ah inaad hunguriga soo qaado ma aadan keeninee yaa kuu sheegay? Odaygii ayaa madaxa xoqday. Maya, anigu, haddee, em! Tu yaroon dhalay oo aanan u ducaynin ayaa igula talisay ayuu ku jawaabay! Wiil Waal ayaa mar qudha haw fadhigii kasoo yidhi oo dhammaan intii madasha joogtay soo jeediyey. Maya ayuu yidhi idinkuma jiro hal nin oo caqli leh siddaan hore u sheegay ee waxaa idinku jirta hal gabadh oo caqli u saaxiib ah. Hal gabadh ayaa dhamaantiin idin dhaanta oo idinka aragti saraysa.

Sababtu waxay tahay idin ma weydiinin inaad hilib ii keentaan, waxaan idin weydiiyey in nin walba keeno cadka rag walaaleeya. Ma gaajo iyo caydhnimo ayaad igu ogaydeen ama igu tuhmayseen? Hadalkayga guntada, oo xikmadayda dhagaha u fura; hungurigu waa cadka rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga. Adduunku waa nin qatan oo indhaha ka xumbaynaya iyo mid quuta oo dibbiro la daaca qudhunsan, hayste iyo mahayste, taajir iyo faqiir mucsur qaawan ah.

Qatane quutuu rabaa inuu ka qaato ama la qeybsado, faaqiirna taajirka ayuu in ka daadso is leeyahay, ma haystane haystaha ayuu hunguriyeeyaa kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay dagaal iyo difaac tagtaa. Bal ii sheega, maxaa kale oo aan hunguri ahayn oo rag isu geeya? Waxse ka weyn oo kale oo rag walaaleeya bal ii sheega? Kalmado noocaa oo kale ah ayuu ku canaantay. Raggii cargaagtamay markii ay hunguriga arkeen ayaa marxabbayn iyo weeye wajiyadooda laga dareemay.

Haddii aan ka yara leexdo sheekada, waxaad moodaa in Karl Marx (1818-1883) iyo saaxiibkii Frederick Engels (1820-1895) oo ahaa nimankii qoray “The Communist Manifesto” ay baal ka mid ah falsafadan Wiil Waal amaahdeen markii ay lahaayeen hadalkii macnihiisu ahaa: sooyaalka taariikheed ee dunidu wuxuu waliigaba ku dhisnaa dagaal dabaqadaha u dhexeeya. Addoon sayidkiisii iska dhici is leh, saanaca iyo ka hoosada uu ka shaqeeyo leh, dulmane iyo kii dulmay iwm oo daa’inkood dirir ku jiray. Marka laysku soo uruuriyo waxay isku haystaan wuxuu isugu imanayaa hawo adduun iyo hunguri sida Wiil Waalba caddeeyey qarniyo ka hor Marx iyo Engels.

Sidoo kale waxaa si xikmad badan arintaa gabay ahaan ugu cabbiray Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan oo ah gabayaa isu geystay hal-abuur hodan ah iyo falsafad culus. Waa kii lahaa:

– Shanta qaaradood waxa ka riday, qayladiyo buuqa – Waxa qamarka guud iyo hawada, qaraxa loo saaray – Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka qaataaye – Ama qaab uu gumaystuhu bartiyo, waa qoqoba riixe

Sheekadii aan gunaanadee, intaasi markay dhacday ayuu Wiil Waal wajahay dhinacii odaygii. Wuxuu ku yidhi hadal macnihiisu ahaa: gabadhaadu waxay ka garaad wanaagsan tahay dhamaan ragga halkan fadhiya. Qof rag iyo dumar toona u dhigma ma jirto, sidaa awgeed waxaan rabaa inaan kula xidido. Odaygii oo ay horay neefi uga soo booday ayaa waayahay waa lagu siin gabadha Garaad ku jawaabay.

Dhamaad…..