Aqristayaasha qiimaha badan waxaan horey idin kula wadaagnay in filimkii Super Hit-ka noqday Ek Villain sanadii 2014 oo ay wada jileen Sidharth Malhotra, Shraddha Kapoor iyo Riteish Deshmukh qayb labaad laga sameenayo loona bixiyay Ek Villain 2 waxaana hogaamiyaal looga dhigay John Abraham, Aditya Roy Kapur, Disha Patani iyo Tara Sutaria.

Haatan Director Mohit Suri waxaa laga soo xigtay in filimka Ek Villain 2 magaca laga badalay loona bixiyay Do Villain waxayna duubista filimkan bilaaban doontaa marka xaalada caadi kusoo laabato bilaha June ama July sidoo kalena waxaa tiyaatarada la saari doonaa 8 Jan 2021.

Sidoo kale Director Mohit Suri wuxuu sheegay in John iyo Aditya filimkan si adag ugu xifaaltami doonaan sidoo kalena labada atirisho Disha iyo Tara iyagana doorarkooda xumaan ku lifaaqan yahay sidaa darteed mashruucan Do Villain ayaa ku haboon magac ahaan oo laga wado labo laadar ama labada hogaamiye filimkan mid walbo xumaan doorkiisa ku lifaaqan yahay.

Sidoo kale filim sameeye Mohit wuxuu sheegay in mashruucan taxane ka dhigi doono mustaqbalkana uu rabo inuu sameeyo Teen Villan (Sedex Laadar), Chaar Villain (Afar Laadar) wuxuuna rabaa marwalbo taxanahan atoorayaashiisa inuu kordhiyo oo sedex atoore ama afar atoore ku xifaaltamaan mid walbana doorkiisa naxariis laheyn oo xumaan ku caan baxayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here