Kerem Cem waa jilaa fanaan ah sidoo kalana heesaha alifa wuxuuna dhashay 22 December 1977dii asigoona haatan ah 42 jir hadaba halkaan kaga bogo macluumaad ku saabsan Kerem Cem.

-Kerem wuxuu ku dhashay Moglo magaalada la yiraahdo oo ku taalo turkiga.

-cayaarta ama waxa uu ugu jecelyahay waa dabaasha.

-jinsiyadiisa asalka ah waa Turkish.

-dhererkiisa waa 1.82cm.

-wuxuu aad u jecelyahay mukulaalaha.

-Diintiisa waa muslim.

-luuqada turkiga ka sokow wuxuu kaloo ku hadli karaa luuqada Inglishka.

-wuxuu ka baxay jaamacada Egah asigoona bartay kuliyada xiriirka caalamiga.

-intuu ku jiray waxbarashada dugsiga hoose ayuu bartay garaacida kamanka waana halka uu kasoo bilaabay howlihiisa fanka.

-waa heesaa sidoo kalana heesaha qoro waana jilaa Turkish ah wuxuuna horay ugu guuleystay bilado badan asigoona heeso badan oo uu abaal marino ku qaatay ku luuqeeyay.

-albunkii ugu horeeyay ee uu duubay wuxuu ahaa sanadkii 2004tii wuxuuna albunkaas gaaray guul weyn.

-kadib markii albunkiisii koowaad guuleystay wuxuu soo saaray albuno kale asigoona noqday fanaan shacbiyad balaaran leh kumanaan taageerana leh.

-Kerem kadib markii uu fanka iyo heesaha guulo la taaban karo ka gaaray wuxuu u wareegay dhanka jiliinka asigoona filimaan iyo taxanayaal badan la yimaaday.

-Kerem intii uu fanka iyo jiliinka ku jiray wuxuu xiriiro jaceyl lasoo sameeyay gabdho badan kuwaasoo qaarkood atariishooyin ka ahaayeen taxane uu hogaamiya ka ahaa.

-xiriirkiisii ugu horeeyay ee soo shaacbaxay wuxuu la sameeyay Pelin Ozcan ayagoona wada socdeen sanadkjii 2010kii.

-xiriirkiisii labaad wuxuu la sameeyay atariishada turkishka ah ee Seda Guven waxayna is guursadeen sanadkii 2014tii, balse dhowr bilood kadib way is fureen, wuxuuna ahaa go’aan kadis ah ayadoon marnaba la ogaanin xitaa sababta ay isku fureen.

-xiriirkiisii sadaxaad wuxuu la sameeyay atariishada  Ezgi Asaroglu oo ay mudo 4 sano ah hal taxane wada jilayeen balse xiriirkaan asna sidii kuwii hore waxbadan masii jirin durbana wey kala hareen.

-xiriirkiisii 4aad wuxuu la sameeyay atariishada Ilay Erkok waana gabadha ku jirto taxanaha Hercai ee Yaariin la dhaho (gabadha azaad la dhalatay), inkastoo uu ka weynyahay 15 sano balse sanad kadib hadana xiriirkooda wuu burburay weyna kala hareen.

-sababta ay Ilay Erkok iyo Kerem Cem u kala hareena waxay aheyd in Kerem uu khiyaanay Ilay asigoona xiriir la yeeshay atariishada Iiraan u dhalatay ee Gazal la yiraahdo.

-xiriirkiisii 5aad wuxuu la sameeyay atariishada reer Iiraan ee Gazal la yiraahdo wuxuuna Kerem xabiibtiisa cusub u qaaday hees jaceyl oo cinwaankeedu yahay (jaceylku wuu yaqaanaa shaqadiisa).

-haatan Kerem waxaa lagu xantaa inuu xiriir la leeyahay atariishada la wado taxanaha Kimse Bilmez ee Ozgu Kaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here