Home » Arimaha Bulshada » Sheekadii Wiil-Waal Iyo Gabadhi Caqliga Badneyd: Maxaa Kala Qabsaday Wiil-Waal Iyo Gabadhii Ka Yaabisay!!

Sheekadii Wiil-Waal Iyo Gabadhi Caqliga Badneyd: Maxaa Kala Qabsaday Wiil-Waal Iyo Gabadhii Ka Yaabisay!!

Waa markale iyo barnaamijkii sheekooyinka waxaana caawa dib u milicsanena sheekooyinka caanka ah ee buugaagta caanka lagu qoray, anagoo soo qaadanay sheeko hada kahor dhexmartay Wiil-Waal iyo gabadhii caqliga badneyd.

Sheekada Iyo Sida Ay Ku Bilaawaneyso Halkaan Hoose Kaga Bogo:

Xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad ayaa waxaa jiray boqor Soomaaliyeed oo la odhan jiray Wiil Waal. Waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin xukun adag xikmadse badan. Wuxuu ahaa hoggaamiye cimrigiisa badankiisii ku idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray Galla degaankaa muddo gaaban ka hor ka talinaysay.

Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu qof walba garashaddiisa dhudhumiyo ayuu ahaaye, maalin maalmaha ka mid ah ayuu shir weyn wacay oo uu isagu yeedhay odayaashii beesha. Wuxuu codsaday in nin walba oo soo gaadhi kara shirka yimaado. Il-laawe iyo lug-laawe kol ay ku tahay, Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid. Af-niijiye (qof dadka warka gaadhsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo, shirka barrito la isugu imanayana uu keeno “cadka rag walaaleeya”. Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay.

Way shireen oo war rag talo kama dhamaatee muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen! Cadka rag walaaleeya ayaa in badan laga dooday. Muxuu yahay mase jiraa? Si guud iyo gooni gooniba raggii way u shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii rogrogaan. Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war maxay kula tahay warsaday. “Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye” ayuu xaalkoodu ku sifoobay. Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday ayey ku kala faadhumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari weynayee, nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta, cadkii uu ka badin waayana barito ha keeno.

Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo, midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba cad gaar ah ayuu codsaday.

Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin caydh ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo adhi ah mooyee, caruur rajooyin ahna korsada. Aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta in dadka qaarkii u yaqaano ninka noocaa ah. Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd. Gurigiisii ayuu tagay odaygii wuxuuna gabadhiisii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka dhaqaaqaysa. Ee aabo, miyaad waalatay caydh ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta adhigaba laga qaato ku maagtay, ayey weydiisay. Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu jawaabay. Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu laabta ku hayey cidhib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo uu ka madax-adaygo ileen “Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale”.

Sabeentii ayaa la xalaaleeyey. Markii la diyaariyey ayuu odaygii kala doordoorasho galay isagoo kolba cad qaadaa-dhigaya oo leh tolow ma kanaa mise waa kaa. Ugu dambayntii ayuu doortay bawdo oo uu yidhi tanaan la tagayaa? Gabadhii ayaa mar kale la yaabtay aabaheed oo su’aashay xaggeed geynaysaa aabo? Garaadka ayaa na faray in nin walba shirka la yimaado “cadka rag walaaleeya” sidaa awgeed waa inaan bowdadan qaadaa aad bay iila buuran tahay una malaynmahayo in cid mid ka wanaagsan keeni karta ay jirto, ayuu ku juwaabay. Wax Alla wuxuu uga jeedo garanmahayo, laakiin jid kale iima furra inaan warka Garaadka yeelo ma ahee, ayuu iksu dayey inuu gabadha ku qanciyo.

Gabadhii ayaa qadar gaaban aamustay oo ka fakartay xujada aabaheed iyo raggii kale ee Bartire haysata. Aamuskaa gaaban ka dib ayey tidhi maya aabo ha qaadin cadkaa maxaa yeelay ma aha midka Wiil Waal doonayo! Odaygii ayaa ku adkaystay inuusan cad aan kaa ahayn shirka gaynaynin. Gabadhii oo ku dadaalaysa in aabaheed xujada furo, ogna in cadkaa odaygu dadaabtay aanu ahayn kii xujada furi lahaa ayaa mar kale tidhi maya aabo ha qaadin kaa. Anniga i kadbo oo waxaad qaadaa hunguriga! Hunguri!!! Odaygii ayaa amakaag iyo af-kalaqaad qabsaday! Ma anigaa shirka hunguri la taga, oo Garaadka waxaas oo xurmodarro ah u gaysta. Alla maxaad gabadhyahay waalan tahay anna inaad i waasho damacsan tahay.

Aabo aniga i aamin ma rabo inaan kuu sheego sababta maxaa yeelay Garaadka naftiisa ayaa kuu sharxi doona ee adigu hunguriga shirka la tag, wixii denbi ah ee halkaa ka dhashana anigaa dusha u ridin doona, ayey tidhi. Odaygii ayaa dhiiranaanta iyo isku kalsoonida gabadha yar ka muuqata la yaabay. Kolkaa ayuu cabbaar qadariyey fikraddeeda. Waxaa u muuqan waayey sababta yartu hunguriga u xulatay iyo inna wax hunguri dheer yahay cadadka kale. Wuxuu mar is yidhi waa dhallaannimo iyo waayo aragnimo la’aan, laakiin isla markiiba wuxuu xusuustay in gabadhu caaqilad weyn tahay oo aan haba da’yaraatee talo ay soo jeedisay hadda ka hor lagu hungoobin.

Mar wuxuu is yidhi, adiga ayaa lagu xujeeyey ee Allaa ku lehee arinta go’aankeeda ku calool adayg sida kula qumanna yeel. Laba qalbiyeyn iyo walaac ayaa coobbaha is tubay. Waxaa dhagihiisa ka guuxay “wixii denbi ah anigaa oogada u ridin doona.” Mar dambe ayuu ku jawaabay waayahay waxaan qaadayaa hunguriga maxaa yeelay gabadh caqli badan inaad tahay ayaan ogahay. Calool adayg waa Alla wehelkii, ee hadday dan mooddo baddunna buurta ha talowdo ayuu isku tirtirsiiyey. Yartii ayaa aad u faraxday. Waxay dareensanayd inay ku guulaysatay furidii xujadii Garaadka, aabaheedna inay magac usoo jiiday. Farxad, isu hambalyeyn iyo is mahadin ayna muujinin ayaa saaqay.

Lasoco Qeybta Xigta Sheekadan Caanka Ah Ee Wiil-Waal Iyo Gabadhii Caqliga Badneyd: